10 May 2013

Why Is Dating with Somali gay guys So Freaking Hard? Maxay u adeg tahay shukaan-siga Somali-da dhexdeedu?



Tiro aan yarayn oo khaniisin somaliyeed ah, ayaa meel walba ka buux-da, facebook-gana, hadal-kiisaba da'aa oo wuxu noqday meel wasmo, gus iyo futo, top iyo bottom uun lagaga hadlo. waxan marar badan is weydiiyay. Marka wasmo laga yimaado, maxa loo waayay wiilal isla hasaawa, is jeclaada oo xata is guursada oo somaaliyeed??? Jawaab waan u waayay.
Waxa jira qaar badan oo aduun-ka dacaladiisa jooga oo internet-ka is bartay halkaasna ku wada xidhiidha iyo waliba qaar is waca. hase yeshe wax natiijo ah oo la taban karo aan samayn. Marka laga yimaado telefoono la isku diro oo sacado badan qata, oo intiisa badan sheeko dumareed iyo waa la is wasay waxan ahayn looga hadlin. 

Waxan waraystay mar wiil aan asxaab nahay oo ah qolyahan ku ba'an maweelada khaniisiin-ta. waxan waydiiyay, ninyahow, horta maxad ka hesha sheeko baralayda khanisiin-ta hadaanad wax micno ah ka keenayn. Intu qoslay ayaa wuxu igu dhahay, sxbow khaniisin-ta sheekadooda wakhtiga ayaan isku dhaafiya, waxan ku dhahay, way badan tahay wax badan oo wakhtiga lagu dilo, ee maxad ka fa'iidaysa, qof xata anaad magacaga runta ah u sheegin, tel-kaaga runta ah hayn oo mid beena aad kala hadasho. Wuxu igu jawaabay, Aniga uun maha ee iyaga oodhan ayaa nooca ah. Marka anigii waxa igu adkaatay in aan fahmo. qof sida u wakhtiga ugu luminayo, sheeko ma dhalays ah. Ma u jeedo in qof walba oo aad barato aad jacayl iyo hasawe u barato. Lakiin macnahaygu waxa weeye, xata sxbo qaali ah oo aad waayo arag-nimada noolasha wadaagtan waad heli kartaana. Maad dacad isku noqotaan oo aad beenta iska dhaaftan????

Lama dafiri karo in ay jiraan qaar tiro yar oo iyagu xaga runta iyo noolol yagleel u dhaqaaqay oo u bahan in la boogadiyo, iyagana waxan leeyahay hore u socda oo sidaad dacad iskugu tihiin, bulshadana tusa oo ha la arko in ay jiraan khaniisin is jecel oo reero leh oo somaaliyeed. xata waxay dhiiri galin u noqon karta kuwa idinka danbeeya ee baqanaya.

Waxan ogahay in badan oo inaga mid ah in ay quus ka yihiin, suuro gal-ka khaniis somaali ah oo aad noolol wadaagtan in aad Internet-ka ka heli karto. Anigu waxan qaba waa sahal, waana suuro gal haddi aad naftiina runta aad u sheegtan oo aa khaniis-nimadiina aqbashan.  Guul ka weyn in u qofku naftiisa aqbalo ma jirto

Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

3 May 2013

Don't lie to yourself!!! Naftaada been ha u sheegin.



In aad naftaada iyo bulshada run kula noolato waa muhiim. Maxa yeelay waxay runtu ku sahlaysa xalinta dhibatoyiin-kaaga gar ahaaneed iyo kuwa aad bulshada la wadaagto. Qirashada dhib jirta waa xal-ka badhkiis, lakiin haddi anaad qirsanaynba in ay dhib jirto, xalna ka hadalkii waa mid aan jiriinba. 
Dhalinyar badan oo khanisiin ah oo inaga mid ah waxay naftooda kula nool yihiin been, taas oo aad ugu adkaysay noolasha. 
Dhawaan waxan booqday Magalada Oslo ee caasimada dal-ka Norway, halkaas oo u degan yahay wiil aan hadeer hasaawe noo socdo. Wiilkaas waxay asxaab yihiin wiil Falastiini ah oo khaniis ah, waligii wiil mooye, gabadh ma arkin, xata xubinta dumar-ka looga tago meel ay ku taal iyo sida ay u eeg tahay film mooye ma arag. Noolashiisa intu oga oodhan khaniis ayuu ahaa. Hadeer waa 30 jir. Waxan aad uga naxay oo runtii aad ii damaqday wiilkaasi wuxu amiinsan yahay in Khaniis la noqda in ay tahay nacdal iyo xumaan, sidaas oo ay tahay habeen iyo maalin-ba gus iyo futo ayuu ka hadlaya. Waxa u ii waydiiyay ka waran haddii walaal-ka ama walaasha ay ku sheegan in ay khaniis yihiin waxad dareemi lahayd, waxan ku dhahay waan ku farxi laha, maxa yeelay, sida ay sariirtooda u seexdan aniga waxba ma yeelayso kalgacayl-ka walaal-tinimo ee aan u hayo. Isaga ayaan su'aashi dib u waydiiyay, wuxu igu jawaabay waan ka xumaan lahaa. Waxan hadal-kiisa ka akhristay laba ariimood. 
1_ in wiilkaasi naftiisa been kula nool yahay oo uu u haysto in aanu isagu khaniis ahayn.
2_ in u wiilkaasi naftiisa neceb yahay, Waayo hadaad inkirsan tahay qof-ka aad tahay, waxad neceb tahay naftaada.

Beentu kaliya maaha tan mararka qaar qofku naftiisa kula nool yahay oo iyadu aad u daran, hase yeshe waxa jirta mid qofku bulshada kula dhaqmo taas oo marka ta hore loo eego samaynteedu ka weyn tahay. Maxa yeelay tan aad naftaada kula nooshahay adiga uun bay wax ku yeesha lakiin tan aad bulshada kula nooshahay, waxay wax yeelaysa adiga iyo bulshada kugu ag xeeranba.
Wiil Soomaliyeed ayaan mar is jeclaanay, been ayuu igu bartay, beentaasi aad ayay u dhawacday xidhiidhkayagii, taas oo markii danbe sabaabtay in u burburo. Waxan amiinsanahay been yar oo daqiiqad sheegta in ay aad u waxyeelayn karto amiinada iyo kalsooni-da aad qofka kale ka haysatay. 2 sano ka hor waxan bartay sxb aad u qaali ah, ilaa mantana ah qof noolashayda aad sxb-tinimadiisa looga tix galiyo ka badan dad aan hortiis aqaanay. Barashadayaadi hore waxay ku bilaabantay been aan ka sheegay qof-ka aan ahay, mudo ka dib markii aan aniga iyo wiilkaasi asxaab nahay ee xidhiidh-kayaga sxb-tinimo xowli dheer jaray, ayaa u qayb kale oo aniga iga mid ah oo anaan u sheegin markaas ka hor u iga ogaaday, aad ayuu uga niyad jabay in aan been u sheegay, shaki la'aana kalsooni-dii uu igu qabay aad ayay u lumisay. Waxan aniguna ka baqay in aan u sheego qayb kale oo noolol maalmeed-kayga ka mid ahayd, si anaan mar kale kalsooni-diisa u waayin. Waxay iga qadatay hal sanno in aan noolol maalmeed-kayga ku badalo si aan u rumeeyo waxan u sheegay oo anaan mar kale kalsooni-diisa u waayin. Marka waxan uga jeeda ma  qiyaasi kartid inta aad qof benu adam ah isla gaadhaysan barasho maalin-ta aad kulmaysan, Marka uma baahnid in aad been u sheegto. Hadaanad rabin in aad wax walba u sheegto, waxad odhan karta ma rabo in hada ku sheego.
Waxan dareema mararka qaar khaniisiinta Soomaali-da in hadal badnidoodu la marto in ay been sheeko kaga dhigan si ay been iskaga ka gadan. Mararka qaar waxad arkaysa qof ku sheegaya waxanad waydiinin oo been ku salaysan. Miyayna ka ficnayn in u kala hadlo wax run ah isagana aan ka waramayn inta u been kugu daldali laha. Ilayn wax laga hadla badane

BEENTAADA HORE, RUNTAADA DANBE AYAY DISHA. MUHIIM MAHA IN AAD QOF WALBA RUNTA U SHEEGTO, LAKIIN WAA MUHIIM IN ANAAD QOFNA BEEN U SHEEGIN. HA KA JAWAABIN SU'AAL, HADAANAD RABIN IN AAD BEEN SHEEGTO.


Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

26 Apr 2013

Gay who are married to a woman!!! Khaniisiin-ta dumarka guursata!!!



Damiir-ka dadka qaar wuxu gaarsiisan yahay in ay noolasha ka qaadan dad kale oo ay dilaan, qaar kale in ay dadka lug'gooyadooda ka shaqeeyan, qaar in ay xaasidiin dadka kale ku noqdan. 
Halka damiir-ka khaniisinta qaarna gaadh siisan yahay in ay qof kale isticmaalan si ay iyagu u farxan. Waxan ujeeda qolyaha khaniisinta ah ee dumarka guursata, iyada oo ujeedaduna tahay in sowr-ka bulshada la tusayo la qaldo. Si u qofkaasi farxad u dareemo ayaa wuxu isticmaalaya haweenay walaashi oo kale ah oo iyadu dacad ah, waxba ka ogayn in ninkan guursaday marka u iyada u tagayo Gus maxkada ku hayo oo u sida ugu tago. 

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa talo igu yimid wiil aan asxaab nahay, kaas oo ay maskaxda kaga mudnayd in u guursado. Wuxu ii sheegay qorshihiisa iyo qofka u rabo in u guursado iyo sabaabta. Waxan ku dhahay ka waran Hablaayo oo walaasha ah oo aad jeceshahay, haddu guursado hebel oo khaniis ah oo aad taqaan. Wuxu dhahay kuma farxayn. Waxan weydiiyay waayo? Wuxu yidhi waxan ogahay in u wax kalena ku hoos wadayo. Waxan ku dhahay Bila Calayk maxad ugu qudhaysa gabadh islaamayd waxanad walaasha u qudhayn??!! Aniga agtayda Dumarku waa wax qadarin iyo sharaf weyn ku leh. Hooyaday oo aan aduun-ka ugu jeclaa ayaa ka dhalatay haween iyo hablaha aan walaalaha nahay oo aan aad ugu hanweynahay. Marka wax anaan iyaga u qudhayn gabadh kale oo sidooda ahna uma quudhayo.

Muhiimadu maha in aad gus leedahay oo aad intaad kacsato haweenay u tagi karto. Muhiimada guur-ku maha wasmo wiil iyo gabadh oo hadhowna caruur dhala. Muhiimadu waa farxad, jacayl iyo amiinad.

Waxan waraystay wakhti aan sii fogayn wiil Somaliyeed oo khaniis ah oo iska da'a in u khaniis yahay sidayda iyo qaar kalo badane, isaga waliba ay u dheer tahay in qofka indhoolaha ah u arkayo in u khaniis yahay. Hooyadi ayaa marka ay aragtay wiil-keeda, waxay u dhistay haweenay somaliyeed oo ilahay u saalim ah. Dee waa guursaday wiil-kii ilmo ayuu ka dhalay. Ilayn af qoyan hadal ma daayo, Aniguna su'aal ma dhaafe waxan weydiiyay wiil-ka, Waxad iga waranta aroos-ka iyo waxad hada dareemayso. Wuxu igu dhahay, Walaahi hada uun baan ugu daranahay oo habeen iyo maalin gus ka fikira. Waxan dhahay, marka aad gabadha u tagayso sideed ugu kacsata, wuxu dhahay waxan maskaxda galiya aniga oo dabada gus igaga jiro. Intaan aad u qoslay ayaa waxan waydiiyay ma ku faraxsan tahay noolasha noocas ah. Wuxu dhahay haba yarate maya. Dee maxa ku galiyay ayaan dhahay, Wuxu yidhi reerka raali galintiisa. Marka waa su'aale reer-ka iyo bulshada raali galisaye adigu goormaad raali noqonaysa?????

Qolyaha aan ugu yeedho 'double moral' ka waa kuwa diinta iyo dhaqan-ka iyo noolasha aadamaha ayna u kala socnayn. ayaa waxay ku doodan Akhiro iyo Ilahay, Deeto anaa waxan ku dhaha, Anigu ma amiinsani in u Ilahay khaniis-nimada igu imtixaanayo oo ka caadiga ahna uu u nimceeyay. Lakiin waxan waydiiya, Qur'aan-ka Allah waxa ku jirta in u Ilahay towbada iyo soo labashada u aqbalo, Lakiin ta u aqbala waa tee??? Waxa qur'aanka ku taala, Towbatul nasuuxa, oo macnaheegu yahay Soo labashada Ilahay loo laabto ee danbigiina dib loogu labanayn. Marka salaada ayaan tukanaya dhinacada kalena howlo aad danbi u aragto ayaan kaga jiraya isma Qabtaan saxiibayaal ee nafta beenta ka daaya. 

Khaniis ayaad tahay, Ilahay ayaa sidaas ku abuuray , maxa yeelay qof fican ayaad tahay, waxba kama qaldana, dadka ma dhacdid mana dishid. Marka  ma Is weydiisay sabaabta adiga oo fican Ilahay khaniis kaga dhigay,oo u Mooriyan naxariis daran oo dadka Ilahay iyo dumarka umusha ah dhibayana u caadi uga dhigay?????? Jawaabtu waxa weeye Ilahay waa caadil, adoomihiisa oodhan jecel. Marka sabab uu adiga sidaas kaga dhiga ma jirto ee sida Carabtu diinta inoogu keentay ayaa khaldan ee diintu ma Qaldana.

Waxad ogaada akhriste in aad noqon karto qof ahlu diin ah, Ilahiisa ku xidhan, adoomihiisa nabad galiya, cawiya oo bulshadiisa qayb ka noqda, Isaga oo khaniis ah. Marka in aad khaniis tahay maha cudur lug'gooyada haween-ka iyo is inkiraad lagu daweeyo ee waa noolol macaan oo qurxoon oo lagu noolado. Ee kalay nala farax oo murugta nafta ka xorow

Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

19 Apr 2013

Your time is limited, so don't waste it living someone else's life! Noolashu way koban tahay, marka uma baahnid in aad qof kale u noolato




Waxad mooda inta badan dadkeena khaniisiinta ah, in ay iskaga dhex darsamayn, Discreet 'qof xog qarsoon' macnaha aan ahayn Gay la yaqaan iyo Confuse 'jaho wareer' qof khaniis-nimadu cuqdad ku noqotay.

Waan fahmi kara sabaabta dad badan oo inaga mid ah ay ugu nool yihiin noolol qarsoon ama laba wajilayn ah. Maxa yeelay bulshada aynu ka imaanay, dhaqan-ka iyo u af duubnaanta diintuba waxay adkaynaysa in aad noqoto qofka aad tahay oo aad noolashaada ku noolato. Anigu ma qabo in aad ka farxiso bulshan aan iyaguba kugu faraxsanayn. Lakiin waan fahmi kara in ay dad badan muhiim u tahay ka farxinta bulshada aad isaga ku faraxsanayn. Hadana sidaas oo ay tahay, waxan qaba, haddu qofku yahay mid isku faraxsan oo is og naftiisa iyo qofka u yahay, oo uuna been ku noolayn. Marka waa sahal in u noolasha ka gudbo oo u hore u socdo. Lakiin qofku hadduna is ogayn oo u jaho wareersan yahay. Hab galmeedkiisu waran ku tagan iyo cuqdad nafsi ku noqdo. Marka qofka noocas ah uma sahlana in u hore u socdo oo u noolasha ku guulaysto. 

Runtii waayo aragnimo badan oo sidaas u fog noolashan khaniis-nimada, gaar ahaan ta Soomali-da uma lihi. Lakiin qof-ka aan ahay iyo hab fahankayga ayaa waxa u ii suuro galiyay in aan darso noolashan iyo sida dadku ugu nool yihiin. Waxan arkay wiilal khaniisin ah oo Soomaali iyo madowba leh, oo ah qaar noolashooda khaniis-nimada u go'ay oo ku nool, waxan ogaaday khaniisinta noocas ah in ay dhamaantood farxad ku nool yihiin, ku guulaysiga noolasha 80% yihiin dad noolol fican ku nool. 

Waxan kaloon arkay khaniisinta qarsoon ee aan muqaan, waxan ogaaday in u noolashaha bulshadu ka dhigtay qaar aad ugu tabar daran dadka kale, aad bulshada u caawiya, waxoogu yahay wax cid walba leedahay, guryahoogu yihiin qaar cid walba wax ka cunto, wiilasha aad ugu roon, sida in wiil la iska caashaqo aan jacayl-kaagaba war uu hayn oo la siiyo wax walba oo u rabo, cunto loo kariyo, dhar loo dhaqo oo loo dhaqaaleeyo sida hooyo wiil madi ah oo ay dhashay u dhaqalayso. Waxan arkay in ay cabsi iyo niyad xumo, bahdilad iyo duli ku nool yihiin. 

Marka aan is waydiiyay waxa laba qaybood ee khaniisinta ah u dhaxeeya, waxan ogaaday 
1_ Khaniis-ka noolashiisa ku nool in uuna cidna saacado iyo farxad ka sugayn, halka kan qaarsoon kalsooni darada ku dhacday u rabo in ay bulshadu u aragto in u yahay qof faraxsan. 
2_ waxan ogaaday in halka guusha noolasha khaniisinta noolashooda ku nool uga dhow yihiin kuwa qarsoon. Maxa yeelay kuwa qarsoon, waa wax ma dhigato bulshada u nool oo waxooguna yahay hanti wadaag ay bulshadu leedahay oo u qofku rabo in u amaan ku gado. 3_ Xaga kalsoonida iyo isku bogida waxa 100% aad ugu horeeya khaniisinta furan, maxa yeelay cidna amaan iyo kalsooni siin kama sugaan oo iyaga mar horeba is boqray. Halkan kuwa qarsoon ay ku nool yihiin jilid noolol ayna rabin ama ku raali ahayn si bulshada ay u raali galiyan. 
4_ waxan ogaaday xaga galmada in khanisiinta furan ay jacayl iyo qof ay rabaan la seexdan, halka kuwa qarsoon yihiin kuwa la seexda qof ayna rabin iyo dani ku baday ay marar-ka qaar lacag siiyan ama ay raali ku noqdan in la duulaysto oo qof u xayn daab ku xidho isaga oo duulaysanaya.

Muhiim maha in aad igu raacdo waxan anigu shakhsi ahaan aan arkay. Lakiin waa muhiim akhriste in aad adigu sakhsi ahaan-taada u dhabo gasho oo aad u fiirsato. Somali-du waxay dhahda, cilmiga ha lagu dhige aqliga kaasho ba la yidhi. Marka bal adiguba isku fiiri qolyaha aan soo xusay.

Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

12 Apr 2013

Why most of you ask if top or bottom? Maxad dadka su'aasha kor ama hoos u waydiisan?




Intii mudo ahayd, asxaabta waan ka ag dhawa, waxan daris kula ahaa facebook-ga. Marar badan ayaa asxaab fariin ii soo qorta oo waxay ii waydiisa, salaan ka dib amaba ka hor, Are you Top or Bottom. Waxan caadi ah in qof profile name-kiisa ku qorto hebel Top ama Bottom. Amaba aad aragto qof kale oo Walk-kiisa ku qoray sheeko ku bilaabanta, mid top ah ama mid bottom ah ayaa sidaas iyo sidaas yeelay. Hadaba yaabaye. Khaniis-nimadiiba ma waxay ku koobatay Top iyo Bottom kaliya? Mise khalad ayaa laga fahmay noolasha khaniis-nimadaba?

Sidaas marar badan ku cadeeyay, qoraaladaydii hore, khaniis-nimadu maha uun galmo. Waa hab noololeed jacayl xambaarsan. Xayawaan-kuba waa isku taga bila shuruud iyada oo ay kala raxaysanayaan. Waxa benu adam-ka ka duway ayaa wuxu yahay, badiya qofka benu adam-ka ah wuxu ka hela ama jeclaada qof kale, kaas oo xidhiidhkiisa galmana u la wadago. Marka in aad khaniis tahay waxay ka dhigan tahay, waxad jeceshahay qof-ka aad isku jinsiga tihiin, taas oo macneheegu yahay in u qalbigu halkaas kaliya qabto. Waa run in benu adam-ku guud ahaan qofba si u raxaysto, marka ay noqoto galmada, si labada qof mid walba sariirta uga kaco isaga oo mabsuud ah mid walba door ayuu qata. Kama dhigna in midna la liidayo ka kalena libin la hoyanayo. Labadooduba waa raxaysanayaan iyada oo sharaf-ka iyo qiimiga mid walba meeshisa yaalo. Waxan xasuusta wiil-kii ugu horeyay ee aan xidhiidh la sameeyo, wuxu ahaa Soomaali cuqdadaysan, marka ay noqoto hab galmeed-ka. Isaga ka hor aniga qof iima tagin in aan u tago mooye. Waxa uu ii sheegay in u kaliya yahay top oo aan waligii loo tagin, Marka wuxu dhahay hadaynu wax wada samaynayno waa in aynu kala badalana. Aniga oo marka amiinsan in uuna xidhiidh laba qof shaqayn karin hadayna labaduba sariirta isku raali galin. ayaan waxan ogaaladay in aan aqbalo in u ii tago anaa u tago. Sidii ayaan yeelnay. Marka aan anigu sidaas yeelayay waxan sameeyay tanasul weyn oo aan jacayl dartiis u sameeyay. Mudo ka dib ayaa waxan ogaday in u been ii sheegay oo isaga hore loogu tagay. Go'aankaygii kama qoomamayn, maxa yeelay jacayl ayaan u yeelay sidaas. Lakiin niyad jab ayaa igu dhacay oo waxa iga luntay kalsoonidan ku qabay. Maahmah faransis ah ayaa waxay tiraahda 'Qui vole un oeuf vole un boeuf' qofka ukun xada, hadhowna sac ayuu xada. Macnuhu waxa weeye hadaad been manta sheegto, barina wax ka weyn ayaad sheegaysa. Maalinta ayay kalsooni-du iga dhimatay oo aan qofka ka amiin baxay. Beenta u ii sheegay darteed. Lakiin waxan fahmi karay in u runta u haystay in aan ku liidayo. Malaha qof kale yeeli laha sidaas. lakiin aniga runtu walow xanuun badan tahay, waa mid agtayda laga jecel yahay.

Marka waa iga su'aale, Maxa dhaqama qaar galmada qarkeed loogu arka liidnansho, oo mararka qaar ay u noqota mid la iskugu ciqaabo, sida in hablaha la kufsado??? Waa su'aal u noqonaysa fahan-ka umadadeed iyo ilbax-nimada umadi leedahay. Doqon iyo geesi, Wiil iyo Gabadh iyo madax iyo mijoba hooyo ayaa dhashay, doorka gabdheed ee galmo waa mid ah qadasho halka ninkuna siin yahay. Marka in la waso qof benu adam ah qofka ceeb u arka. Waxan weydiinaya ta hooyada uu aabuhu u taga ma xumaanba mise waa taynu ku dhalano waa caadi??? Sido kale khaniis-ka u haysta in u tagida wiil kale ay karti iyo sarayn tahay waxan leeyahay. Madhow haddi anaad lamaane dareen ku siiya u baahnayn, maxad rabadh aad wasto u soo gadan weyday, amaba u siigaysan wayday??? Jawaabtu waa waxad rabta dareen ku raxeeya. Marka waxa weeye qofka aad la raxaysanayso kama dhigna in u ka liito ee waa qof kula mid ah oo isaguna sida kale u raxaysanaya. Marka cid guulaysanaysa iyo cid khasaartay ma jirto meesha.

Ka soo qaad qof ayaad jeceshahay, in ka badan inta aad cid walba jeceshahay. Jacayl-ka noocas ah muxu galmo iyo kala sarayn ama kala hoosayn ka ogyahay??? Waan fahmi kara in aynu soomaali nahay oo wax walba aynu khalad ka fahano. Marka kolay yaabi maayo iyo dad badan Top ama Bottom khalad ka fahansan yihiin. Sida Somali odhanba noolasha khalad uga fahansan tahay. Hadaba akhriste waxan rajaynaya marka aad qoraal-kan akhrido ka dib in ay garasho ku baxno



Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

5 Apr 2013

After three years it is first time I feel that I'm ready for a relationship right now!!! # sano ka dib, waxan dareemaya in aan xidhiidh samayn karo.



Jimce wanaagsan Akhyaarta. Weekend-gii hore waxan socdaal fasax u tagay, Brussels, Belgium. Wuxu ahaa mid ka mid ah safaradeyda kuwa ugu qiimiga badna. Asxaab aan Belgium iyo France ku leeyahay ayaa aad fasaxayga qiimi weyn ugu yeelay. Maxa yeelay waxay ila qaatayn wakhti fican. Waxan wada aadnay Party yo kala duwan, oo banaan-ka iyo qaar aqalo asxaab kale la nagu casuumay ba ah. Laba arimood ayaa safar-kayga xusuus weyn u yeelay. Ta kowbaad waxay ahayd, Waxan ka qayb galay baroordiiq loo samaynayay wiil khaniis ahaa oo bada ku dhintay isaga oo soo tahriibaya. Sxb-kiis ayaa ku nool wadan-ka Belgium, wuxu rabay in u isaga u yimaado, wuxu ka soo baxay wadan-ka Cameroun oo u ka soo jeedo, isaga oo soo gaadhay xeebaha waqooyi ee afrika sii u doon uga soo raaco, ka dibna halkaas ayay dooni kula qaraqantay bada. Dhacdo xanuun badan ayay noqotay, gaar ahaan sxb-kiis u ka baxay, Waxan aroor-nimadii Axada ka qayb galay Baryo duco ah oo lagu qabtay kiniisada, ka dibna waxan aadnay guriga wiil-ka laga dhintay halkaas oo tacsi-da iyo qiiradu ka sii socotay. Waxan aad u jeclaystay in asxaab badan oo wiil-ka laga dhintay laha iskaga yimaadayn aduun-ka dacaladiisa, gaar ahaan Europe si ay wiil-ka ula murugoodan. Wiilal badan oo madow ah oo afrikan ah ayaa yimaaday. Malaha Afrika cidba kama maqnayn dafaheeda dad u dhashay xata Somaliyana dhaho:-)

Ariinta labaad ayaa waxay tahay, Waxan Grindr-ka ka bartay wiil ka yimaaday, Oslo, Norway oo Ethiopian ah oo isna meesha fasax u joogay. Waxanu qado u kulanay maliintii Isniinta, Isaga ayaa igu casuumay dhismuhu ka dhegana BXL, halkaas ayaan qado ku wada qadanay, ku sheekaysay oo u sii fican igu waramay. Runtii maskaxdiisa iyo sidu noolasha ugu howlan yahay aad ayay aniga ii xiiso galisay. Lakiin marka maskaxdayda iyo qalbigayga sxb-tinimo ayaa soo gashay, Waxan ka tagay ku dhawaad 4 sacadood ka dib markii aan kulanay, maxa yeelay, Waxan casho u balansanayn sxb qaali ah oo aan Brussels ku leeyahay, lakiin waxan ku balanay in aan cabitaan isku aragno marka aan sxb-kay ka imaado. Waxan dib u kulanay habeen-kii isaga iyo sxb-kiis oo ay Oslo iska soo raacayn iyo aniga iyo wiil-ka aan asxaabta nahay ee degan BXL, ka dib waxan aadna Bar oo cabitaan ayaan wada qadanay, ka dibna waxan 4-tayadii isku raacnay Dhismihii u degana oo wax sidaas ah uga fogayn meesha aan jognay. Runtii wiil-kii aan galabtii la kulmay muu ahayn, aad ayuu uga muuq duwana, waxan ujeeda waxa ka muuqday indho wax dhamacsan iyo eegmo gaadmo leh, runtii anaa taas ayaa ii tabatay, Madaama ay iyagu aroor hore Salaasa ka soo baxayayn BXL waxan go'aansaday in aan ka soo tago, hase yeshe sxb-kay ayaa iga hadhay, Wiil-ka ayaa ilaa hoos-ta ii soo dhaweeyay, hal dhunkasho oo ka gaadhsiis ah ayaan ila gaadhnay. waxan ku laabtay Hote-kaygii, ka dibna sms ayuu iga soo daba diray u leeyahay waan ku xiisay, runtii aniguba waxan is weydiiyay maxan uga soo tagay. Salaasadii oo ahayd malintan soo baxayay ayaan sxb-kaygii iyaga ku hadhay ee BXL degana ii yimaada sii u Airport-ka igu qaado. Ka dibna wuxu ii sheegay in markan tagay wiil-ku aad khamro cabid u bilaabay oo u aniga iga sida uu iga helay iga sheekaynayay. Wuxu igu daray waliba, wuxu raba in aad is barataan ee ogow. Anaa aniga oo qoslaya, oo malaha hoostana ka faraxsan in aan taa maqlay ayaan dhahay OK. Intii aan soo labtay maalin walba waan wada hadalna, sms isku dirna. waxan go'aansanay in aan booqda 2 todobaad ka dib. Ilaa hada sheekadu meel fican iyo xiiso ayay leedahay. Waxa aad-ka xiisaha wiil-kan igu yeelay ayaa waxay tahay dhow waxyaabood. Wuxu sidayda ka daalay noolashan khaniis-nimada ee galmada uun ku kooban. Waxa u leeyahay waayo aragnimo aan ka fogayn tayda marka ay nooqoto aragtida noolasha iyo qorshaha uga degan. Waxa kale oo xiiso leh koritaan-kiisi yaraanta oo aan aad isaga eegnahay noolashii aan soo maray oo ahayd mid aad u adeeg badnayd. Ku darso ayeeyo macaan ayaa isna soo korisay sidayda. Intuba waa mucjisooyiin aad ii xiiso galiyay. Aan hadal-kayga ku soo koobo, Uuraysate, uumuli doonte. Waxa xiisahaasi dhalo waan idinla socodsiin. Ugu danbayntii akhriste nasiib wanaagsan ii raje :-)

Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

29 Mar 2013

I spend my Easter holiday in Brussels!!! Waxan farax u joga Brussels :-)




Jimcahan manta wax sidaas ah wax kama qori doono.  Waxan shalay, Khamiis soo gaadhay Brussels, caasimada Belgium. Halkan oo aan ku qadan doono fasaxayga easter-ka. Waa markii labaad ee aan Brussels imaado. Waxa Markan cusub wiil Somaliyeed oo aan Gayromeo iska barangay ayaan la kulmay oo shalay ilaa manta aan wakhti wada qadanay. Xalay ma bixin oo Hotel-kayga ayaan iska jogay lakiin cawa ayaan baxaya. In kasta oo bari asxaab kale oo Paris iyo London ka imaanaysa igu soo biiri doonto. Waxa xiisaha leh ayaa waxay tahay, Weekend-gan waxa Brussels marti galinaysa, Xaflad khaniis oo ka mid ah kuwa EU ugu waaweyn oo ay iskugu imaadan, dadka murqaha waaweyn iyo wiilasha qurqurxoon. Marka xaal-ku waa ku qabso ku qadi mayside. Waxan deganay Center-ka magalada. Marka aan Grindr-ka furo waxad arkaysa tobaneyo dalxisaal xaflada u imaaday iyo lamanayaal iyaguna xaflada u imaaday. Marka waxan filaya Weekend in heer-ka mayiikada iyo wasmada ee Brussels aad u sareeyo. Waxan dhamaantiin idiin rajaynaya weekend fican iyo wakhti wanaagsan.


Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

22 Mar 2013

Their next victim may be YOU!!! Mar xigtana waa midkeen uun


Kolay geeri lama huraayo, Godkuna waa ina sugayaa, Goobta maanta ay timid, Ayaa noqotey kala guure, Garab ayaa banaanaado, Geesiba baxaye, Tacsi baan gudbinayaa, Dhamaan gudaha khanisiin, Rabbi ku gargaayo, Janada eebe ku garaye, Naxariista guud iyo ta gaar, Eebe ku gogolye, Asaxaabtii gebigood, Qalbigu waa gubanayaaye, Gocoshada Xasuustana, Waxaan hadal ku soo gooyey, Gidigeen ILAAHAY janada ha ina wadageeyo”.
Gabay baroordiiq u ah Mohamed Ali Baashi



Todobaad-ka manta dhamaanaya oo dhan waxa uur ku taanyo iyo calool xumo igu hayay diil-kii naxariis darada ahaa ee lagula kacay Mohamed Ali Baashi. Isniintii ilaa Manta oo jimce ah waxan la xidhiidhay hay'ado badan oo u dooda xuquuqda aadama sida Human Rights Watch, amnesty international, US state department, human rights section, EU human rights commissioner, RFSL oo ah kuwa xuquuqda Gay-ga Sweden u dooda iyo Magazin-ka Gay-ga ee Sweden ugu weyn oo isaguna maqaal-ka wiil-ka ku saabsan dabacay. Waxan ku guulaystay in aan ka dhaadhiciyo in ay maqaal-ka daabacan, in kasta oo ay ka maagayn markii hore, oo ay dhahayn ma dabici karno war anaan hubin. Khamiistii ayaa waxa New York iga soo wacday, gabadh tiri waxan akhriyay e-mail-kii aad ii soo qortay ee wiil-ka ku saabsana, waxay ii sheegtay in ay la xidhiidhay uruur xuquuqda adaamaha oo Somalia joga oo u xaqiijiyay, lakiin si aan statement rasmi ah uga soo saarno waxan u baahanahay ugu yaraan in aan wiil-ka dhibanaha ah qoyskiisa la hadalno. Anaa waxan u sheegay in aan war rasmi ah kula soo laaban doono.
Kun talaabo, waxay ka bilaabmayn hal talaabo. Manta Allah ha u naxariiste Mohamed ayay qaaday, bari adigu xigi doonte ayaa og??? Hadaynaan manta ka dhiidhiyin, ma bari oo ay ka adkaan karto ayaad ka dhiidhiyi doonta??? Damiir-kii naxayay ee benu adam-nimo mee??? Aniga qof aan ahayba dhacdadani waxay ii murug galisay in anaan walaahi uga murgin walaal-kay hooyaday dhashay oo dhintay, oo la dilay, dilkiisi:-( Sabaabtu waxa weeye, Walaal-kay mid isaga shakhsi ahaan loo beegsaday ayay ahayd, lakiin tan Mohamed Ali Baashi loo dilay waa mid inaga odhan inoo wada taala. Waxa nasiib daro ah baaxada aynu leenahay, waa hadaynu nahay khanisiin-ta Somali-yeed iyo sida aynaan u lahayn hal uruur oo rasmi ah oo magaceena ku hadla, oo codkeena aduun-ka maqashiiya. Uganda oo wadan afrikan ah oo Diimaha Christan-ka iyo Muslim-kuba ka jiran, oo faro ba'an lagu hayo dadka khanisiinta ah, hadana waxa jira dad khanisiin ah oo gudaha Uganda xaqooga uga dhex dagaalamaya. Qaar ayaaba loo dilay. Aduun-ka ayuu warkoodu gaadhay oo culays badan ayay aduunyadu Uganda saartay si dadka khanisiinta ah culayska looga dabciyo. Ma kuwaas ayaynu ka liidana???? Mise Somali ayaynu naho gurigeen iyo garaad-keenba waa ba'ay??? 

Horaan-tii Sanadka ayaan waxan baaq u soo jeediyay bulshadeena aan kaga codsanayay tageero in loo fidiyo website-kii kaliya ee aynu lahayn oo dhaqaale xumo u shaqayn waayay. Cidna dhagay jalaq umay siin oo waxa laga soo qaday in aan dad kale la hadlaayo. Dhalin yaro aan ka mid ahay ayaa isku tagtay oo mahadi ha ka gaadhe bixisay lacag ka badan kun gini oo lacagta UK ah. Mardhow ayaa website-kii oo la casriyeeyay la soo celinaya. Dad badan fa'iido ayuu u noqon doona. 
Waa fahmi kara in ay jirto xalado qof walba ku gadaaman, qof walbana in u hal-ganka galo muhiim maha. Lakiin waa wajiib in u tageero. Umad walba hormood ayay leedahay, kuwaas ayayna inta kale daba joogsata. Marka manta ma baadbaadina, wiilal iyo gabdho kale oo Mohamed Ali Baashi oo kale ah, oo ma ku balana in aynu istageerno, isku duubnaano oo aynu xaqeena u dagaalano????? WAXAN RAJAYNAYA IN AY JAWAABTIINU HAA NOQON DOONTO. Anigu kolayba diyaar ayaan ahay, waliba in aan safka hore galo. 


Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

15 Mar 2013

Being Gay Is not just About sex. Khaniis in aad tahay, galmo uun kama dhigna!


In badan oo inaga mid ah, waxan ujeeda guud ahaan khanisiinta, gaar ahaana kuwa somaliyeed, waxay ku kulman barayaasha Internet-ka, sida barayaasha la iska shukaansado, kuwa galmada laga raadsado iyo waliba barayaasha bulshada. Inta badan waxa kulmisa rabitaan galmo, halkaas ayuuna geedi-gooda barasho ka hana qaada. Layaab malaha in aad qof khaniis ah oo aad barayaasha internet-ka aad ka baratay kugu bilaabo su'aalo ay ka mid yihiin, maxad ka hesha? Ma top aad tahay mise bottom? Gus weyn ma qabta mise futo macaan tahay? Iyo qaar kale oo ku taxaluqa galmada. Taaso aad moodo in ay noqotay su'aalo la isla yaqaano oo waydiin teeda labada is baranaysa u kala hor marto. Waa cadahay in maqal-ka jawaabaha su'aalahaasi dad badan ku raxaystaan oo qaarkoodna ay ku siigaystaanba. Hase yeshe dhinaca kale waa su'aalo waydiintoodu dad badan niyad jab iyo qalbi xumo ku beerto, gaar ahaan aniga shakhsi ahaan ii qalbi jabiyan, iyada oo aan ku waayo xiiso aan qofka kula sii hadlo. Su'aal ayaan marka is waydiiyay. Waa yaabe khanisiinta noolashooduba ma galma? Ma ku dhufo ka dhaqaaqba mise waxa jira sabaab kale oo dadkan sidan ka dhigaysa? Waxa marka ii soo baxday in aad khaniis tahay in ayna ka dhigayn in aad noqoto dhilo ama dhilay wasmo uun ku foogagan, hase yeshe ay jirto sabaabo kale oo qofka sidan ka dhiga.
Noolasha uu qof benu adam ah ku noolan karo waa qaybo badan tahay, waxay leedahay, mid bulsho, dhaqan dhaqaale iyo galma-ba. Mararka qaar waxa dheeliya misaan-ka hanaanka noololeed ee qaybaha leh. Tusaale ahaan waxa laga yaaba qof in u shaqo bato iyada oo qoys-ka iyo bulshadaba u cagta ku yeeraynayo. Sabaabtuna waxa weeye cuulayska shaqo iyo niyada uu u hayo wajiib gudashadiisa shaqo in u dareen-ka galmo ku yareeyo iyo kalgacayl-ka bulsho. Sido kale khanisiin badan waxa ku dhacay dheeli misaan-ka noolasha ah. Aqbalaad la'aanta bulshada, takoor-ka dadka kaga imaanaya iyo koobnashaha fursadaha u qofku dareenkiisa galmo ku mujiin karo ayaa waxay qofka ka dhigaysa mid awood weyn saara buuxinta iyo ka fikirka baahida galmo ee haysa. Mudo ka dib hab dhaqan-ka nocaas ah wuxu qofka ka dhigaya mid u dhaqma sida bahal haraadan oo aan galmo mooye wax kale ka fikirin. Xata maraar badan dadku isma waydiiyayn kamana fikiraan hab dhaqaan-ka noocaas ah. Maxa yeelay way qabatimayn. Maryoolayda ayaa waxay ku maahmahda geel laba jir soo wada mar. Aniga qudhaydaba waxa jirtay bari aan galmada ugu waalna maxa ka galay. 2008 waxay ahayd sanad-kii aan si rasmi ah u ogaaday in aan khaniis ahay. Isla markaana soo dhex galay mowjadaha hirdama ee badweynta khanisiinta. Ma xasuusto todobaad anaan galmo samayn sanad-ka. Nasiib wanaag dhamaadkii sanad-ka ayuu aqligu igu soo dagay mar kale. Waxan la kulmay qof-kii ugu horeeyay ee noolashayda aan la date gareeyo. Sidaas ayaanan badweynta uga baxay. Markii u xidhiidhkaygii dhamaadayna, nafta suuqa ciqaab ugamaan dhigin ee waayo aragnimo iyo casharro noolasha aan ka bartay ayaan dhansiiyay. Sharciyo noololeedyo adeg oo aan nafta ku xakamaynayo ayaan seeto uga dhigay. Marka aan qof cusub la kulmo iyada oo ay yar tahayba in aan qof la kulmo, nasiib-ka ah in aan galmo samayno waa 95%, kaas oo aad u yar. 2008 marka loo barbar dhigo Manta noolasha aan ku noolahay aad ayay uga duwan tahay. wax ka yar 8 saac ayaan maalintii nasta. Waxa igu yaraatay la kulanta asxaabta iyo bulshada maxa yeelay, ka badan 16 saac ayaan maalintii mashquul ahay. shukaansi iyo haawona warkeedaba da'aa. Mar sii horaysay ayaan waxan la kulmay oo hasaawe na dhexmaray wiil aad iyo aad u maskax badna oo aad aan ula dhacay. Waxan fasaxii sanadka cusub 2013 ku wada qaadanay magalada Cologne ee dalka Germany. wuxu igu dhahay hadal aad ii taabtay oo wax badana noolasha aan ku noolahay hada ii tusay. Waxan fadhinay meel makhaxi ah oo aan casho ku wada cunaynay. wuu igu dhahay aad iyo aad ayaan kaga helay, inta badan hadalo xigmad leh ayaad ku hadashay oo aad u wanaagsan, macno badana leh. 'LAKIIN MARARKA QAAR WAXAN U BAHANAHAY IN AAD FALSAFADA MEEL ISKA DHIGNO OO AAD WAX KA DUWAN KA HADALNO, SI AAN U QOSOLNO' runtiis waaye, sidaan noolasha u eryanayay, oo aan siyaasad iyo ariimaha bulshada ugu hadlayay ayaan iloobay habka looga hadlo wax kale oo dadka ka qosliya. Marka hada waxan bilaabay in aan gadaal iska xeedxeydo oo aan isku deyo in aan misaan-ka noolasha dheeli tiro.  Marka runtii hadalkaasi aad ayuu ii taabtay oo waxan ogaaday in miisankayga noolashu dheeliyay oo dhinac u batay. Marka macnahaygu akhyaarta aan jeclahay ee aan dhaqan-ka iyo dhaqashada wadaagnow, waa in misaan-ka noolasha la isku dheeli tiro

Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

8 Mar 2013

why is training important for the gay? Muxu jidh dhisku muhiim ugu yahay khaniisinta?


Waxa aad caan u noqday sanadahan danbe, soo badashada gidh dhisinta wiilasha iyo gabdhaha khaniisiinta ah. Iyada oo aad moodo in ay qayb ka noqotay hab noololeed-ka khanisiinta galbeed-ka, gaar ahaan USA, Europe iyo Caribbean. In kasta oo ayna jirin badhitaan sugan oo rasmi ah, hadana waxa dadka qaar ku doodayaan in 75% khanisiinta ku nool wadamada aan soo xusay ay jidhkooda dhisan ,halka 43% ay ka tahay wiilasha aan khanisiinta ahayn. Hadaba waa su'aal ee sidee dhaqan-kan jidh dhisku ku soo galay noolasha khanisiinta? Dhaqan-ka jidh dhisku ee khanisiintu waxa u ka soo bilaabmay dal-ka maraykanka, wakhti ay ku beegan tahay dhamaadkii 70-neeyadi ama bilow-gii 80.naad-kii. Waa markii cudur-ka HIV-AIDS u dunida ku soo kordhay. Dadkii marka u sida ba'an u sameeyay ayay ka mid ahaayayn bulshada khanisiintu. Madaama aan badhitaan cilmiyaysan la hayn markaas, dad badan waxa ay amiinsanayayn in u kaliya ku dhaco bulshada khanisiinta ah. Isla markana astaanta kaliya ee dadku lagu garan karay qof-ka qaba waxay ahayd, in u qofku si xad dhaaf ah u catoobo. Marka hadaad caato ahayd, oo aad khaniis-nimana ku darsatay, waxad halis u ahayd in lagugu shabadeeyo HIV-AIDS, sidaas darteed ayay khanisiin badan u bilaabayn in ay jirkooda dhisan, si ay uga badbaadan takoor-ka bulshada, iskuna difaacan haddii u weraar kaga yimaado dadka nacayb-ka u haya khanisiinta. Marka waxa markii ugu horaysay jidh dhisita bilaabay xidigaha jila filimada galmada 'Porn stars'. Sidaas ayuu dhaqan-ka jidh dhisitu ku yimaada. Madaama USA tahay meel aduun-kan intiisa kale siyaabo badan looga hogaamiyo, gar ahaan xaga dhaqan-ka, ayaa taasi waxay sahashay in khanisiin badan oo wadamada Europe ku nool iyaguna bilaaban in ay jidh-ka dhisan. Ilaa ay isku rogtay dhaqan bulsheed waliba wata hab galmo soo jidasho. Waxa cad oo caan ah oo laga yaabo in qaar badan oo idin-ka mid ah arkayn ama u soo joogayn wadamadan galbeed-ka, khanisiin jidh qurqurxoon oo kaliya raadinaysa qaar sidooda oo kale ah, taas oo samayn ba'an ku yeelata kuwa kale ee aan jidh dhisan lahayn.

Qudhaydu waxan ka mid ahay, dadka ay samaynta ku yeelatay ;-) In kasta oo ay fican tahay in aad jidh fican lahaato, laba siyaabodba, waa ta kowbaad ee in aad jidh fican leedahay, waxay xoojinaysa caafimaad-kaaga madaama oo aad dhaqdhaqaaq samaynayso iyo kalsoonidaada nafta. ta labaad, waxay fursad ku siinaysa, xoojinaysana in aad soo jidaasho u yeelato wiilasha kale ee jidh-ka fican leh. Marka waan huba in anaad qadayn hadaad jidh fican leedahay ;-)  Lakiin maha in aad noolol ka dhigato ama ku mashquusho sida aad u eeg tahay walow ay muhiim tahay. Noolashu waa baladhan tahay, wax walbana in aad isku misaanto ayaa lagaga bahan yahay. Waxa nasiib daro ah in manta khanisiin badan oo galbeed-ka ku nool ay ku dhex qudhmayn meelaha jidh-ka lagu dhiso, oo ayna camal kale lahayn aan ka ahayn in ay jidhka habeen iyo maliinba dhisan, halka qaar badan oo iyaga ka mid ah ay ka ganacsadaan jidh-kooda. Waxan bari dhexdaas ah u fiirsaday khanisiinta jidhka qurxoon, waxan ogaaday intooda badan in ay yihiin qaar noolasha aan kaalin fican kaga jirin, halka kuwa jidh-ka fican lahayna yihiin kuwa halka noolasha ku horeeya. Lakiin anigu waxan qaba in adiga oo noolashaada wata, hadana aad jidh fican yeelan karto, kaliya waxay kaga bahan tahay in aad wakhti-gaaga isku misaanto. Waxa jira wiil aan asxaab nahay, intaan aqaanayba wuxu aadayay meelaha jidh-ka lagu dhiso, waligiisna jidh fican ma yeelan, baruur saa'id ah iyo calool uun ba ku sii kordhaysay. Sanad ka hor ayaan ku dhiiri galiyay in u xubin ka noqdo gym-ka aan anigu aado. Markii aan mudo isku raacnay, ayaa waxan ogaaday in uuna gym-ka u aadin jidh dhis ee u uu aado musqul fadhisi iyo dawasho dadka qaawan. Marka waxan ujeeda, qof walba oo gym-ka aada jidh fican ma laha, maxa yeelay sabaabo kala duwan ayaa loo aada. Wadamada sida Sweden oo kale ah ee aan lahayn meelo khanisiintu galmo ahaan ugu kulman, sida 'Gay Sauna' ama Sex Club-yo. waxa khanisiin badan gym-ka u aadan in ay ka dhex kaluumaystan amaba daawadan wiilasha kale marka ay qubaysanayan. Marka hadaad laga yaabo in aad lacag ku bixinayso in aad jidh-ka dhisto, waxan ku odhan laha, ha ka weecan hadaf-ka ee jidka hayso oo jidhkaaga dhis. Intiina mashquulsan ee howlaha badan ku jirta, qudhiinuna wakhti waad u helaysan jidh-kiina walow 2 sacadood todobaad-kii. Imisaas facebook-ga ku bixisa? imisa ayaad telefoono dhadheer kaga baxa? marka ha is iloobina ee iska gaadha sxbayaal


Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

1 Mar 2013

Read This Book to Inspire You!! Akhri buugan, waad ku khushuuci doonta!!


Jimce wanaagsan akhyaar-ta qiimiga badan ee sida jogtada ah u akhrista blog-gaygan. waxan ku faraxsanahay in mudo 2 bil gudahood ay soo booqdayn blog-gan 1200 qof taas oo dhiiri galin badan ii siinaysa. Waxan rajaynaya mustaqbal-ka in aad wax badan ku soo daro oo aan baladhiyo mowduucyada aan wax ka qoro. Waa run in ay hada inta badan ku saabsan yihiin qoraalo xaga niyada ah 'Moral' lakiin waa balan in aan wax ka qori doono qaybaha noolasha ee kala duwan gaar ahaan kuwa inaga ina khuseeya. hadaan nahay bulshada khaniisinta af-ka soomali-ga ku hadasha.









Waxan todobaad-kan ii soo gadhay book aad u qiimo badan oo u qoray Darian Aaron. oo magaciisa la dhaho 'WHEN LOVE TAKES OVER, A CELEBRATION OF SGL COUPLES OF COLOR' Boogu wuxu xambaarsan yahay waraysiyo u qoraagu la yeeshay 18 lamaane oo madow. Kuwaas oo gabigood ku wada nool dalka maraykan-ka. Lamanayaashasi waxay iskugu jiran, lamanayaal wada nool inta u dhaxaysa 4 sanno ilaa 22 sanno. Qaarkood way is qaban oo caruur ayay isku leeyihiin, xaga qaar kalena ay yihiin lamane wada degan 'civil partners' Waxa aad ii soo jiitay lamane wada degan 12 sanno oo midkood yahay 56 jir halka ka kalena yahay 29 jir. Runtii lamanahaasi waxay maskaxdayda ku reebayn in da'adu kaliya ay tahay numbero oo ayna wax carqalad ah xidhiidh-ka ku noqon karin. Waxyabaha ay dhamaan lamanaayashasii ka midaysnayayn ee furaha u ahaa in ay yeeshan xidhiidh ragay oo guulaystay. waxa ka mid ahaa. 1_wada hadal fiican 'good communication' 2_ midba in u midka kale farxadiisa ka hor mariyo tiisa. 3_ Isku tanaasul iyo is tixgalin. waxay intuba isla qirayay in ayna ahayn qaar mar walba isku raaca wax kasta, hase yeeshe ay yihiin qaar wada hadla xata marka ay isku cadhaysan yihiin. kala taguna uuna ahayn wax ay ka fikiran. Waxa aad ii soo jiitay oo lamaanayaasha qaar aad ugu farax sanayayn in ay hal habeen todobaad-kii labadoodu isku kaliyaystan, sida in ay shaneemo aadan, casho isku raacan ama dhaqdhaqaaq bulsho wada sameeyaan. taas oo ay ku tilmaamayn in ay aad u adkayso xiisaha iyo jacayl-ka. Qoraaga buugu, wuxu ku soo gabagabaynaya seddex talo oo u siinayo dad-ka wada degan ama xidhiidh-ka leh 1_ xidhiidh adeg ama wada hadal joogto ah 'communication between each partner' 2_ in labanayaashu midba ka kale farxadiisa ka hor mariyo wax walba 'each partner to put their partner's happiness above their own' 3_ in aad beerta jacayl-ka warabisan, sida in aad casho isku raacdan todobaad-kii hal mar 'continued investment into the relationship' Runtii aniga buugu rajo aad u weyn ayuu igu beeray. Wax badan ayaan ka fa'iidaystay. in kasta oo u buugu sidaas u weynayn oo u kaliya 83 bog yahay, hadana qiimo aad u badan ayuu xambaarsan yahay. waxan jeclaan laha in aad akhsiyan oo aad ila wadaagtan qiimaha buuga. 

Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

22 Feb 2013

successful dating....... Hasaawe midho dhala.





Before date
Waxad u bahan tahay in aad sowr ka haysato qof-ka aad la kulmayso, sidu u eeg yahay. Madaama ay qacda hore muhiim tahay, waa muhiim in aad adigu muuq ahaan iyo labis ahaanba is hagajiso. Markan sidaas leeyahay uma jeedo in aad u labisato si aan adiga ahayn. Waxan u jeeda waxa weeye, u labiso sida aad u labisato mararka aad tagayso xaflado aan rasmi ahayn. Si wax yar uun ka duwan sida aad noolol maalmeed-kaaga u labisato. Waa muhiim iyana meesha aad ku balamaysan. Isku day in aad ku kulantan meelaha bulshadu iskugu timaado, sida cafeteria, makhaxi ama shaneemo. Meel aan amuus ahayn oo codkuna ku yar yahay oo aad is maqli kartan. Isku day in aad meesha joogto wakhtiga aad ku balantayn. Waxba kuma jabna haddi midkiin oo baabuur wata ka kale qaado. Lakiin waxa fican in aad adigu meesha balanta is gayso. Ku tasho in aad adigu waxaga iska bixiso, oo aad jeebadaada gacanta galiso marka aad lacagta bixinaysan. Haddi anuu midkiin u marka hore ka kale marti qaadin. Hadaad adiga laga bixiyo, waxad leedahay, mahadsanid, ogow marka danbe waa aniga qofka bixinaya. Kana rume taas. Waa muhiim in aad naftaada u sheegto in anaad la kulmayn malak, waxan u jeeda in anaad marka hore isku sowrin qof aad u cajiib ah, si anaad u niyad jabin hadaad aragto wax ka duwan waxad filaysay. Sido kale galmo iyo dareen toona maskaxda ha ku soo qufulin. Waxad kaliya naftaada u sheegta in aad la kulmayso, qof caadi ah iyo sxb cusub. Deganaan iyo dholacatayn ha ka muqato.
During dating.
Marka aad ku kulantan meeshad ku balansanaydayn. Ku qaabil dhoolacadayn iyo salaan diran. Waydii in ay sahal ahayd in u meesha soo helo? Jawaabtiisa ka dib u sheeg sida aad uga faraxsan tahay in aad ugu danbayntii kulantan. Intaas ka dib hadana waydii halka aad ka sii aadaysan meeshad ku kulantayn, haddi aad shaneemo ama makhaxi ku kulantayna, waydii haddi aad dalban kartan cuntada ama tigidh-ka shaneemada. Hadiiba aad dalab-kiina dhamaysan. Bilow in aad wax ka waydiiso maalin-kiisi sidu ahaa, amaba todobaad-kiisi haddiba aad jogtan weekend-gii. Markaaga adna uga waran malin-kaagi ama todobaad-kii. Haddiba aad karto waxad u sheegta sida ay u eeg tahay maalin caadi ah oo ku soo marta. Halka waxad uga fa'iidaysata in aad ka hadasho waxyaabaha aad xiisayso, marka aad fasaxa tahay. Waxa laga yaaba in aad iskaga mid ka noqotan xiisaha kubada, musik-ga, sugaan, filimada iyo wixi la mid ah. Wixi meesha ka soo baxa ee aad wada xiisaysan intii mudo ah ka sheekaysta. Deganaan muji, qofka isagana wakhtigiisa dhagayso. Kaliya ha dhagaysan ee faalo ku darso. Tusaale ahaan, haddu qofku ciyaar-ta golf-ka xiiseeyo oo anaad aqoon u lahayn sida loo ciyaaro, ka warayso, su'aalo ka waydii, usheeg sida aad adigu ciyaarta u aragto. Iska ilaali kana fogow wax qof-ku xiseeyo in aad dhaliisho walow anaad jeclayn. Ha kala hadli wax ku saabsan dhaaftadiisi iyo xidhiidhadiisi hore amaba sidu ugu firfircoon yahay gay-nimadiisa amaba inta qof ee u la kulamay ama la seexday. Waxas odhan muhiim maha. Lakiin haddu qof-ku isagu kaga waramo, marka ka dhagayso. Sido kale adna ha ka hadlin wax ku saabsan dhaaftadaadi, xidhiidhadaadi hore iyo wax la mid ah. Lakiin qofku haddu ku waydiiyo uga jawaab adiga oo ka horaysiinaya araar una sheegaya, in shalay tagto tahay oo marka laga yimaado in aad wax ka baratay, hadana anaad sida uga fikirin. Si koban oo faahfahin lahayn ugu dul mar, adiga oo ka gaabsanaya qoomamayn iyo eedaynba wakhtiga tagay. Ka fogow in aad been ka sheegto shalay. In aad wax walba u sheegtana muhiim maha. Waa muhiim in aad maan-ka ku hayso. Been yar oo aad sheegto in ay carqalad weyn mustaqbal-ka xidhiidh-kiina ku noqon karto. Dacaad nimo muuji. Ogow kulan-ka hore in ayna dadku ilowbin waxa la is yiraahdo, sidaasayna muhiim u tahay in aad mujiso bisayl iyo deganayn. Isku day kulankiina oodhan in aad u sheekaysatan si caadi ah oo aan ahayn hasaawe toos ah. Maxa yeelay kulan-ka kowbaad waa barasho uun. Hadaad ka hesho iyo haddii kaleba uma baahnid in aad u sheegto isla habeen-ka. Galmana meesha kaba saar, si kasta oo lagu hayo ama qof-ka kale loo hayo. Waa hadaad rajo hasawe ka damacsan tahay. Ugu danbaynta isa maca salameeya una sheeg sida aad ugu faraxsan tahay kulan-kiina. Marka aad kala tagtaan, ee aad gurigaaga gaadho ugu badnaan 3 saac ka dib sms u soo dir aad ugu sheegayso in u kulan-kiinu ficna oo aad ku faraxsan tahay in aad kulantayn, jeclaan lahaydna in aad kulantan mar kale. Waa hadaad qofka ka hesho oo aad rabto in aad meel isla gaadhan. Haddi kale waxad leedahay waa ficnayd in aynu kulanay. Waad ku mahadsan tahay wakhtigaaga aad ila qaybsatay, habeen wanaagsan. Marka qof-ku haddu ku rabo, wuxu kugu soo jawaaba mid la mid ah taad u qortay oo u kugu sheegayo in u jeclaan laha in aad kulantan oo aad isa sii baratan. Haddiba u sidaas ku dhihi waayo ama jawaab-ta kala soo daaho. Ogow in qof-ku niyad sidaas ah una ku hayn, adna uma baahnid in aad wakhti sidaas ah iskaga sii lumiso. Waliga ha is sharaf ridin, hana xag xagan qof aan ku rabin. Waligaana dad-ka wakhti sii. Waxan ku rajaynaya nasiib fican iyo hasaawe guulaysta.

Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

15 Feb 2013

Happy Valentine's Day



Happy Valentine's Day


Waxan dhamaan idiin rajayna in aad Valentino day ga aad ku qadatayn farxad iyo kalgacayl. Waxan rajaynaya in badan oo inaga mid ah in ay farxad iyo jacayl ku qatayn. Maalin-tan qiimi-ga badan ee calam-ka jacayl-ka laga xuso, maha uun maalin dadyow-ga lamanaha ah u gaar ah, ee waa maalin jacayl-ka noolaha oodhan u astaamaysan. Waa maalin qofka looga bahan yahay, in u farxad iyo kalgacal ku xuso, kaas oo u la wadaagayo cid walba oo u jecel yahay.
Anigu shakhsiyan maalin-tan sanad walba waxay igu soo marta kali, ’’Single’’ waxan rajeeya in sanad-ka xiga ay igu timaado aniga oo lamaane haysta. Hase yeeshe ma dhacdo L Noolashayda hal mar ayaan jacayl ku xusay malin-kan, lakiin xiiso badan may lahayn, maxa yeelay qof-ka aan la wadaagayay farxada, qiimo badan iyo macneba maalin-taasi uma lahayn. Waxan xasuusta hadyad ayaan u soo gaday, isaguse waxba kama ogayn maalinta qimaheega. Waa noolashayda maalin-ta aan goostay in anaan waxba la wadaagin qof anaad noolasha isku meel ka joogin. Runti mararka qaar hinaase ayaa ii qabta, marka aan arko lamanayaal u dabaal dagaya maalin-tan. Aniga igama duwanayn maalin caadi ah, maalin shaqo, aroor hore ayaan shaqo galay, ka dibna waxan aaday gym-ka, wax xooga ayaan guri-ga ku nastay ka dibna shaqo labaad ayaan toos u sii galay, waxa xiiso lahayd, in fiid-kii ay wiil iyo gabadh isla socda oo aad u faraxsan shaqada igu soo marayn, waxan u rajeeyay habeen jacayl badan, mahadnaq ka dib waxan ii waydiiyayn shaqada ka dib anaa in aan habeen-kan qiimiga badan u dabaal dagayo, aniga oo qoslaya ayaan ugu jawaabay, anigu waxan u dabaal dagaya kali-nimada gabadhi ayaa aad u qososhay. Xata asxaab qaali ah oo aan leeyahay, kalina ku oogahay waxan u rajayay ’ happy single day’ Aniga oo kaftamaya. Waxa xusuus mudan wiil aan in dhawaydba is gaadgaad naga dhaxeeyay, runti aan aad iskaga helnay, wakhtiyo fican soo wada qadanay, bilow-gii sanad-ka cusubna aan wada xusnay ayaa sms sakhbadh-kii ii soo diray u igu rajaynayo malin-ka jacayl-ka, runtii aad ayay ii farxad galisay. Waxan u qoray sido kale, waad ku mahadsan tahay, lakiin sms-kaagu wuxu igu noqday lama filan, waxa u ii soo qoray sidu lama filaan kugu noqday, waxan u qoray, ma filanayn, wuxu ii soo qoray tan oo kale in aad iga filato ayay ahayd, waad ogtahay in aan ka helay, adna waan ogahay in aad iga heshay. Lakiin wali labadeenaba waxa ina haysa cabsi in aan talaabo qaadno. Waa runtii oo baryahan danbe qof aan uga helay sida aan isaga uga helay ima soo marin, lakiin waan aqliyaystayo inta badan talabada aan qadayo, waxan ku saleeya maskaxda. Waxan eega oo aan qiimeeya waxa xigi kara maalmaha xiishaha. Ka fiirsigu waxa u noolaha ka baadbadiya dhibatooyin badan.
Sidan sanad walba maalin-kan oo kale aan rajeeyo. Waxan dhamaan inteena kali-ga ah inoo rajaynaya sanad-ka danbe in aan ku xusno jacaylo qiimo badan. Inta hadeerba ku xusayna lamanayaalna aan u rajeeyo, jacaylo waara.
Jacayl-ku waa qiimi badan yahay, farxad badana wuu xambaarsan yahay, marka dacad-da, daryeel-ka iyo ixtiraam-ka lagu wado. Hadduse dowgiisa ka leexdo, waa qadhaadh badan yahay, waliba ka qadhaadh dacarta.

Even if the sun refused to shine,
Even if romance ran out of rhyme,
You would still have my heart, Happy Valentine's Day.