28 Nov 2014

Khaniis-nimadu nin iyo naag ma leedahay????



Waxan baxay habeen dhaweed oo aan banaanka aaday, aniga oo aan in mudo ah bixin. Waxa ila jogay wiil aan asxaab nahay oo iga soo booqday Paris, France, ka dibna waxan ku qasbanaday in aan klub aan u raaco. Stockholm oo aan banaan klub u aado waxa igu danbaysay 2 sanno ka hor. Run ahaantii waxanu ku baxnay asxaab badan oo 5 ka mid ah Somali ahaayayn. Klub-kan aadnay waxan ku arkay 2 cunug oo yar yar oo somaali ah. runtii waxay u eekayayn dad furfuran oo inta ay noo yimaadayn ayay iskaayo barayn. Markii in mudo ah la yiraayay ayaa labada cunug midkood intu ii imaaday dhahay is furfur, maxad kaliga la ciyaaraysa? Hadana wuxu intaa sii raaciyay, mise waxad ka baqaysa qofta kula socoto, Aniga oo aad moodo in uuna hadalku ii soo gaadhin, ayaa waxan dhahay, maxad tiri? Markaasu wiilkii yidhi ma gabadha kula socota ayaad ka baqaysa caadi iska dhig. Aniga oo aad hadana moodo in anaan hadalku si fican ii soo wada gaadhin ayaan dhahay, gabadhe??? talow ma musik-ga baxayay ayaanan hadalka u wada helin, ma is diidsin ayay iga ahayd, mise hadalkaan hubinayay? Waxan filaya in ay iga ahayd tan danbe. Wiilkii oo dhiiranaan iyo isku kalsooni ka muqato ayaa igu jaawabay, qofta nooh, waxan ujeeda qofta afrikaan-ta ah ee kula socota!!!! Aniga oo aad moodo in aan hadalka ka booday, hadana si fican u fahmay qofka u gabadh ugu yeedhayo qofka u yahay, ayaa waxan dhahay, Mandhow ma wiil ayaad gabadh ku tilmaamaysa?? Wiilkii oo aad moodo in uuna hadalkayga misaankiisu gaadhin oo aan shidaba qabin ayaa wuxu igu jawaabay: Noocan gabadh ayaan ugu waca nooh, markaasa waxa la ii sii raaciyay, Sheeko bilowgeed dheh!! Yaabay oo hadana amakaagay, qandhuuftan dib u liqay, aniga oo aad mooda in aan si u yara boodsanahay, hase yeeshe dhoola cadayn been ah tusaya ayaa waxan dhahay. In hadal gaba gabadiis tahay ayaan rajaynaya!!!

Fikirka cunuga yar ee somaaliyeed wuxu tusaale u yahay, habka in badan oo inaga mid ah ay u fikiraan. Habeen ayaa aniga oo sido kale Somaali la joga London maqlay wiil sxb-kiis ku leh, adigu nin ayaad tahay!! Waan yaabay. Talow ma cid ayaa raggo-nimadiisa muran galisay? waa maxay nin ayaad tahay ayaan hoosta iska waydiiyay :-(

Anigu shakhsiyan dareen ima qabto nin u fikiraya sida in uu gabadh yahay oo kale, waloow aan ixtiraam weyn u hayo inta inaga mid ah ee sidaas u nool, sido kale dareen ima qabto ragga jecel in u nin sidiisa ah uu gabadh u arko, waliba kuwaas ixtiraam uma hayo. Talow waa maxay sabaabtu???

Waxan aad ixtiraam weyn ugu haya kala duwanaanshaha aragtida, dookha iyo noolasha ee aynu ku kala duwan nahay. Hase yeeshe waxa maraar badan ii cuntami weyda hab fikirka qaar badan oo inaga mid ah u fikiraan. Wiil iyo Gabadh, nin iyo naag in khaniisiinta loo kla saaro. Anigu hadaan gabadh rabo waxan raadsan laha gabadh ee wiil naag kama dhigtayn. Wiil waxan ka dhigan laha wiil. Ta kale qolyaha amiinsan in ay iyagu rag yihiin waxan leeyahay. Ma qaar fool xun ayaad tihiin oo dumarku diidayn oo sidaas ayaad wiilal qatan oo suuq la'aan hayso aad naago uga dhigatayn??? Mise waxad amiinsan tihiin in kuwa aad nagaysatayn ay idinka liitan oo ayna u qalmin in rag loogu yeedho??? Waa su'aal aan rabo in aad is waydiisan. Waxan kaloon raba in aan su'aal waydiiyo qolyaha la naagaystay: Ma waxad tihiin qaar ayaan daran oo kii u yimaadaba liido oo aan waxba ahay??? Mise damiirkii duli-nimada diidayay ayaa idin dhinto wixi la idiinku yeedhaba waad aqbashaan???? Waxan raba in aad labadiina qoloba su'aalaha aad iskaga jawaabtan.

Waxa igu kalifay in aan wax ka yiraahdo mowduucan, waxan caawa facebook-ga ku arkay wiil leh waxan u hambalyaynaya aroosada iyo arooska oo uu ula jeeday laba wiil. Waa yaabe ma sidaas ayaa loo qiimo dhacay?????

Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

No comments:

Post a Comment