8 Mar 2013

why is training important for the gay? Muxu jidh dhisku muhiim ugu yahay khaniisinta?


Waxa aad caan u noqday sanadahan danbe, soo badashada gidh dhisinta wiilasha iyo gabdhaha khaniisiinta ah. Iyada oo aad moodo in ay qayb ka noqotay hab noololeed-ka khanisiinta galbeed-ka, gaar ahaan USA, Europe iyo Caribbean. In kasta oo ayna jirin badhitaan sugan oo rasmi ah, hadana waxa dadka qaar ku doodayaan in 75% khanisiinta ku nool wadamada aan soo xusay ay jidhkooda dhisan ,halka 43% ay ka tahay wiilasha aan khanisiinta ahayn. Hadaba waa su'aal ee sidee dhaqan-kan jidh dhisku ku soo galay noolasha khanisiinta? Dhaqan-ka jidh dhisku ee khanisiintu waxa u ka soo bilaabmay dal-ka maraykanka, wakhti ay ku beegan tahay dhamaadkii 70-neeyadi ama bilow-gii 80.naad-kii. Waa markii cudur-ka HIV-AIDS u dunida ku soo kordhay. Dadkii marka u sida ba'an u sameeyay ayay ka mid ahaayayn bulshada khanisiintu. Madaama aan badhitaan cilmiyaysan la hayn markaas, dad badan waxa ay amiinsanayayn in u kaliya ku dhaco bulshada khanisiinta ah. Isla markana astaanta kaliya ee dadku lagu garan karay qof-ka qaba waxay ahayd, in u qofku si xad dhaaf ah u catoobo. Marka hadaad caato ahayd, oo aad khaniis-nimana ku darsatay, waxad halis u ahayd in lagugu shabadeeyo HIV-AIDS, sidaas darteed ayay khanisiin badan u bilaabayn in ay jirkooda dhisan, si ay uga badbaadan takoor-ka bulshada, iskuna difaacan haddii u weraar kaga yimaado dadka nacayb-ka u haya khanisiinta. Marka waxa markii ugu horaysay jidh dhisita bilaabay xidigaha jila filimada galmada 'Porn stars'. Sidaas ayuu dhaqan-ka jidh dhisitu ku yimaada. Madaama USA tahay meel aduun-kan intiisa kale siyaabo badan looga hogaamiyo, gar ahaan xaga dhaqan-ka, ayaa taasi waxay sahashay in khanisiin badan oo wadamada Europe ku nool iyaguna bilaaban in ay jidh-ka dhisan. Ilaa ay isku rogtay dhaqan bulsheed waliba wata hab galmo soo jidasho. Waxa cad oo caan ah oo laga yaabo in qaar badan oo idin-ka mid ah arkayn ama u soo joogayn wadamadan galbeed-ka, khanisiin jidh qurqurxoon oo kaliya raadinaysa qaar sidooda oo kale ah, taas oo samayn ba'an ku yeelata kuwa kale ee aan jidh dhisan lahayn.

Qudhaydu waxan ka mid ahay, dadka ay samaynta ku yeelatay ;-) In kasta oo ay fican tahay in aad jidh fican lahaato, laba siyaabodba, waa ta kowbaad ee in aad jidh fican leedahay, waxay xoojinaysa caafimaad-kaaga madaama oo aad dhaqdhaqaaq samaynayso iyo kalsoonidaada nafta. ta labaad, waxay fursad ku siinaysa, xoojinaysana in aad soo jidaasho u yeelato wiilasha kale ee jidh-ka fican leh. Marka waan huba in anaad qadayn hadaad jidh fican leedahay ;-)  Lakiin maha in aad noolol ka dhigato ama ku mashquusho sida aad u eeg tahay walow ay muhiim tahay. Noolashu waa baladhan tahay, wax walbana in aad isku misaanto ayaa lagaga bahan yahay. Waxa nasiib daro ah in manta khanisiin badan oo galbeed-ka ku nool ay ku dhex qudhmayn meelaha jidh-ka lagu dhiso, oo ayna camal kale lahayn aan ka ahayn in ay jidhka habeen iyo maliinba dhisan, halka qaar badan oo iyaga ka mid ah ay ka ganacsadaan jidh-kooda. Waxan bari dhexdaas ah u fiirsaday khanisiinta jidhka qurxoon, waxan ogaaday intooda badan in ay yihiin qaar noolasha aan kaalin fican kaga jirin, halka kuwa jidh-ka fican lahayna yihiin kuwa halka noolasha ku horeeya. Lakiin anigu waxan qaba in adiga oo noolashaada wata, hadana aad jidh fican yeelan karto, kaliya waxay kaga bahan tahay in aad wakhti-gaaga isku misaanto. Waxa jira wiil aan asxaab nahay, intaan aqaanayba wuxu aadayay meelaha jidh-ka lagu dhiso, waligiisna jidh fican ma yeelan, baruur saa'id ah iyo calool uun ba ku sii kordhaysay. Sanad ka hor ayaan ku dhiiri galiyay in u xubin ka noqdo gym-ka aan anigu aado. Markii aan mudo isku raacnay, ayaa waxan ogaaday in uuna gym-ka u aadin jidh dhis ee u uu aado musqul fadhisi iyo dawasho dadka qaawan. Marka waxan ujeeda, qof walba oo gym-ka aada jidh fican ma laha, maxa yeelay sabaabo kala duwan ayaa loo aada. Wadamada sida Sweden oo kale ah ee aan lahayn meelo khanisiintu galmo ahaan ugu kulman, sida 'Gay Sauna' ama Sex Club-yo. waxa khanisiin badan gym-ka u aadan in ay ka dhex kaluumaystan amaba daawadan wiilasha kale marka ay qubaysanayan. Marka hadaad laga yaabo in aad lacag ku bixinayso in aad jidh-ka dhisto, waxan ku odhan laha, ha ka weecan hadaf-ka ee jidka hayso oo jidhkaaga dhis. Intiina mashquulsan ee howlaha badan ku jirta, qudhiinuna wakhti waad u helaysan jidh-kiina walow 2 sacadood todobaad-kii. Imisaas facebook-ga ku bixisa? imisa ayaad telefoono dhadheer kaga baxa? marka ha is iloobina ee iska gaadha sxbayaal


Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

No comments:

Post a Comment