25 Jul 2014

SOMALI-DU MA WADA LABA DABLA 'BISEXUAL'???



Marar badan ayaa waxan arka khanisiin somaliyeed, amaba Carab iyo Afrikan ku dhahaya, waxan ahay laba dable 'BISEXUAL' xata haddi uuna waligii gabadh u tagin. In kasta oo ay jiraan laba dablayaal 'Bisexual' badan oo soomaliyeed. Hadana waxan marar badan maqla wiilal Somali-yeed oo khaniisin-ah oo ku odhanaya dumarka iyo ragga-ba waan ka helaa. Waxan marar badan is waydiiyay, ma macnaha ergaygu u xambaarsan yahay ayaan somaali-da, gaar ahaan khanisiin-ta u kala cadayn, mise khaniisiinta somalida, carabta iyo afrikan-kuba waa laba dablayaal sideeda banaanba???

Laba dable 'Bisexual' waa eray, magac ah oo loogu yeedho qof-ka soo jiidasho xaga galmada ah u leh laba jinsi ee lab-ka iyo dhidiga, ama rag iyo dumarba. Hadaba khanisiinta qaar erayga is xambaarsiiya, ma yihiin kuwo macne ahaan ku sifoobay mise waa iska af ka sheegasho, nafta lagu maweeliyo???


Waxan u soo joogay amaba aan la kulmay khaniisin badan oo erayga is xambaariya. Inta anaan u gudo galin wixi waayuhu ila kulmiyay ee anaan ka run sheegin waxan maqlay. Waxan raba in aan ka cudur daarto haddi aan erayo qalafsan aan isticmaalo walow anaan ka been sheegay waayo aragnimadayda.


Waxan marar badan la kulmay khanisiin Somaliyeed oo markii ugu horaysay ee aan barto ee aan waydiiyo, Maxad naftaada ku sifaysa, ma khaniis mise? Igu jawaaba Maya ee waxan ahay laba dable 'Bisexual'. Waxan sii waydiiya, waligay gabadh ma la seexatay, Maya ayaa la igu jawaabaa. Wiilna? tiro iyo cadaad ma lahan, ayaa af labadiisa daan yeedhan, markaasa waliba qosol deex la igu dara. Aniga oo yabaan ayaan waydiiya! war mandhow haddi anaad gabadh waligaaba arag, maxad ku ogaatay in aad laba dable 'Bisexual' tahay? Markaasa jawaab muunsood ku jiro, la igu dhahaa. Aboowe  Dee sow nin ma yihii!! 


Inta qof ee aan su'aasha waydiiyay ee isku sii uun uga jawaabtay, waa tiro aan yarayn. Waxa ka mid ahaa qaar aan iska da'aa in haweenay loo kacsado ee aan raggaba u tagi karin. Waxa ka mid ahaa qaar jajabka ildhooluhu u dareemi laha haddi u garab maro in u khaniis yahay, iyo qaar waligood xata siil ku seegaysan. Yaab!!!


Marka akhriiste ragga-nimada iyo laba dablaha 'Bisexual' maxa iska galay??? Marka hore ergayga Rag, ama Rag-ganimo waa erag bulshooyiin-ka ay somali-du ka mid ka tahay u isticmaalaan, iska saraysiin-ta haween-ka ay raggu iska saraysiiyaan, iyaga oo ka sareeganaya wax walba oo dumar-nimo nin ku siifayn kara. Marka kowbaad waxad ogaata arag-tida ama fikir-ka noocaas ah in u yahay, mid qaldan oo ilbaxnimada meel aan ku lahayn.


Haddi u wiil, wiil jeclaado ama galmo la wadaago, kama dhigna in u wiil-nimadiisi wiiqantay. Hab-ka qofka benu adam-ka ah u seexdo waxba kama ahaa shakhsiyadiisa. Laba dabla-nimadu ceeb maha oo waa dareen dadka qaar ay leeyihiin. Anigu shakhsi ahaan waxan la seexday haween ka badan intaan rag la seexday. Waxanaan manta ahayn khaniis 100% maxa yeelay kaliya waxan soo jiidasho u leeyahay wiilashii oo kaliya, soo jidashadii haween-ku waxay noqotay 0%. Hadaba waa yaabe ma ragga-nimadaydii ayaa nusqaantay??? Maya, Anigu sidaas iskuma haysto ee waxan u haysta. QALBI-GU MEELBU JIRA, OO WIILASHU JIRA, LAGU JEEDALIYA.


Waxan mar aan sii dhawayn bartay, sxb aad u qiimo badan. Sxb-kaasi wuxu naftiisa ku tiriya laba dable 'Bisexual' Anaa waan fahmi kara oo marar badan ayuu dumar la hasaaway, la seexday, waliba guursaday. Malin maalmaha ka mid ah ayaan banaan-ka isku raacnay. Waxan tagnay makhayat cunto. Madaama ay makhayadu ahayd naaftaada caawi 'buffet restaurant' waxan bixinaynay qiimaha cuntada iyo dalabka cabitaan-ka. Gabadh fadhiday miis, ka ag dhawa maqal-ka lacag qabashada oo khanisad ah 'Lesbian' ayaa sheeda nooga yeedhay, oo dhaday, kali ayaan ahay ee waad ila fadhisan kartan. Ka dibna halkii ayaan fadhisanay. Su'aashii ugu horeysay ee ay na waydiisay ayaa waxay ahay 'Är ni ihop' ma wada jirtaan, ma isla baxdaan. Aniga oo qoslaya ayaa waxan dhahay. Maya asxaab ayaan nahay. Maba shidaysan hadal-keeda, Maxa yeelay dee khaniis, ayaan ahay oo in ay i garatay waaban ku farxay runtii. Anaa aniga oo qoslaya ayaan dhahay, ma kaliga ayaan cuntaynaysa, miyaan sxb kula socon, intay qososhay ayay dhahday, Maya sxb-bad ayaan leeyahay. Sxb-kay oo naxdiintii dhididay oo hareeraha fiirinaya ayaa hadal-ka dhexda ka soo galay oo dhahay. Kalay sideed laba wiil u waydiin karta, maad isla baxdaan??? Waxay ku jawaabtay waa caadi. Wuxu dhahay, ma khanisiin ayaad na mooday? waxay dhahday. Ma tihid miyaaaaa? maya ayuu dhahay, ee maxad igu malaysay. Waxay ku tiri, markaad lacagta bixinaysayn ee cabitaan-ka dalbanaysay ayaan jajab-kaaga arkay, oo si ayaad u jajaban tahay. Aniga oo qoslaya ayaan waxan gabadhii ku dhahay, Aniga ayaa khaniis ah ee sxb-kay khaniis maha. Waxay igu jawaabtay, labadiina adiga ayaan khaniis u eekayn. Marka waxan uga jeeda Khaniis-nimadu muuq maha ee waa magac, waa dareen aan shaqo ku lahayn sida u qof-ku u eeg yahay.


Waa fahmi kara in marar badan jaho wareer-ka jira iyo culays-ka bulshadu u inoo keeno xalad nafsi, taas oo qofka gayaysiisa in u naftiisa naco, sidaas darteedna u iskugu yeedho magacyo uu u haysto in ay yihiin, magac-yo gobeed. In aad khaniis tahay, maha wax laga xishoodo, lakiin waxa wax lagu qosla ah in aad naftaada khiyaali kula nooshahay.
 


Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

11 Jul 2014

Maxay Diintu ka qabta khaniis-nimada???


Bulshada Somali-du waa Muslim inteeda badan, dhaqankeeduna inta badan wuxu ku sar go'an yahay diinta Islaam-ka. Somali-da waxa lagu tiriya, bulsho xag jir ah, oo haba yarate furfurnaansho xaga dhaqanka ah aan lahayn.

Marar badan ayaa dhalin yaro khaniisin ah oo dhaqan-ka iyo diinta ku jaho wareeray ii soo waydiiyayn, su'aal ah: DIINTU MAXAY KHANIIS-NIMADA KA QABTA??? Runtii wadaad diineed ma ahii, lakiin aqoon igu filan diinta waan u leeyahay.

Diimuhu waa dhaqan maamuul bulsho oo Ilaah ugu talo galay dadka sii ay u wada nooladan, isagana u adeecan. Diintu maha cirka soo dhac Ilahay dadka ku ajburo waxayna karayn, ee waa mid ku dhisan dhaqanka iyo fahan-ka bulsho ee markaas jira. Taas waxad ka arki karta sida Diin-ta Islaam-ka ay uga buuxdo dhaqan carbeed badan. Maxa yeelay Umabadii nabi Maxamed 'Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaate' ka soo baxay ayaa carab reer miyi khalafsan u badan ahayd. Waxa marar badan Ilahay qur'aan-kiisa ku xusay siday carabtaasi nabiga ' S.C.W' ugu ad-adkaayayn iyo dhibtii u ka muutay. 


Qur'aanka waxa ku qoran qolyo ilahay inooga waramayo oo la dhihi jiray reer Luud. Waa nabi luude 'Naxariisi korkiis ha ahaate'. Qur'aanku wuxu xusaya in qoomkaasi khaniis-nimadu ay dhaqan ahaan caadi ahayd. Wuxu Ilahay xusaya in u halaagay, Sabaabtuna ay ahayd, markii ay damcayn martidii Nabi Luud oo ahayd malaik Ilahay soo diray oo muuqa dadka leh. Marka Ilahay ma wuxu ku halaagay kufsigii ay rabayn in ay martida kula kacaan iyo adeecid la'aanti nabi luud, mise khaniis-nimadoodii??? taasi qur'aan-ka kuma kala cada!! Diinta Islaam-ku waa xaraam-tinimaysay khaniis-nimada. Lakiin su'aasha meesha taala, waxa weeye Diinta Islaam-ku ma waxay u xaraan-tinimaysay aragtidii carabtii markaas noolayd oo wax xun u arkaysay, mise Ilahay ayaa wax xun u arka? Anigu waxan qaba Diinta adoon-siga oo benu adam-ka gaal iyo muslimba isku raacsan yahay xumidiisa xalaalaysay. Layaab ma lahan in ay khaniis-nimadana xaraantinimayso. Maxa yeelay dadkii xiliga noola ayaa khaniis-nimada ceeb u arkaayay, Adoon-sigana sharaf u arkaayay. diintuna sideedaba waxay sharciyaysa dhaqanka bulsho ee markaas jira. Waxa is weyndiin mudan, maxa manta dunida Islaam-ka adoonsigii ugu yaraaday oo khaniis-nimadu ugu badatay??? Jawaabtu waxa weeye, aragtida dadweynaha aduunka ku nool ayaa is bedeshay. Sidaas darteedna waxa loo bahan yahay, in Diinteena macnaynteeda dib loo eego. Muslimiinta suniga ah waxa manta hogaamiya sacuudiga oo aynu ognahay, halka u xuquuqda adaamaha ka tagan yahay. Marka lagama filan karo dabacsanaan ee waa in dadka muslimiinta ah ka tashadayn sacuudiga. Ilahay dadkiisa waa simay, dadkuna ma kala sareeyaan.


Anigu haba yarate ma arkaayo, sabaab u Allah koore ahaaye u imtixaan uga dhigo adoon-kiisa in u jeclaado qof jinsi ahaan la mid ah sidaasna cadaab-ta ku geeyo, oo u ku karaameyo moriyaan gacan ku dhiigle ah in u jinsiga ka duwan ka helo oo sidaasna janada ku geeyo. Waxan qaba Khaniis-nimadu waa abuur alle oo lagu dhasho. Haddii ayna ahayn dee waa laga dawoobi laha ee qof ka dawoobay ma jira? Muslimiin badan oo ay Somali-du ka mid tahay, rag iyo dumarba waa guursadan iyaga oo u haysta in ay khaniis-nimada kaga baxayaan sidaas. Lakiin mudo ka dib waxay bilaabaan, qadhaabsi iyo suuq warwareeg. Imisa khaniis ayaad taqaan oo guursaday, walina khaniis ah??? Maxay uga bixi waayayn khaniis-nimada, haddi ay balwad tahay? Marka waxan idiin waydiinaya Ilahay ayaan idinku dhaarshe, Waa tee Diinta banaynaysa intaad guursato haweenay ama wiil maskiin ah oo daacad ah, hadana meelaha aad ka soo qadhabato oo aad habeen-kii soo ag jiifsato adiga oo Wiil kale la soo raaxaystay ama gabadhu ay gabadh kale la soo raxaysatay, Maskiintii aad qabtayna meesha ugu sugayso oo anaad u raxayn karin??????? Ta kale bila calaykum, waxanad naftaada u qudhayn oo anaad walaasha iyo walaal-ka toona u qudhayn, qof benu adam ahna ha u quudhin, oo ha u isticmaalin in aad sowr-ka bulshada isaga qariyo, Hebel waa xaasle, lakiin runtii bahal ah badaad ku duula habeen-kii oo miciyo waraabe yeesha.

Diinta Islaam-ku waa diin suuban oo sinaansho iyo xaq dhow ku dhisan, marka ha u isticmaalin in aad danahaaga ku fushato oo aad ka qadato intaad rabto, si aad qof benu adam ah u lu'goyso.

Marka ay noqoto in wiil u will jeclaato ama gabadhi gabadh jeclaato. labada qofna ay yihiin qangaadh og waxa ay samaynayaan. Waxan odhan kara khaniis-nimadu waa banaan tahay diin ahaan iyo dad-nimo ahaanba. Lakiin waxa reeban anshi xumada, sida adiga oo khaniis ah in aad haweenay gursato oo aad lugooyo ku wado, sida in aad caruurta yar yar fara xumayso ama lu'goyso iyo khiyaamada. 


Marka akhriste Somali-du waxay tiraahda. Cilmiga ha lagu dhige aqliga kaasho baa la yidhi. Waxa loo bahan yahay, wax walba oo aad maqasho oo magac diineed wata in anaad xambaaran ee aad aqligaaga la kashato. Wixi aad u aragto macquul ku dhaqan, wixi aad u aragto waxan aqliga galayna ka tag. Ilahay aqliga wuxu inoo siyay in aynu wax ku garano. Waxad ogaata in Ilahay kugu abaal marinayo, dacad-nimada, adeecadiisa, u naxariisiga inta kale iyo xaq dhowrka noolaha. Jacayl-ka ilahay ayaa quluubta ku abuuray, Jacayl-na naar laguma galo
ee ogow!!!!

Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

4 Jul 2014

Ma taqaan magalada Yurub ugu khaniis-ka badan??

Waxan booqasho dhawaan ku tagay London. Wakhtiga aan jogay waxa jiray isku soo baxa khaniisin-ta ee loogu yeedho 'PRIDE'
.Si weyn waliba aad u fican ayaa loogu dabaal dagay, wuxu noqday mid ka mid ah Pride-yadii aan arkay, kuwii ugu ficna. Marka laga yimaado in dabaal degyada khaniisin badan oo UK degan iyo aduun-kuba ka qayb qadanayayn, waxan iyaguna meesha ka maqnayn, khanisiinta somaliyeed.
Runtii tiro aan yarayn ayaan dabaal degi malin-nimo iyo tii habeen-kaba jogay. Waxyaabo badan ayaan la kulmay, marka ay noqoto khanisiinta Somaliyeed. Waxan odhan kara waxan soo arkay, inta bulshada khanisiintu 'Queer community' ka koban tahay sida dhiblow ama rabshadlayaal 'Drama queen', ragga ragga u taga ee lakiin isku haysta in ay yihiin caadi 'DL, Down-Low'  laba dable, ama kuwa ragga iyo dumarkaba jecel, 'Bisexual', qun yar socod dhumalaysi ku qadhaabta 'Discrete' iyo waliba dad maskax furan 'Open minded'.
Wax yaabihi aan aadka ugu farxay waxa ka mid ahaa laba wiil oo lamaane ah oo soomali ah,  maxan amiinay  in ay suuro gal tahay in ay wiilasha Somali-du ka gudbayn, hal habeen-ka oo ay marayaan in la wada dego oo noolol la qaybsado. Waxan arkay wax aan ku qoslay, waxa igu qosol badna markii u wade bus oo Somali ah ii shukaansaday, waxan ku soo booqday qarabadayda, waxan ka soo tagay xili danbe, bus-kii aan ka soo racay ayaan uga degay meel la dhaho trafalgar square, ka dibna bus kale ayaan qaatay, wadihii bus-ka ayaan waydiiyay in u bus-ku u socdo Oxford street, haa ayuu dhahay, ka dibna ma Somali baad tahay ayaa xigtay, haa ayaan ugu jawaabay, ka dibna halkaas maxad ka doonaysa ayuu dhahay, intaan qoslay ayaan iska dhaafay oo aan fadhiistay. meeshi aan u socday ayaan iska aaday. waxan soo laabtay 3 saac ka dib si aan bus u qaado, waxan nasiib la kulmay isla Buskii aan ku imid. Wadihii wuuba ii qoslaya. ku laha ii sheeke, waan qoslay oo aan dhaqaaqay, kaalay ila hadal ayuu dhahay, waan u noqday. markaas ayuu dhahay, wax ma soo heshay? intaan qoslay ayaan dhahay, kumaan fahmin. waan ka tagay oo aan fadhiistay. markii aan ka dhaadhici rabo ayaan ku soo labtay oo aan dhahay mahadsanid, wuxu dhahay, ma labadaba waad ka heshaa, intaan qoslay ayaan dhahay, bilowgii waan ku fahmay. nasiib wacan, isna wuxu igu jawaabay: dhalin yaro ayaa layahay nooh. habeenkii oo dhan ayaan qoslayay. Waxan igu naxdin badna in aan wiil soomaaliyeed oo jaho wareersan ku arkay isku soo bixi oo raadinaya cid u wax la sameeyo. Bilowgii hore sii yar qalafsan ayuu noola hadlay, hase yeeshe markii aan gadaal ka sheekaysanay. Wuxu nala wadaagay xalaad aad u adeg oo noolashiisa ku gadaaman, waxan ku waaniyay in u cinjir isticmaalo. Waxan ku dhahay, dadkani mawada caafimad qaban ee cinjir isticmaal, wuu u qadan waayay oo wuxu dhahay, malaha mahe, oo ma dad buka oo HIV qaba yaa ku jira. Ogaal la'aanti saasi aadbay qalbiga ii damaqday. Waxyaabo badan ayaan London kula soo kulmay mudadii aan ku sugna. Ka hadalkeeda, waxan dib ugu dhigan doona qoraaladayda danbe. Waxan fursadan uga fa'iidaysanaya in aan u mahad celiyo sxb-kay aad igu soo dhaweeyay Gudoomiyahada Bulshada khanisiinta 'SGC' oo aan la'aantii wax badan ii suuroobayn iyo sxb-kay Zaki Farah 'laba magacba waa facebook'


Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii