22 Feb 2013

successful dating....... Hasaawe midho dhala.





Before date
Waxad u bahan tahay in aad sowr ka haysato qof-ka aad la kulmayso, sidu u eeg yahay. Madaama ay qacda hore muhiim tahay, waa muhiim in aad adigu muuq ahaan iyo labis ahaanba is hagajiso. Markan sidaas leeyahay uma jeedo in aad u labisato si aan adiga ahayn. Waxan u jeeda waxa weeye, u labiso sida aad u labisato mararka aad tagayso xaflado aan rasmi ahayn. Si wax yar uun ka duwan sida aad noolol maalmeed-kaaga u labisato. Waa muhiim iyana meesha aad ku balamaysan. Isku day in aad ku kulantan meelaha bulshadu iskugu timaado, sida cafeteria, makhaxi ama shaneemo. Meel aan amuus ahayn oo codkuna ku yar yahay oo aad is maqli kartan. Isku day in aad meesha joogto wakhtiga aad ku balantayn. Waxba kuma jabna haddi midkiin oo baabuur wata ka kale qaado. Lakiin waxa fican in aad adigu meesha balanta is gayso. Ku tasho in aad adigu waxaga iska bixiso, oo aad jeebadaada gacanta galiso marka aad lacagta bixinaysan. Haddi anuu midkiin u marka hore ka kale marti qaadin. Hadaad adiga laga bixiyo, waxad leedahay, mahadsanid, ogow marka danbe waa aniga qofka bixinaya. Kana rume taas. Waa muhiim in aad naftaada u sheegto in anaad la kulmayn malak, waxan u jeeda in anaad marka hore isku sowrin qof aad u cajiib ah, si anaad u niyad jabin hadaad aragto wax ka duwan waxad filaysay. Sido kale galmo iyo dareen toona maskaxda ha ku soo qufulin. Waxad kaliya naftaada u sheegta in aad la kulmayso, qof caadi ah iyo sxb cusub. Deganaan iyo dholacatayn ha ka muqato.
During dating.
Marka aad ku kulantan meeshad ku balansanaydayn. Ku qaabil dhoolacadayn iyo salaan diran. Waydii in ay sahal ahayd in u meesha soo helo? Jawaabtiisa ka dib u sheeg sida aad uga faraxsan tahay in aad ugu danbayntii kulantan. Intaas ka dib hadana waydii halka aad ka sii aadaysan meeshad ku kulantayn, haddi aad shaneemo ama makhaxi ku kulantayna, waydii haddi aad dalban kartan cuntada ama tigidh-ka shaneemada. Hadiiba aad dalab-kiina dhamaysan. Bilow in aad wax ka waydiiso maalin-kiisi sidu ahaa, amaba todobaad-kiisi haddiba aad jogtan weekend-gii. Markaaga adna uga waran malin-kaagi ama todobaad-kii. Haddiba aad karto waxad u sheegta sida ay u eeg tahay maalin caadi ah oo ku soo marta. Halka waxad uga fa'iidaysata in aad ka hadasho waxyaabaha aad xiisayso, marka aad fasaxa tahay. Waxa laga yaaba in aad iskaga mid ka noqotan xiisaha kubada, musik-ga, sugaan, filimada iyo wixi la mid ah. Wixi meesha ka soo baxa ee aad wada xiisaysan intii mudo ah ka sheekaysta. Deganaan muji, qofka isagana wakhtigiisa dhagayso. Kaliya ha dhagaysan ee faalo ku darso. Tusaale ahaan, haddu qofku ciyaar-ta golf-ka xiiseeyo oo anaad aqoon u lahayn sida loo ciyaaro, ka warayso, su'aalo ka waydii, usheeg sida aad adigu ciyaarta u aragto. Iska ilaali kana fogow wax qof-ku xiseeyo in aad dhaliisho walow anaad jeclayn. Ha kala hadli wax ku saabsan dhaaftadiisi iyo xidhiidhadiisi hore amaba sidu ugu firfircoon yahay gay-nimadiisa amaba inta qof ee u la kulamay ama la seexday. Waxas odhan muhiim maha. Lakiin haddu qof-ku isagu kaga waramo, marka ka dhagayso. Sido kale adna ha ka hadlin wax ku saabsan dhaaftadaadi, xidhiidhadaadi hore iyo wax la mid ah. Lakiin qofku haddu ku waydiiyo uga jawaab adiga oo ka horaysiinaya araar una sheegaya, in shalay tagto tahay oo marka laga yimaado in aad wax ka baratay, hadana anaad sida uga fikirin. Si koban oo faahfahin lahayn ugu dul mar, adiga oo ka gaabsanaya qoomamayn iyo eedaynba wakhtiga tagay. Ka fogow in aad been ka sheegto shalay. In aad wax walba u sheegtana muhiim maha. Waa muhiim in aad maan-ka ku hayso. Been yar oo aad sheegto in ay carqalad weyn mustaqbal-ka xidhiidh-kiina ku noqon karto. Dacaad nimo muuji. Ogow kulan-ka hore in ayna dadku ilowbin waxa la is yiraahdo, sidaasayna muhiim u tahay in aad mujiso bisayl iyo deganayn. Isku day kulankiina oodhan in aad u sheekaysatan si caadi ah oo aan ahayn hasaawe toos ah. Maxa yeelay kulan-ka kowbaad waa barasho uun. Hadaad ka hesho iyo haddii kaleba uma baahnid in aad u sheegto isla habeen-ka. Galmana meesha kaba saar, si kasta oo lagu hayo ama qof-ka kale loo hayo. Waa hadaad rajo hasawe ka damacsan tahay. Ugu danbaynta isa maca salameeya una sheeg sida aad ugu faraxsan tahay kulan-kiina. Marka aad kala tagtaan, ee aad gurigaaga gaadho ugu badnaan 3 saac ka dib sms u soo dir aad ugu sheegayso in u kulan-kiinu ficna oo aad ku faraxsan tahay in aad kulantayn, jeclaan lahaydna in aad kulantan mar kale. Waa hadaad qofka ka hesho oo aad rabto in aad meel isla gaadhan. Haddi kale waxad leedahay waa ficnayd in aynu kulanay. Waad ku mahadsan tahay wakhtigaaga aad ila qaybsatay, habeen wanaagsan. Marka qof-ku haddu ku rabo, wuxu kugu soo jawaaba mid la mid ah taad u qortay oo u kugu sheegayo in u jeclaan laha in aad kulantan oo aad isa sii baratan. Haddiba u sidaas ku dhihi waayo ama jawaab-ta kala soo daaho. Ogow in qof-ku niyad sidaas ah una ku hayn, adna uma baahnid in aad wakhti sidaas ah iskaga sii lumiso. Waliga ha is sharaf ridin, hana xag xagan qof aan ku rabin. Waligaana dad-ka wakhti sii. Waxan ku rajaynaya nasiib fican iyo hasaawe guulaysta.

Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

No comments:

Post a Comment