19 Dec 2014

Maxad ka taqaana HIV/AIDS???? QAYBTA 3-AAD



Waa qayb kale oo ka mid ah, taaxanaheeni aynu kaga hadlaynay, cudurka diilaaga ah ee Aydhis-ka, HIV/AIDS.

Qaybta 3-aad waxaan kaga hadli doona cudurka iyo khaniis-nimada waxa ka dhaxeeya, khaniisiin-ta madow muxu ugu badan yahay iyo waliba sida ay halistu ugu kala badan tahay qofka loo tagayo iyo ka wax u tagaya (bottom-ka iyo top-ka).


Maadaama horaantii markii uu cudurkani soo baxay, uu ku dhacay khaniisiin badan. Waaxa markaas loogu yeedhi jiray xanuunka khaniisiinta 'Gay Related Immune Deficiency Syndrome' iyada oo la moodayay in uu yahay xanuun kaliya ku dhaca khaniisiinta. Hase yeeshe markii danbe ee cilmi badhisyo badan la sameeyay ee la ogaaday siyaabaha lagu kala qaado, waxa la ogaaday in u cid walba ku dhici karo. Lakiin waxa yaab leh ilaa manta in u cudurku bulshada khaniisiinta aad ugu badan yahay. Waaxa jira sababo badan oo taas keenta, waxa ugu weyn in dadka khaniisiintu ay galmo la wadaagan dadyow kala duwan, taas oo halista qadista cudurka sare u qaadaysa.

Waaxa kale oo jirta cilmi baadhisyo iyo xog badan oo Maraykanka laga uruuriyay, taas oo lagu ogaaday khaniisiin-ta madow ee Maraykan-ka ah ee waliba da'adoodu u dhaxayso 25-49 jir in uu cudurku ku badan yahay, marka loo eego cadaan-ka da'adooda oo kale ah. Taasna waxa lagu micneeyay, dhowr ariimood.

➢ Xaaladaha dhaqan dhaqaale ee dadka madow ee maraykanka oo aad u hoosaysa, taas oo keenaysa in ay dhalin-yarta madow u nuglaadaan, mukhadaraad-ka iyo waliba dhilaysiga.
➢ Iyada oo in badan oo ka mid ah ay yihiin, kuwo waxbarasho ahaan hooseeya, isla markaasna ay hooseyso wacyigooda cudurkan ay ka qaban.
➢ Waaxa kale oo jira aqbal la'aan xaga bulshada madow ah oo ku waajahan khaniis-nimada, taasina waaxay keenaysa in qaar badan oo madowga Maraykanka ah ay ku nool yihiin noolol qarsoodi ah. Maadaama u qofku laba noololood ku wada nool yahay, waxa dhacda in si baahida galmo ee haysa uu u buxiyo, uu cid walba la seexdo, isaga oo aan kondom icticmaalayn. 
➢ Waaxa kale oo badhitaanadaasi tusayn, in ay dhacdo in dadka madow marka ay galmoonayaan ayna is waydiin xaalada cudurka ee midba ka kale, oo qofka madow ka kale ee madow sahal ku amiini karo.
➢ Waxa kale oo jira in la ogaaday in dadkii la waraystay qaarkood ay sheegayn in ay kondom la'aanta ka jecel yihiin kondom-ka. Walow taasi ahayn wax madowga gaar ku ah, oo ay jiraan shakhsiyaad sidaas yeela. Hadana tani waxay tustay in ay halis weyn oo qadista cudurka ah ay tahay.
➢ Waxa kale oo badhitaanadaasi tusayn, in dadka madow ay jecel yihiin in shahwadu gudaha qofka ay wasayaan kaga timaado, sida futada dhexdeeda.

Cilmi baadhisyada lasameeyay ilaa hada ee ku waajahan siyaabaha cudurkan loo kala qaado iyo inta ay halistu leeg tahay waxa lagu ogaaday, in Qofka loo tago ee 'Bottom' ah ay halista qadista cudurkan kaga badan tahay, ka wax u taga ee 'top' ah. Sabaabtuna waxa weeye.
Haddi qof cudurka qaba uu u galmoodo, qof aan qabin galmo bila kondom ah, marka ay shahwadu ka timaado qofka cudurka qaba, ee waliba futada dhexdeeda kaga timaado, shahwaadaasi waxay ku jiraysa mudo futada. Maadaama ay futada dadku aad iyo aad u xidiido badan tahay, oo laga yaabo in dilaac ama nabar si fuduud futada dhexdeeda u gaadho, waxay sahlaysa in shahwadii cudurka xambaarsanayd ay dhiigaaga raacdo, sidaasna aad xanuunka ku qaado. Taas oo halista qofka la wasaayo qadista cudurkan ka dhigaysa 6 jeer ka badan, marka loo eego ka wax wasaaya. Taas macneheegu waaxa weeye, haddi qofka la wasaayo cudurka u qabo in ka wax wasaaya ka qaado way ka halis yar tahay, maaxa yeelay guska sida dabada maaha oo waxba ma kaydiiyo, uu gudubka cudurkuna wuuxu qofka wax wasaaya u gudba marka ay shahwadu ka imaanayso, oo u guskuna waa dib u jiidi karo, iyo waaxa kale oo cudurku ku gudbi kara biyaha ka soo horeeya shahwada. Lakiin kan la wasaayo, haddi uuna xanuunku markaas jidhkiisa u gudbin, waxa laga yaaba, maalmo ka dib in uu u gudbo. maadaama shahwadii fayruska siday ay wali futada ku keedsan tahay. 

Mar walba hadaa lagu wasaayo, ama aad wax wasayso waa muhiim in aad kondom isticmaasho. Xata hadaad kondom istimaashana waa in aad si sax ah u istimaasha, iskuna dayda in ay shahwadu banaanka kaga timaado.

Qaybta ugu danbaysa ee qormadan oo ku saabsan su'aalo qaarkiin ay ii soo dirayn, waxan soo galin doona jimcaha danbe. Haddi ay jirto wax su'aal ah oo madixiina ka guuxayana, inta ka hor ii soo waydiiya.




Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

12 Dec 2014

Maxad ka taqaana HIV/AIDS???? QAYBTA 2-AAD



Waa qayb kale oo ka mid ah, taaxanaheeni aynu kaga hadlaynay, cudurka diilaaga ah ee Aydhis-ka, HIV/AIDA.

Qaybta 2-aad waxaan kaga hadli doona daawo in u leeyahay iyo in kale iyo siyaabaha looga hor tagi karo.

Ilaa iyo hada ma jirto daawo cudurka daawaysa, oo awood u leh in ay cudurka ciribtirto. Hase yeeshe waxa jiro daawoyiinka kala duwan, kuwaas oo la siiyo dadka cudurka qaada, Daawoyiin-kaas waxa lagu magacaaba 'Antiretroviral Therapy'. Waa isku dar daawoyiin kala duwan, kuwaas oo qofka ka caawinaya in uuna fayrusku, cabuuqa cudurku waxyeelayn, unugyada difaaca ee jirka qofka, isla markaasna xakamaynaya in uuna jidhka ku fidin caabuqu. Daawoyiin-kaasi waaxay ka kooban yihiin isku dar daawoyiin kala duwan, kuwaas oo qofku markii u mudo qaataba laga badalo. Maadaama uu cudur sidaha HIV-gu yahay caabuuq aad u dhib badan, markii muudo daawada lagula tacaalaba wuxu la soo baxa waji kale oo cusub, taasina waxay keenta in qofka daawo kale la siiyo si loola dacaalo wajiga cusub. Waxa kale oo jirta daawo isla noocaas ah oo iyana gaar u ah hooyada uurka leh, taas oo ka caawisa in ayna ilmaha caaloosha ku jira u gudbin cudurka. Daawa-du maaha mid qof walba oo xanuunka laga helo isla markaasba la siiyo. Waa daawo go'aan-keeda dhakhtarku gaadho, waaxa qofka loo bilaaba marku caabuuqu gaadho qiyaas gaar ah, taas oo saamaxaysa in daawadu qofka wax ka tarto.
Waaxa jira cilmi baadhisyo badan iyo tijaabooyin daawo oo badan, oo dunida meelo badan ka socda, taas oo dadaal loogu jiro in la helo, daawo cudurka lagu daaweeyo. Waaxa in badan oo Europe iyo North America jogta ay maraar badan arkaan, iyada oo lacag qadhaan ah loo uruurinayo baadhitaanada noocaas ah. Taas oo lagu maal galiyo cilmi baadhisyada cudurkan daawo loogu raadinayo. Marka aad ayay uu muhiim tahay in aad wax ku dartaan oo aad ka qayb qaadataan, xata 1$ ha ahaate yabooh-yada nocaas ah.

Maadaama uuna cudurku lahayn daawo si buuxda u daawaynaysa qofka, maxaa looga hor tagi kaara ayaa dad badan is waydiinayaan?? Maaxa la gudboon qofka caafimaad-ka qaba, iyo ka isaguna cudurka qaaday???


➢ In laga fogaado galmada siilka, afka, dabada waa si uga wanaagsan ee cudura-da galmada lagu kala qaado ee loo soo gaabiyo 'STD' looga hor tagayo. 
➢ in la yareeyo dadka lala galmoodo, oo lagu koobnaado hal lamaane. 
➢ Komdomka caagga ah, marka sidii loogu talagalay iyo sida saxda ah loo isticmaalo, waxa uu yarayn karaa halista in HIV la 
qaado, fayruska AIDS sababa. Halkan ka taabo sida kondomka loo isticmaalo. 
➢ Komdomka caaga markasta la isticmaalo marka galmada siilka ama dabada la samaynayo. 
➢ Kondomka caagga guska lagu xirto u isticmaal galmada afka. 
➢ In la xadeeyo ama layska ilaaliyo isticmaalka daroogada iyo qamriga, Maaxa yeelay maraar badan marka u qofku maskaxiyan foyoobayn, waxa la ogaaday in uu dhayalsado isticmaalka kondom-ka taas oo qofka halis weyn u soo jiidi karta 
➢ In laga fogaado in la wadaago cirbadaha daroogada, iyo waxyaaba dhiiga qof kale taabtay ee hadana kaaga taabanaya.
➢ In laga fogaado in la wadaago cirbadaha laysku rinjiyeeyo 'tatto' ama 
laysku duro oo la wada isticmaalo.

Waxyaaba kale ee iyaguna sahlaya in laga hortago cudurkan waxa ka mid ah.

In qofku baadhitaan jogta ah oo ugu yaraan 6-bilood ba mar ah uu isku sameeyo, manta dunida waxa jira, baadhitaan-ka cudurkan oo jawaab dhakhso ah aad helayso 20 daqiiqo gudahood.
➢ Waa muhiim in anaad amiinin qofnaba, maadaama aan cudurkan muuq iyo hadal-ka qofku ku sheego anaad ku garan karin, waxa muhiim ah in aad kondom isticmaasho mar walba iyo meel walba.
➢ Waa muhiim in xata haddi aad kondom ku samaynayso aad qofka waydiiso xalaadiisa caafimad ee cudurkan, taadana aad la wadaagto.
➢ Waaxa iyana aad u muhiim ah in qof-ka qaba cudurku uu u sheego xaladiisa iyo heerkiisa cudurkan, qof-ka kale ee uu la galmoonaayo iyo kuwa cirbadaha u la wadaago haddii caabuqa HIV aad qabtid. Sido kale waa muhiim in daacad nimada noocas ah qofka la yimaada aan lagu takoorin, maadaama u cudurku yahay wax qof walba ku dhici kara, waa muhiim in dadka qaba la aqbalo oo si naxariisi ku jirto loo daryeelo.

*Masuuliyada ugu weyni waxay saaran tahay, qofka caafimad-ka qaba in u caafimaadkiisa ilaaliyo oo qofna u amiinin.
*Haaday dhacdo in aad samaayso galmo anaad kondom isticmaalin, ay jirtana cabsi ku waajahan in aad cudurka qaado. waaxa jirta daawo loo soo gaabiyo PEP 'POST-EXPOSURE PROPHYLAXIS' taas oo ay tahay in aad bilowdo 72 sacadood ee ugu horeeya, ka dib markii aad samaysay galmo aan ilaashanayn oo anaad kondom icticmaalin, isla markaana aad cudurka ka cabsi qabto. Daawada waaxa la qaata 28 maalmood, waaxa laga bixiya xaaruumaha cudurkan lagu baadho. Taas macneheegu maaha in 100% aad ka badbaadayso qaadista cudurka haddi u qabay qofkii aad la galmootay, lakiin waa laga yaaba in ay ka hor jogsato qaadida cudurka. Inta badana daawada waxa la siiya, dadka la kufsado ee lagu qasbo galmo ayna raabin, halista qaadista qofkaasi ay weyn tahay.


Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

5 Dec 2014

Maxad ka taqaana HIV/AIDS???? QAYBTA 1-AAD



Waxa maalintii Isniinta ee 1-da bishan Diisamber aduunka laga xusay maalinta calamiga ah ee Aydhiska 'AIDS'.  Maadaama ay khaniisiintu ku jirto qaybaha bulshada kuwa ay aad u saamayso ku dhicista cudurku. Waxaan go'aansaday in aan 4-ta jimce ee bishan aan ka hadlo halista cudurkani leeyahay. 
Qaybtan 1-aad waxaan kaga hadli doona si koban taariikh-da cudurkan, macnihiisa, siyaabaha lagu kala qaado iyo waxyaabaha lagu garan karo marka u qofku qaado.
Qaybta 2-aad waxaan kaga hadli doona dawo in u leeyahay iyo in kale iyo siyaabaha looga hor tagi karo.
Qaybta 3-aad waxaan kaga hadli doona cudurka iyo khaniis-nimada waxa ka dhaxeeya, khaniisiin-ta madow waxay ugu badan yihiin dadka cudurkan qaada iyo waliba sida ay halistu ugu kala badan tahay qofka loo tagayo iyo ka wax u tagaya (bottom-ka iyo top-ka).
qaybta 4-aad ee qormadan waxaan kaga jawaabi doona su'aalaha qaarkiin ay iga soo waydiiyaan mowduucan. Waxa iga xasuusin mudan in aan su'aalihiina u bandhigii doono Dhakhtar caafimad oo si cilmiyaysan uga jawaabi doona. Marka fadlan wixi su'aalo ah ee aad qabtaan igu soo dira cinwaanka hoos ku qoran.

Qaybta 1-aad

Waxa la nool curiyaha cudurka ee HIV ama cudurka laftiisa AIDS -ka dad ka badan 35 milyan oo qof, 70% ka mid ah dadka qaba waxay ku noolyihiin qaarada Afrika, wadamada saxaaraha ka hooseeya oo ay Soomaaliya ka mid tahay. Kaliya 2013 waxa lagu qiiyaasay dadka ka badan 2 milyan in ay qaadeen fayraska caabuqa HIV oo ah cudur dhaliyaha AIDS-ka. Iyada oo 1.5 milyan oo qofood u dhinteen isla sanadkaas (2013). Guud ahaan Waxa u geeriyooday cudurka AIDS ka in ka badan 39 milyan oo qof ilaa intii u cudurkani soo shaac baxay sanadkii 1981-kii.

Hadaba akhriste maxaad ka taqaana HIV/AIDS

HIV waxay u tagan tahay  'Human Immunodeficiency Virus' oo macneheegu yahay Caabuqa 'fayraska' burburiya ama baabiiya unugyada daafaca ee jidhka dadka. Macnuhu waxa weeye Marka u qofku qaado HIV, in u waxyeelayo unugayada difaaca qofka, kuwaas oo inaga celiya in ay xanuuno inagu dhacan, marka u ku fiido jidhka qofka ayaa wuxu keenaya in u ka awood badiyo unugyadii difaaca ee qofka, marka uu qofku u gudbo AIDS -kana wuxu  qofku u nuglanaya xanuunada kale, sida duriga, dhaxanta iyo cabuuqyo kale oo badan. AIDS waxa loo soo gaabiyay 'Acquired Immunodeficiency Syndrome' Marka u qofku xaaladan soo gaadho, macneheegu waxa weeye, in unugyadii difaaca jidhku ay howshoodii gabayn, ka dibna waxa markaas qofka u xiga silsilado is daba socda oo xanuuno kala duwan iyo diciif-nimo ah, taas oo adeg ka dhigta in lala tacaalo ama la daweeyo qofka. Waxanay u badan tahay in qofku u dhinto marka u marxalada AIDS -ka u gudbo. Kama dhigna in qof walba oo HIV qaba ama u ku dhaca uu u gudbo AIDS, taas oo macnaheegu yahay, haddi u qofku xili hore ogaado xalaadiisa cudur sidaha HIV -ga oo u dawo helo, in u uu noolan karo sida qofka cadiga ah ee ka fayow xanuunka oo kale. 

Sideeba lagu kala qaada xanuun sidaha HIV

Waxa la iskugu gudbiya cudur sidaha HIV siyabahan hoos ku xusan.

➢ Galmada dabada wiil ama gabadh. 
➢ Galmada Siilka 
➢ Wadaagista cirbadaha, sida daroogada laysku duro.
➢ Dhiiga la isku shubo ama xubnaha jidhka ee qof lagu beero.
➢ Hooyada cudurka qabta oo ilmaha caloosha ku jira u gudbisa

Waxyaabaha kale ee la isku qaadsiin karo waxa ka mid ah.

➢ Galmada afka, haddi qofka cudurka qaba afkiisu nabaro dhiigaya leeyihiin.
➢ Haddi jidha qofka cudurka qaba oo nabar dhiigaya ama dheecan ka socdo taabto, qofka kale ee aan qabin oo isna leh nabar dhiigaya ama dheecan ka socdo.

Waxyaabaha aan lagu kala qaadin waxa ka mid ah.

➢ Hawada ama biyaha oo la wadaago.
➢ Qaniinyada kaneexada ama xasharaadka yar yar ee dadka qaniina.
➢ Candhuufta, dhidiidka ama ilmada.
➢ Salaanya, hab isa siinta iyo jidhtabashada
➢ Musqul wada wadaagida ama googosha.


Astaamaha uu qofku ku garan karo in u qaaday HIV???

➢ Jirro shabbahda durayga 
➢ Qanjirrada jirka oo barara 
➢ Marka dambe (sanado ka dib qaadida cudurka): 
➢ Qandho ba’an ee joogto ah 
➢ Habeenka oo la dhidhido 
➢ Shuban muddo dheer jiraya 
➢ Hoos u dhac culayska qofka ee aan la garan Karin waxa keenay 
➢ Buro kuusan ee maqaarka ama gudaha afka iyo sanka ka 
soo baxda 
➢ Daal itaal darro badan 
➢ Qanjirrada oo barara 
➢ Cabuuqa xibanaha neefsashada oo soo noq noqonaya 

Muhiim maaha in qof kasta oo astamaha isku arka uu qaaday cudur-ka, sido kalena maaha astaamo lagu arko qof walba oo qaaday cudurka. Hase yeeshe waa qaar ka mid ah astamaha lagu garan karo, marka u qofku iska shakiyo ee laga yaabo in u sameeyay galmo aan ilaashanayn.

Akhriste la soco qaybtan qaybta xigta oo aan dabiici doono jimcaha danbe ee bishu tahay 12/12-2014

Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii