22 Feb 2013

successful dating....... Hasaawe midho dhala.





Before date
Waxad u bahan tahay in aad sowr ka haysato qof-ka aad la kulmayso, sidu u eeg yahay. Madaama ay qacda hore muhiim tahay, waa muhiim in aad adigu muuq ahaan iyo labis ahaanba is hagajiso. Markan sidaas leeyahay uma jeedo in aad u labisato si aan adiga ahayn. Waxan u jeeda waxa weeye, u labiso sida aad u labisato mararka aad tagayso xaflado aan rasmi ahayn. Si wax yar uun ka duwan sida aad noolol maalmeed-kaaga u labisato. Waa muhiim iyana meesha aad ku balamaysan. Isku day in aad ku kulantan meelaha bulshadu iskugu timaado, sida cafeteria, makhaxi ama shaneemo. Meel aan amuus ahayn oo codkuna ku yar yahay oo aad is maqli kartan. Isku day in aad meesha joogto wakhtiga aad ku balantayn. Waxba kuma jabna haddi midkiin oo baabuur wata ka kale qaado. Lakiin waxa fican in aad adigu meesha balanta is gayso. Ku tasho in aad adigu waxaga iska bixiso, oo aad jeebadaada gacanta galiso marka aad lacagta bixinaysan. Haddi anuu midkiin u marka hore ka kale marti qaadin. Hadaad adiga laga bixiyo, waxad leedahay, mahadsanid, ogow marka danbe waa aniga qofka bixinaya. Kana rume taas. Waa muhiim in aad naftaada u sheegto in anaad la kulmayn malak, waxan u jeeda in anaad marka hore isku sowrin qof aad u cajiib ah, si anaad u niyad jabin hadaad aragto wax ka duwan waxad filaysay. Sido kale galmo iyo dareen toona maskaxda ha ku soo qufulin. Waxad kaliya naftaada u sheegta in aad la kulmayso, qof caadi ah iyo sxb cusub. Deganaan iyo dholacatayn ha ka muqato.
During dating.
Marka aad ku kulantan meeshad ku balansanaydayn. Ku qaabil dhoolacadayn iyo salaan diran. Waydii in ay sahal ahayd in u meesha soo helo? Jawaabtiisa ka dib u sheeg sida aad uga faraxsan tahay in aad ugu danbayntii kulantan. Intaas ka dib hadana waydii halka aad ka sii aadaysan meeshad ku kulantayn, haddi aad shaneemo ama makhaxi ku kulantayna, waydii haddi aad dalban kartan cuntada ama tigidh-ka shaneemada. Hadiiba aad dalab-kiina dhamaysan. Bilow in aad wax ka waydiiso maalin-kiisi sidu ahaa, amaba todobaad-kiisi haddiba aad jogtan weekend-gii. Markaaga adna uga waran malin-kaagi ama todobaad-kii. Haddiba aad karto waxad u sheegta sida ay u eeg tahay maalin caadi ah oo ku soo marta. Halka waxad uga fa'iidaysata in aad ka hadasho waxyaabaha aad xiisayso, marka aad fasaxa tahay. Waxa laga yaaba in aad iskaga mid ka noqotan xiisaha kubada, musik-ga, sugaan, filimada iyo wixi la mid ah. Wixi meesha ka soo baxa ee aad wada xiisaysan intii mudo ah ka sheekaysta. Deganaan muji, qofka isagana wakhtigiisa dhagayso. Kaliya ha dhagaysan ee faalo ku darso. Tusaale ahaan, haddu qofku ciyaar-ta golf-ka xiiseeyo oo anaad aqoon u lahayn sida loo ciyaaro, ka warayso, su'aalo ka waydii, usheeg sida aad adigu ciyaarta u aragto. Iska ilaali kana fogow wax qof-ku xiseeyo in aad dhaliisho walow anaad jeclayn. Ha kala hadli wax ku saabsan dhaaftadiisi iyo xidhiidhadiisi hore amaba sidu ugu firfircoon yahay gay-nimadiisa amaba inta qof ee u la kulamay ama la seexday. Waxas odhan muhiim maha. Lakiin haddu qof-ku isagu kaga waramo, marka ka dhagayso. Sido kale adna ha ka hadlin wax ku saabsan dhaaftadaadi, xidhiidhadaadi hore iyo wax la mid ah. Lakiin qofku haddu ku waydiiyo uga jawaab adiga oo ka horaysiinaya araar una sheegaya, in shalay tagto tahay oo marka laga yimaado in aad wax ka baratay, hadana anaad sida uga fikirin. Si koban oo faahfahin lahayn ugu dul mar, adiga oo ka gaabsanaya qoomamayn iyo eedaynba wakhtiga tagay. Ka fogow in aad been ka sheegto shalay. In aad wax walba u sheegtana muhiim maha. Waa muhiim in aad maan-ka ku hayso. Been yar oo aad sheegto in ay carqalad weyn mustaqbal-ka xidhiidh-kiina ku noqon karto. Dacaad nimo muuji. Ogow kulan-ka hore in ayna dadku ilowbin waxa la is yiraahdo, sidaasayna muhiim u tahay in aad mujiso bisayl iyo deganayn. Isku day kulankiina oodhan in aad u sheekaysatan si caadi ah oo aan ahayn hasaawe toos ah. Maxa yeelay kulan-ka kowbaad waa barasho uun. Hadaad ka hesho iyo haddii kaleba uma baahnid in aad u sheegto isla habeen-ka. Galmana meesha kaba saar, si kasta oo lagu hayo ama qof-ka kale loo hayo. Waa hadaad rajo hasawe ka damacsan tahay. Ugu danbaynta isa maca salameeya una sheeg sida aad ugu faraxsan tahay kulan-kiina. Marka aad kala tagtaan, ee aad gurigaaga gaadho ugu badnaan 3 saac ka dib sms u soo dir aad ugu sheegayso in u kulan-kiinu ficna oo aad ku faraxsan tahay in aad kulantayn, jeclaan lahaydna in aad kulantan mar kale. Waa hadaad qofka ka hesho oo aad rabto in aad meel isla gaadhan. Haddi kale waxad leedahay waa ficnayd in aynu kulanay. Waad ku mahadsan tahay wakhtigaaga aad ila qaybsatay, habeen wanaagsan. Marka qof-ku haddu ku rabo, wuxu kugu soo jawaaba mid la mid ah taad u qortay oo u kugu sheegayo in u jeclaan laha in aad kulantan oo aad isa sii baratan. Haddiba u sidaas ku dhihi waayo ama jawaab-ta kala soo daaho. Ogow in qof-ku niyad sidaas ah una ku hayn, adna uma baahnid in aad wakhti sidaas ah iskaga sii lumiso. Waliga ha is sharaf ridin, hana xag xagan qof aan ku rabin. Waligaana dad-ka wakhti sii. Waxan ku rajaynaya nasiib fican iyo hasaawe guulaysta.

Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

15 Feb 2013

Happy Valentine's Day



Happy Valentine's Day


Waxan dhamaan idiin rajayna in aad Valentino day ga aad ku qadatayn farxad iyo kalgacayl. Waxan rajaynaya in badan oo inaga mid ah in ay farxad iyo jacayl ku qatayn. Maalin-tan qiimi-ga badan ee calam-ka jacayl-ka laga xuso, maha uun maalin dadyow-ga lamanaha ah u gaar ah, ee waa maalin jacayl-ka noolaha oodhan u astaamaysan. Waa maalin qofka looga bahan yahay, in u farxad iyo kalgacal ku xuso, kaas oo u la wadaagayo cid walba oo u jecel yahay.
Anigu shakhsiyan maalin-tan sanad walba waxay igu soo marta kali, ’’Single’’ waxan rajeeya in sanad-ka xiga ay igu timaado aniga oo lamaane haysta. Hase yeeshe ma dhacdo L Noolashayda hal mar ayaan jacayl ku xusay malin-kan, lakiin xiiso badan may lahayn, maxa yeelay qof-ka aan la wadaagayay farxada, qiimo badan iyo macneba maalin-taasi uma lahayn. Waxan xasuusta hadyad ayaan u soo gaday, isaguse waxba kama ogayn maalinta qimaheega. Waa noolashayda maalin-ta aan goostay in anaan waxba la wadaagin qof anaad noolasha isku meel ka joogin. Runti mararka qaar hinaase ayaa ii qabta, marka aan arko lamanayaal u dabaal dagaya maalin-tan. Aniga igama duwanayn maalin caadi ah, maalin shaqo, aroor hore ayaan shaqo galay, ka dibna waxan aaday gym-ka, wax xooga ayaan guri-ga ku nastay ka dibna shaqo labaad ayaan toos u sii galay, waxa xiiso lahayd, in fiid-kii ay wiil iyo gabadh isla socda oo aad u faraxsan shaqada igu soo marayn, waxan u rajeeyay habeen jacayl badan, mahadnaq ka dib waxan ii waydiiyayn shaqada ka dib anaa in aan habeen-kan qiimiga badan u dabaal dagayo, aniga oo qoslaya ayaan ugu jawaabay, anigu waxan u dabaal dagaya kali-nimada gabadhi ayaa aad u qososhay. Xata asxaab qaali ah oo aan leeyahay, kalina ku oogahay waxan u rajayay ’ happy single day’ Aniga oo kaftamaya. Waxa xusuus mudan wiil aan in dhawaydba is gaadgaad naga dhaxeeyay, runti aan aad iskaga helnay, wakhtiyo fican soo wada qadanay, bilow-gii sanad-ka cusubna aan wada xusnay ayaa sms sakhbadh-kii ii soo diray u igu rajaynayo malin-ka jacayl-ka, runtii aad ayay ii farxad galisay. Waxan u qoray sido kale, waad ku mahadsan tahay, lakiin sms-kaagu wuxu igu noqday lama filan, waxa u ii soo qoray sidu lama filaan kugu noqday, waxan u qoray, ma filanayn, wuxu ii soo qoray tan oo kale in aad iga filato ayay ahayd, waad ogtahay in aan ka helay, adna waan ogahay in aad iga heshay. Lakiin wali labadeenaba waxa ina haysa cabsi in aan talaabo qaadno. Waa runtii oo baryahan danbe qof aan uga helay sida aan isaga uga helay ima soo marin, lakiin waan aqliyaystayo inta badan talabada aan qadayo, waxan ku saleeya maskaxda. Waxan eega oo aan qiimeeya waxa xigi kara maalmaha xiishaha. Ka fiirsigu waxa u noolaha ka baadbadiya dhibatooyin badan.
Sidan sanad walba maalin-kan oo kale aan rajeeyo. Waxan dhamaan inteena kali-ga ah inoo rajaynaya sanad-ka danbe in aan ku xusno jacaylo qiimo badan. Inta hadeerba ku xusayna lamanayaalna aan u rajeeyo, jacaylo waara.
Jacayl-ku waa qiimi badan yahay, farxad badana wuu xambaarsan yahay, marka dacad-da, daryeel-ka iyo ixtiraam-ka lagu wado. Hadduse dowgiisa ka leexdo, waa qadhaadh badan yahay, waliba ka qadhaadh dacarta.

Even if the sun refused to shine,
Even if romance ran out of rhyme,
You would still have my heart, Happy Valentine's Day.

7 Feb 2013

I am happy, are you happy?? let us be happy together


‘I’m happy as I can be, cause I’m allergic to tragedy’ Ricky Martin


Farxad, ‘happiness’ waa eray aan u fududayn sida ku dhawaqidiisu u fuduudahay. Macnaha erayga farxad waxa weeye: in qofku maskaxiyan iyo dareen ahaanba u wanaag dareemo ‘Happiness is a mental or emotional state of well-being’ taas oo u ku mujinaayo dareen wanaagsan iyo riyaaq.
Eraygan waa mid aad benu adam-ku uga hadlo. Macne ahaan waa la isku raacsan yahay waxa ay farxadi tahay. Lakiin sida ay farxadi tahay, waxa keena farxad iyo sida qof u farxi karaba waa lagu kala duwan yahay.

Waxan farxada u soo qaatay manta. Aniga oo og in badan oo inaga mid ah in ay ku nooshahay farxad daro ama waalac iyo war bahaar. Sidaas tardeed ayaan raba in aan kula qaybsado sida aad farxad ku gaadhi karto ama u samaynsan karo farxadaada.

2007 waxan kala hadhnay gabadh aan is jeclayn, Skoolkaygi iyo wax walba niyad jab-kii aan ka qaaday ayaan u daayay, 2008 waxan aad ugu mashquulay hab galmeed-kayga oo aan rabay in aan naftayda fahmo, 2009 waxan xidhiidh aad u dhib badna oo farxad daro ii baday la sameeyay wiil soomaliyeed. 2010 qofkii aan aduunkan ugu jecla, hooyaday ayaa geeriyootay ‘Allah naxariisti jano ha geeyo ee’. 4 sanno oo xidhiidha oo farxad daro ah ayaa isku kay raacay. Waxan farxada ka raadiyay, Khaad, Khamro, Galmo xaad dhaaf ah, Fest maalin walba ah, xashiishad iyo bulsho dhex gal aan caadi ahayn oo aan rabay in aan farxad ka helo.  Kuma gulaaysan. Maxa yeelay waxan dawo ka raadinayay meel aan ahayn halkii ay ahayd in aan dawo ka raadiyo. 2010 markay hooyaday dhimatay ‘Allah ha u naxariiste’ ayaa maalin maalmaha ka mid ah aniga oo aad u murugaysan oo kaligay ah ayaa waxan is weydiiyay. Talow ma jirta aduun-kan, wakhtigan sacadan qof adiga ka murugo badan. Jawaabtii ay naftaydu ii siisay ayaa waxay ahayd: haa, Hadana waxan is weydiiyay tallow ma jirta cid ay manta u tahay maalintii nooloshooda ugu farxada badnayd. Jawaab-tu waxay noqotay haa. Marka ayaa waxan xaqiiqsaday in aduunyadu tahay ‘hadh-ka labadiisa galin’. Marka aad faraxsan tahay mid ayaa isna ay ka jiifta, marka ay adiga ka jiiftana, mid kale ayaa hawada maraya.
Markaas ka dib waxan ogaaday in farxad waarta ayna aduunkan ka jirin ee ay farxadu tahay mid u qofku samaysto isaga oo aan waxba is raacinay.
Dhamaad-kii 2010 waxan is waydiiyay su’aal ahayd. Maxa farxada aniga ii keenay, maxase farxada darada ii keena. Waxan ogaaday dhow ariimod.  Ka dibna waxan go’aansaday in aan farxo. Maalinta kadib waxa ii bilaabmay, Farxad aan kala go’ lahayn oo aan cid ku xidhnayn oo toos qalbigaga ugu xidhan ayaan ku noolahay manta. Waxanay ku timid qodobadan hoos ku xusan. Marka waan huba in aad adna farxad ku noolan doonto hadaad raacdo qodobada.


1_ in anaan naftayda qofna ku xidhin, oo qof benu adam ah isa siinin, oo guul iyo guul daraba aan naftayda ku tashado. Aniga oo aan bulshada ka tagayn hase yeeshe aadna qof iskugu xidhayn. Maxa yeelay hadaad qof benu adam ah 100% isa siiso oo aad waydo waa murug inteeda leeg. Marka waa in aad amiinto wax walba sida ay noolashada ku soo galayn, si la mid ah in ay uga baxayan.

2_In aad adigu shakhsiyan is aqbasho. Aqbalaada waxan uga jeeda, in aan adiga naftaadada lagaga waramin ee aad is ogtahay qofka aad tahay. Tusaale ahaan hadaad  tahay qof buuran, marka in aad buuran tahay in dadku ku sheegayn wax macne ah kuma samaynayso madaama aad adigu is ogtahay. Lakiin hadaanad is ogayn, waxa laga yaaba in hadal-ka dadku farxad daro kugu keeno. Sido kale in aad khaniis tahay hadaad aqbalsan tahay. Kuma xanuujinayso qof adiga ka liita hadal-kiisu. Lakiin hadaanad is aqbalsanayn, waxa laga yaaba mid aan kabahaaga gaadhin in u hadal kugu dhawaaco.

3_In aad ka fogaado barbar dhiga naftaada dadka kale ama u noolato dadka kale. Tusaale ahaan Ilahay dadka muuqa, kartida, iyo maskaxdaba ma simin. Waxa lagaga bahan yahay in aad taas ogaado. Oo aad ku xisaabtanto in kala duwanaashaha dadku u micne noolasha u yahay. Marka lagama yaabo in qof kale noolashiisu ay dhawac kugu keento. Maxa yeelay waxad ogtahay in farqi idiin dhaxeeyo. Qofkaasi xadhiga noolasha halkiisa ka haysto. Adna aad u bahan tahay kaliya in aad xadhigaaga haysato oo anaad isku mashquulin qof kale. Haddi kale u fiirsashada noolaha waad u farxad beelaysa. Waligana waxad ogaada in anaad dadka wada raali galin karin, waayo Ilahayba ma wada raali galin.

4_ in aad amiinto awoodada benu adam-tinimo. Waa in aad fahanto ka cirka gaadhay in uuna waxba ku dheerayn aan ka ahayn in u dadaal la yimaaday. Ma jirto aduunyadan wax mucjiso ah, wax walba waa dadaal iyo intaad wakhti ku bixiso. Marka naftaada waa in aad u sheegto in aad dadaal iyo karti tahay furaha guusha. Walow laga yaabo in aad ku nooshahay noolol adeg oo aad u rafaad badan. Sidaas oo ay tahay, waad ka bixi karta noolasha adeg. Waxa laga yaaba in anaad guusha malin iyo laba ku gaadhin, lakiin waa balan hadaad go’aan adeg oo aad rabto in aad noolashada wax kaga badasho gaadho in aad gaadhi karto.  

5_ Kalsoonida naftaada oo aad dhisto waa ta ugu muhiimsan in aad farxad ku noolato.

6_ Ka fagow wax walba oo farxad daro ku keeni kara. Tusaale ahaan, aniga waxan ogaaday, xidhiidh aan la sameeyo qof aan dacad xidhiidh-ka ka ahayn in u qalbi jab iyo niyad xumo ii keeni karo. Laga soo bilaabo 2011 waxa xidhiidh ii waydiistay dhowr qof. Kama aqbalin. Maxa yeelay waxan ogaaday in anaan meel fog isla gadhayn, wallow qaarkood aan qalbiga ka rabay. Hadana nafta waxan baray sida loo ogaamiyo. Maxa yeelay haddi dareen-ku ku hogaamiyo oo maskaxdu ku hogaamin waydo, waa hoog iyo ba’a. Marka waliga dareen-ka gadaal mari oo aqli-gu ha ku hogaamiyo

Lacagta, jacayl-ka, noolol fican oo aad ku noolato, shaqo wanaagsan, wadan iyo magaalo qurux badan oo aad ku nooshahay. Midna farxada ma sameeyaan. Farxadu waa caalam u qof-ku isagu samaysto. Sabaabaha ayna waxas oo dhami farxad u samayna waxa weeye iyaga ayaad farxada ka raadinaysa, halkay ahayd iyagu in ay farxad ka helan. Tusaale ahaan hadaad qof jeceshay adiga ayaa lagaga bahan yahay in aad farxada siiso, ka dibna taas aad siisay mid la mid ah ayaa ku soo noqonaysa. Lakiin hadaad murug siiso, sida muran, amiinad la’aan iyo gogol dhaaf adna taas tu la mid ah ayaa kugu soo noqonaysa. Marka farxadu maha wax fuduud lakiin waan huba in aad farxad ku noolan karto hadaad rabto. 

Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay

https://www.facebook.com/iiwaydii

1 Feb 2013

Jacayl-ku waa deeq Allah/ Love Is A Gift From God


Jacayl-ku waa deeq Allah/ Love Is A Gift From God
Jimce wanaagsan akhyaarta. Waxan ka qayb galay sabti-dii todobaad-kii ina dhafaay 26-01-2013 aroos laba wiil oo Ugandese ah oo Isguursaday. Xaflada aroos-ka waxa lagu soo beegay labo sanno guurada ka soo wareegtay dil-kii loo gaystay David Kato oo ahaa qof u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dadka khanisiinta ah ee Uganda. Waxa xaflada iskugu yimid dad aad u faro badan oo iskugu jiray dad xuquuqda khanisiinta u dhaqdhaqaaqa, siyasiyiin ay ka mid ahayd wasiir-ka Sweden midow-ga yurub u qabiilsan iyo asxaab-ta ay laba wiil ee is guursaday lahayayn oo Sweden iyo aduun-ka iskaga kala imaaday. Xaflad aad looga soo shaqeeyay ayaa loo qabtay. Xafladii meher-ku waxay ka dhacday kinisad iyada oo halka la iskugu meheriyay labada lamaane, iyada oo habeen-kiina xaflad casho lagu qabtay xarun ay leeyihiin urur-ka khanisiinta ugu weyn ee Sweden oo loo yaqaano magaciisa marka la soo gabiyo RFSL. Waxa habeen-kii xaflada cashada  khudbado aad u qiiro badan ka soo jeediyay dadyow badan oo asxaab dhow la ah laba is guursatay. Iyada oo aad dareemaysay jawi qiiro iyo farxadba iskugu jira. Aniga oo ka mid ahaa dad-kii lagu soo marti qaaday xaflada. Waxa farxad ii ahayd in aan markhaati ka noqdo xaflada tariikhi-ga ahayd. Iyada oo ahayd markii ugu horaysay ee laba khaniis oo madow isku guursato Sweden. Waxay ahayd xaflad guur oo dad-kii ka soo qayb galay isku racayn in ay ahayd mid taariikhii ah. Laba waxba aniga qiimo weyn ayay xaflada aroos-ka igu yeelayn. Marka kowbaad waxay ahayd. Xaflad aroos oo khaniis tii ugu horaysay ee aan ka qab galo. Marka xigtana waxay ii ahayd hiil, madaama laba qof oo madow is guursanayayn. Run ahaantii malin-ta waxay ahayd in aan shaqeeyo, lakiin xaflada darteed ayaan shaqadaydii uga baaqday. Mid ka mid ah laba wiil ee is guursaday ayaa habeen-kii isaga oo faraxsan aniga iyo wiil kale oo aan isla soconay noo sheegay sida uu ugu farxay markii u kinisada yimid ee u arkay in tobaneeyo dad madow ah ay ka soo qayb galayn. Taas oo qiimo weyn u lahayd. Aniga shakhsi ahaana runtii qiimo weyn ayay ii ahayd in aan xaflada dadka madow ee cadaan badan u hiliyayn aan anaa tago. Dhinaca kale waxay igu beertay rajo ah in qof aad isku wadan tihiin oo aad wax walba wadaagtan ay suuro gal tahay in aad isguursataan. Malaha Somali-du heer-ka uma biisle???. Waligay rajo ima galin ku saabsan in ay suuro gal tahay in aad qof-kaad jeceshahay madal loo dhan yahay isku guursatan, siday maalin-tii ii gashay ee aan u amiinay. Waa hubaal in ay iyagu Sweden ka bilaabayn, lakiin waa balan in ayna ugu danbaynaynJ



Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii