15 Mar 2013

Being Gay Is not just About sex. Khaniis in aad tahay, galmo uun kama dhigna!


In badan oo inaga mid ah, waxan ujeeda guud ahaan khanisiinta, gaar ahaana kuwa somaliyeed, waxay ku kulman barayaasha Internet-ka, sida barayaasha la iska shukaansado, kuwa galmada laga raadsado iyo waliba barayaasha bulshada. Inta badan waxa kulmisa rabitaan galmo, halkaas ayuuna geedi-gooda barasho ka hana qaada. Layaab malaha in aad qof khaniis ah oo aad barayaasha internet-ka aad ka baratay kugu bilaabo su'aalo ay ka mid yihiin, maxad ka hesha? Ma top aad tahay mise bottom? Gus weyn ma qabta mise futo macaan tahay? Iyo qaar kale oo ku taxaluqa galmada. Taaso aad moodo in ay noqotay su'aalo la isla yaqaano oo waydiin teeda labada is baranaysa u kala hor marto. Waa cadahay in maqal-ka jawaabaha su'aalahaasi dad badan ku raxaystaan oo qaarkoodna ay ku siigaystaanba. Hase yeshe dhinaca kale waa su'aalo waydiintoodu dad badan niyad jab iyo qalbi xumo ku beerto, gaar ahaan aniga shakhsi ahaan ii qalbi jabiyan, iyada oo aan ku waayo xiiso aan qofka kula sii hadlo. Su'aal ayaan marka is waydiiyay. Waa yaabe khanisiinta noolashooduba ma galma? Ma ku dhufo ka dhaqaaqba mise waxa jira sabaab kale oo dadkan sidan ka dhigaysa? Waxa marka ii soo baxday in aad khaniis tahay in ayna ka dhigayn in aad noqoto dhilo ama dhilay wasmo uun ku foogagan, hase yeshe ay jirto sabaabo kale oo qofka sidan ka dhiga.
Noolasha uu qof benu adam ah ku noolan karo waa qaybo badan tahay, waxay leedahay, mid bulsho, dhaqan dhaqaale iyo galma-ba. Mararka qaar waxa dheeliya misaan-ka hanaanka noololeed ee qaybaha leh. Tusaale ahaan waxa laga yaaba qof in u shaqo bato iyada oo qoys-ka iyo bulshadaba u cagta ku yeeraynayo. Sabaabtuna waxa weeye cuulayska shaqo iyo niyada uu u hayo wajiib gudashadiisa shaqo in u dareen-ka galmo ku yareeyo iyo kalgacayl-ka bulsho. Sido kale khanisiin badan waxa ku dhacay dheeli misaan-ka noolasha ah. Aqbalaad la'aanta bulshada, takoor-ka dadka kaga imaanaya iyo koobnashaha fursadaha u qofku dareenkiisa galmo ku mujiin karo ayaa waxay qofka ka dhigaysa mid awood weyn saara buuxinta iyo ka fikirka baahida galmo ee haysa. Mudo ka dib hab dhaqan-ka nocaas ah wuxu qofka ka dhigaya mid u dhaqma sida bahal haraadan oo aan galmo mooye wax kale ka fikirin. Xata maraar badan dadku isma waydiiyayn kamana fikiraan hab dhaqaan-ka noocaas ah. Maxa yeelay way qabatimayn. Maryoolayda ayaa waxay ku maahmahda geel laba jir soo wada mar. Aniga qudhaydaba waxa jirtay bari aan galmada ugu waalna maxa ka galay. 2008 waxay ahayd sanad-kii aan si rasmi ah u ogaaday in aan khaniis ahay. Isla markaana soo dhex galay mowjadaha hirdama ee badweynta khanisiinta. Ma xasuusto todobaad anaan galmo samayn sanad-ka. Nasiib wanaag dhamaadkii sanad-ka ayuu aqligu igu soo dagay mar kale. Waxan la kulmay qof-kii ugu horeeyay ee noolashayda aan la date gareeyo. Sidaas ayaanan badweynta uga baxay. Markii u xidhiidhkaygii dhamaadayna, nafta suuqa ciqaab ugamaan dhigin ee waayo aragnimo iyo casharro noolasha aan ka bartay ayaan dhansiiyay. Sharciyo noololeedyo adeg oo aan nafta ku xakamaynayo ayaan seeto uga dhigay. Marka aan qof cusub la kulmo iyada oo ay yar tahayba in aan qof la kulmo, nasiib-ka ah in aan galmo samayno waa 95%, kaas oo aad u yar. 2008 marka loo barbar dhigo Manta noolasha aan ku noolahay aad ayay uga duwan tahay. wax ka yar 8 saac ayaan maalintii nasta. Waxa igu yaraatay la kulanta asxaabta iyo bulshada maxa yeelay, ka badan 16 saac ayaan maalintii mashquul ahay. shukaansi iyo haawona warkeedaba da'aa. Mar sii horaysay ayaan waxan la kulmay oo hasaawe na dhexmaray wiil aad iyo aad u maskax badna oo aad aan ula dhacay. Waxan fasaxii sanadka cusub 2013 ku wada qaadanay magalada Cologne ee dalka Germany. wuxu igu dhahay hadal aad ii taabtay oo wax badana noolasha aan ku noolahay hada ii tusay. Waxan fadhinay meel makhaxi ah oo aan casho ku wada cunaynay. wuu igu dhahay aad iyo aad ayaan kaga helay, inta badan hadalo xigmad leh ayaad ku hadashay oo aad u wanaagsan, macno badana leh. 'LAKIIN MARARKA QAAR WAXAN U BAHANAHAY IN AAD FALSAFADA MEEL ISKA DHIGNO OO AAD WAX KA DUWAN KA HADALNO, SI AAN U QOSOLNO' runtiis waaye, sidaan noolasha u eryanayay, oo aan siyaasad iyo ariimaha bulshada ugu hadlayay ayaan iloobay habka looga hadlo wax kale oo dadka ka qosliya. Marka hada waxan bilaabay in aan gadaal iska xeedxeydo oo aan isku deyo in aan misaan-ka noolasha dheeli tiro.  Marka runtii hadalkaasi aad ayuu ii taabtay oo waxan ogaaday in miisankayga noolashu dheeliyay oo dhinac u batay. Marka macnahaygu akhyaarta aan jeclahay ee aan dhaqan-ka iyo dhaqashada wadaagnow, waa in misaan-ka noolasha la isku dheeli tiro

Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

3 comments:

  1. aniga waxaan jeclahay in futada ka waso naagta aan la raaxaysanayo. waxa kale oon jeclahay in aan dharka is waydaarsano marka aan istiimanayo. aniga dharkeeda aan xirto iyaduna ay dharkayga xirato. Waxaa kaloon jeclahay maku wasaa ama maku naageystaa in ay i dhahdo. khaniis miyaan ahay?

    ReplyDelete
  2. Khaniis-nimadu waxa waaye in qofku uu ka helo, qof ay isku jinsi yihiin, sida wiilku in uu wiil ka helo, ama gabadhu ay gabadh ka hesho. Lakiin haddii uu qofku la seexdo qof aan la sinji ahayn, sida wiil iyo gabadh in ay galmo wada sameeyaan. Marka khaniis laguma tilmaami karo. Xaladaada waxan ku tilmaami kara waxa afka qalaad lagu dhaho fitish, oo macneheegu yahay, in dadku ay leeyihiin waxyaabo kala duwan oo ay ka helaan in ay sameeyaan marka galmada ay tahay. Sida dadka qaar in ay ka helaan in si adeg loola dhaqmo, la garaaco ama la caayo, amaba dhar galmada u gaar ah xidhan. Waxan rajaynaya in aan kaga jawaabay su'aashada

    ReplyDelete
  3. Thank you for your blog. I understood some of it. I'm somali but there are certain words I don't know, understandably, since I know Somali language from my parents and other family. Most of my vocabulary is very safe as a result. This might be a big ask but if you could write this in English or have a glossary at the bottom where you translate, that would be great.
    I'm very great fun for this blog though. I'm a queer Somali who likes mostly women.

    ReplyDelete