12 Apr 2013

Why most of you ask if top or bottom? Maxad dadka su'aasha kor ama hoos u waydiisan?




Intii mudo ahayd, asxaabta waan ka ag dhawa, waxan daris kula ahaa facebook-ga. Marar badan ayaa asxaab fariin ii soo qorta oo waxay ii waydiisa, salaan ka dib amaba ka hor, Are you Top or Bottom. Waxan caadi ah in qof profile name-kiisa ku qorto hebel Top ama Bottom. Amaba aad aragto qof kale oo Walk-kiisa ku qoray sheeko ku bilaabanta, mid top ah ama mid bottom ah ayaa sidaas iyo sidaas yeelay. Hadaba yaabaye. Khaniis-nimadiiba ma waxay ku koobatay Top iyo Bottom kaliya? Mise khalad ayaa laga fahmay noolasha khaniis-nimadaba?

Sidaas marar badan ku cadeeyay, qoraaladaydii hore, khaniis-nimadu maha uun galmo. Waa hab noololeed jacayl xambaarsan. Xayawaan-kuba waa isku taga bila shuruud iyada oo ay kala raxaysanayaan. Waxa benu adam-ka ka duway ayaa wuxu yahay, badiya qofka benu adam-ka ah wuxu ka hela ama jeclaada qof kale, kaas oo xidhiidhkiisa galmana u la wadago. Marka in aad khaniis tahay waxay ka dhigan tahay, waxad jeceshahay qof-ka aad isku jinsiga tihiin, taas oo macneheegu yahay in u qalbigu halkaas kaliya qabto. Waa run in benu adam-ku guud ahaan qofba si u raxaysto, marka ay noqoto galmada, si labada qof mid walba sariirta uga kaco isaga oo mabsuud ah mid walba door ayuu qata. Kama dhigna in midna la liidayo ka kalena libin la hoyanayo. Labadooduba waa raxaysanayaan iyada oo sharaf-ka iyo qiimiga mid walba meeshisa yaalo. Waxan xasuusta wiil-kii ugu horeyay ee aan xidhiidh la sameeyo, wuxu ahaa Soomaali cuqdadaysan, marka ay noqoto hab galmeed-ka. Isaga ka hor aniga qof iima tagin in aan u tago mooye. Waxa uu ii sheegay in u kaliya yahay top oo aan waligii loo tagin, Marka wuxu dhahay hadaynu wax wada samaynayno waa in aynu kala badalana. Aniga oo marka amiinsan in uuna xidhiidh laba qof shaqayn karin hadayna labaduba sariirta isku raali galin. ayaan waxan ogaaladay in aan aqbalo in u ii tago anaa u tago. Sidii ayaan yeelnay. Marka aan anigu sidaas yeelayay waxan sameeyay tanasul weyn oo aan jacayl dartiis u sameeyay. Mudo ka dib ayaa waxan ogaday in u been ii sheegay oo isaga hore loogu tagay. Go'aankaygii kama qoomamayn, maxa yeelay jacayl ayaan u yeelay sidaas. Lakiin niyad jab ayaa igu dhacay oo waxa iga luntay kalsoonidan ku qabay. Maahmah faransis ah ayaa waxay tiraahda 'Qui vole un oeuf vole un boeuf' qofka ukun xada, hadhowna sac ayuu xada. Macnuhu waxa weeye hadaad been manta sheegto, barina wax ka weyn ayaad sheegaysa. Maalinta ayay kalsooni-du iga dhimatay oo aan qofka ka amiin baxay. Beenta u ii sheegay darteed. Lakiin waxan fahmi karay in u runta u haystay in aan ku liidayo. Malaha qof kale yeeli laha sidaas. lakiin aniga runtu walow xanuun badan tahay, waa mid agtayda laga jecel yahay.

Marka waa iga su'aale, Maxa dhaqama qaar galmada qarkeed loogu arka liidnansho, oo mararka qaar ay u noqota mid la iskugu ciqaabo, sida in hablaha la kufsado??? Waa su'aal u noqonaysa fahan-ka umadadeed iyo ilbax-nimada umadi leedahay. Doqon iyo geesi, Wiil iyo Gabadh iyo madax iyo mijoba hooyo ayaa dhashay, doorka gabdheed ee galmo waa mid ah qadasho halka ninkuna siin yahay. Marka in la waso qof benu adam ah qofka ceeb u arka. Waxan weydiinaya ta hooyada uu aabuhu u taga ma xumaanba mise waa taynu ku dhalano waa caadi??? Sido kale khaniis-ka u haysta in u tagida wiil kale ay karti iyo sarayn tahay waxan leeyahay. Madhow haddi anaad lamaane dareen ku siiya u baahnayn, maxad rabadh aad wasto u soo gadan weyday, amaba u siigaysan wayday??? Jawaabtu waa waxad rabta dareen ku raxeeya. Marka waxa weeye qofka aad la raxaysanayso kama dhigna in u ka liito ee waa qof kula mid ah oo isaguna sida kale u raxaysanaya. Marka cid guulaysanaysa iyo cid khasaartay ma jirto meesha.

Ka soo qaad qof ayaad jeceshahay, in ka badan inta aad cid walba jeceshahay. Jacayl-ka noocas ah muxu galmo iyo kala sarayn ama kala hoosayn ka ogyahay??? Waan fahmi kara in aynu soomaali nahay oo wax walba aynu khalad ka fahano. Marka kolay yaabi maayo iyo dad badan Top ama Bottom khalad ka fahansan yihiin. Sida Somali odhanba noolasha khalad uga fahansan tahay. Hadaba akhriste waxan rajaynaya marka aad qoraal-kan akhrido ka dib in ay garasho ku baxno



Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

No comments:

Post a Comment