26 Apr 2013

Gay who are married to a woman!!! Khaniisiin-ta dumarka guursata!!!



Damiir-ka dadka qaar wuxu gaarsiisan yahay in ay noolasha ka qaadan dad kale oo ay dilaan, qaar kale in ay dadka lug'gooyadooda ka shaqeeyan, qaar in ay xaasidiin dadka kale ku noqdan. 
Halka damiir-ka khaniisinta qaarna gaadh siisan yahay in ay qof kale isticmaalan si ay iyagu u farxan. Waxan ujeeda qolyaha khaniisinta ah ee dumarka guursata, iyada oo ujeedaduna tahay in sowr-ka bulshada la tusayo la qaldo. Si u qofkaasi farxad u dareemo ayaa wuxu isticmaalaya haweenay walaashi oo kale ah oo iyadu dacad ah, waxba ka ogayn in ninkan guursaday marka u iyada u tagayo Gus maxkada ku hayo oo u sida ugu tago. 

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa talo igu yimid wiil aan asxaab nahay, kaas oo ay maskaxda kaga mudnayd in u guursado. Wuxu ii sheegay qorshihiisa iyo qofka u rabo in u guursado iyo sabaabta. Waxan ku dhahay ka waran Hablaayo oo walaasha ah oo aad jeceshahay, haddu guursado hebel oo khaniis ah oo aad taqaan. Wuxu dhahay kuma farxayn. Waxan weydiiyay waayo? Wuxu yidhi waxan ogahay in u wax kalena ku hoos wadayo. Waxan ku dhahay Bila Calayk maxad ugu qudhaysa gabadh islaamayd waxanad walaasha u qudhayn??!! Aniga agtayda Dumarku waa wax qadarin iyo sharaf weyn ku leh. Hooyaday oo aan aduun-ka ugu jeclaa ayaa ka dhalatay haween iyo hablaha aan walaalaha nahay oo aan aad ugu hanweynahay. Marka wax anaan iyaga u qudhayn gabadh kale oo sidooda ahna uma quudhayo.

Muhiimadu maha in aad gus leedahay oo aad intaad kacsato haweenay u tagi karto. Muhiimada guur-ku maha wasmo wiil iyo gabadh oo hadhowna caruur dhala. Muhiimadu waa farxad, jacayl iyo amiinad.

Waxan waraystay wakhti aan sii fogayn wiil Somaliyeed oo khaniis ah oo iska da'a in u khaniis yahay sidayda iyo qaar kalo badane, isaga waliba ay u dheer tahay in qofka indhoolaha ah u arkayo in u khaniis yahay. Hooyadi ayaa marka ay aragtay wiil-keeda, waxay u dhistay haweenay somaliyeed oo ilahay u saalim ah. Dee waa guursaday wiil-kii ilmo ayuu ka dhalay. Ilayn af qoyan hadal ma daayo, Aniguna su'aal ma dhaafe waxan weydiiyay wiil-ka, Waxad iga waranta aroos-ka iyo waxad hada dareemayso. Wuxu igu dhahay, Walaahi hada uun baan ugu daranahay oo habeen iyo maalin gus ka fikira. Waxan dhahay, marka aad gabadha u tagayso sideed ugu kacsata, wuxu dhahay waxan maskaxda galiya aniga oo dabada gus igaga jiro. Intaan aad u qoslay ayaa waxan waydiiyay ma ku faraxsan tahay noolasha noocas ah. Wuxu dhahay haba yarate maya. Dee maxa ku galiyay ayaan dhahay, Wuxu yidhi reerka raali galintiisa. Marka waa su'aale reer-ka iyo bulshada raali galisaye adigu goormaad raali noqonaysa?????

Qolyaha aan ugu yeedho 'double moral' ka waa kuwa diinta iyo dhaqan-ka iyo noolasha aadamaha ayna u kala socnayn. ayaa waxay ku doodan Akhiro iyo Ilahay, Deeto anaa waxan ku dhaha, Anigu ma amiinsani in u Ilahay khaniis-nimada igu imtixaanayo oo ka caadiga ahna uu u nimceeyay. Lakiin waxan waydiiya, Qur'aan-ka Allah waxa ku jirta in u Ilahay towbada iyo soo labashada u aqbalo, Lakiin ta u aqbala waa tee??? Waxa qur'aanka ku taala, Towbatul nasuuxa, oo macnaheegu yahay Soo labashada Ilahay loo laabto ee danbigiina dib loogu labanayn. Marka salaada ayaan tukanaya dhinacada kalena howlo aad danbi u aragto ayaan kaga jiraya isma Qabtaan saxiibayaal ee nafta beenta ka daaya. 

Khaniis ayaad tahay, Ilahay ayaa sidaas ku abuuray , maxa yeelay qof fican ayaad tahay, waxba kama qaldana, dadka ma dhacdid mana dishid. Marka  ma Is weydiisay sabaabta adiga oo fican Ilahay khaniis kaga dhigay,oo u Mooriyan naxariis daran oo dadka Ilahay iyo dumarka umusha ah dhibayana u caadi uga dhigay?????? Jawaabtu waxa weeye Ilahay waa caadil, adoomihiisa oodhan jecel. Marka sabab uu adiga sidaas kaga dhiga ma jirto ee sida Carabtu diinta inoogu keentay ayaa khaldan ee diintu ma Qaldana.

Waxad ogaada akhriste in aad noqon karto qof ahlu diin ah, Ilahiisa ku xidhan, adoomihiisa nabad galiya, cawiya oo bulshadiisa qayb ka noqda, Isaga oo khaniis ah. Marka in aad khaniis tahay maha cudur lug'gooyada haween-ka iyo is inkiraad lagu daweeyo ee waa noolol macaan oo qurxoon oo lagu noolado. Ee kalay nala farax oo murugta nafta ka xorow

Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

No comments:

Post a Comment