10 Jan 2017

Blog-gaygii mar kale ayuu hawada ku soo noqonaya 2017

Ka dib Laba sanadood oo amuus ah, waxan mar kale go'aansaday in aan blog-gayga wax ku qoro. Waxa ii dhiiri galiyay markii aan arkay wali in dad badan booqdan boga. booqdayaashaydu waxay gaadhayn 110.082 qof. iyada oo bishi hore oo kaliya 3729 qog booqdayn. Markani wuxu noqon doona mid ka xiiso badan sidii hore. Waxan wax ka qori doona, waayo aragnimadayda shakhsiga ah iyo aqoon guud oo ku saabsan khaniis-nimada, bulshadeena iyo dhaqanka khaniis-nimada iyo khanisiinta. Sidii cadiga ahayd waxan wax ku qori doona, jimcayaasha. Akhris wacan iyo isku soo noqosho wacan. 


Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

19 Dec 2014

Maxad ka taqaana HIV/AIDS???? QAYBTA 3-AAD



Waa qayb kale oo ka mid ah, taaxanaheeni aynu kaga hadlaynay, cudurka diilaaga ah ee Aydhis-ka, HIV/AIDS.

Qaybta 3-aad waxaan kaga hadli doona cudurka iyo khaniis-nimada waxa ka dhaxeeya, khaniisiin-ta madow muxu ugu badan yahay iyo waliba sida ay halistu ugu kala badan tahay qofka loo tagayo iyo ka wax u tagaya (bottom-ka iyo top-ka).


Maadaama horaantii markii uu cudurkani soo baxay, uu ku dhacay khaniisiin badan. Waaxa markaas loogu yeedhi jiray xanuunka khaniisiinta 'Gay Related Immune Deficiency Syndrome' iyada oo la moodayay in uu yahay xanuun kaliya ku dhaca khaniisiinta. Hase yeeshe markii danbe ee cilmi badhisyo badan la sameeyay ee la ogaaday siyaabaha lagu kala qaado, waxa la ogaaday in u cid walba ku dhici karo. Lakiin waxa yaab leh ilaa manta in u cudurku bulshada khaniisiinta aad ugu badan yahay. Waaxa jira sababo badan oo taas keenta, waxa ugu weyn in dadka khaniisiintu ay galmo la wadaagan dadyow kala duwan, taas oo halista qadista cudurka sare u qaadaysa.

Waaxa kale oo jirta cilmi baadhisyo iyo xog badan oo Maraykanka laga uruuriyay, taas oo lagu ogaaday khaniisiin-ta madow ee Maraykan-ka ah ee waliba da'adoodu u dhaxayso 25-49 jir in uu cudurku ku badan yahay, marka loo eego cadaan-ka da'adooda oo kale ah. Taasna waxa lagu micneeyay, dhowr ariimood.

➢ Xaaladaha dhaqan dhaqaale ee dadka madow ee maraykanka oo aad u hoosaysa, taas oo keenaysa in ay dhalin-yarta madow u nuglaadaan, mukhadaraad-ka iyo waliba dhilaysiga.
➢ Iyada oo in badan oo ka mid ah ay yihiin, kuwo waxbarasho ahaan hooseeya, isla markaasna ay hooseyso wacyigooda cudurkan ay ka qaban.
➢ Waaxa kale oo jira aqbal la'aan xaga bulshada madow ah oo ku waajahan khaniis-nimada, taasina waaxay keenaysa in qaar badan oo madowga Maraykanka ah ay ku nool yihiin noolol qarsoodi ah. Maadaama u qofku laba noololood ku wada nool yahay, waxa dhacda in si baahida galmo ee haysa uu u buxiyo, uu cid walba la seexdo, isaga oo aan kondom icticmaalayn. 
➢ Waaxa kale oo badhitaanadaasi tusayn, in ay dhacdo in dadka madow marka ay galmoonayaan ayna is waydiin xaalada cudurka ee midba ka kale, oo qofka madow ka kale ee madow sahal ku amiini karo.
➢ Waxa kale oo jira in la ogaaday in dadkii la waraystay qaarkood ay sheegayn in ay kondom la'aanta ka jecel yihiin kondom-ka. Walow taasi ahayn wax madowga gaar ku ah, oo ay jiraan shakhsiyaad sidaas yeela. Hadana tani waxay tustay in ay halis weyn oo qadista cudurka ah ay tahay.
➢ Waxa kale oo badhitaanadaasi tusayn, in dadka madow ay jecel yihiin in shahwadu gudaha qofka ay wasayaan kaga timaado, sida futada dhexdeeda.

Cilmi baadhisyada lasameeyay ilaa hada ee ku waajahan siyaabaha cudurkan loo kala qaado iyo inta ay halistu leeg tahay waxa lagu ogaaday, in Qofka loo tago ee 'Bottom' ah ay halista qadista cudurkan kaga badan tahay, ka wax u taga ee 'top' ah. Sabaabtuna waxa weeye.
Haddi qof cudurka qaba uu u galmoodo, qof aan qabin galmo bila kondom ah, marka ay shahwadu ka timaado qofka cudurka qaba, ee waliba futada dhexdeeda kaga timaado, shahwaadaasi waxay ku jiraysa mudo futada. Maadaama ay futada dadku aad iyo aad u xidiido badan tahay, oo laga yaabo in dilaac ama nabar si fuduud futada dhexdeeda u gaadho, waxay sahlaysa in shahwadii cudurka xambaarsanayd ay dhiigaaga raacdo, sidaasna aad xanuunka ku qaado. Taas oo halista qofka la wasaayo qadista cudurkan ka dhigaysa 6 jeer ka badan, marka loo eego ka wax wasaaya. Taas macneheegu waaxa weeye, haddi qofka la wasaayo cudurka u qabo in ka wax wasaaya ka qaado way ka halis yar tahay, maaxa yeelay guska sida dabada maaha oo waxba ma kaydiiyo, uu gudubka cudurkuna wuuxu qofka wax wasaaya u gudba marka ay shahwadu ka imaanayso, oo u guskuna waa dib u jiidi karo, iyo waaxa kale oo cudurku ku gudbi kara biyaha ka soo horeeya shahwada. Lakiin kan la wasaayo, haddi uuna xanuunku markaas jidhkiisa u gudbin, waxa laga yaaba, maalmo ka dib in uu u gudbo. maadaama shahwadii fayruska siday ay wali futada ku keedsan tahay. 

Mar walba hadaa lagu wasaayo, ama aad wax wasayso waa muhiim in aad kondom isticmaasho. Xata hadaad kondom istimaashana waa in aad si sax ah u istimaasha, iskuna dayda in ay shahwadu banaanka kaga timaado.

Qaybta ugu danbaysa ee qormadan oo ku saabsan su'aalo qaarkiin ay ii soo dirayn, waxan soo galin doona jimcaha danbe. Haddi ay jirto wax su'aal ah oo madixiina ka guuxayana, inta ka hor ii soo waydiiya.




Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

12 Dec 2014

Maxad ka taqaana HIV/AIDS???? QAYBTA 2-AAD



Waa qayb kale oo ka mid ah, taaxanaheeni aynu kaga hadlaynay, cudurka diilaaga ah ee Aydhis-ka, HIV/AIDA.

Qaybta 2-aad waxaan kaga hadli doona daawo in u leeyahay iyo in kale iyo siyaabaha looga hor tagi karo.

Ilaa iyo hada ma jirto daawo cudurka daawaysa, oo awood u leh in ay cudurka ciribtirto. Hase yeeshe waxa jiro daawoyiinka kala duwan, kuwaas oo la siiyo dadka cudurka qaada, Daawoyiin-kaas waxa lagu magacaaba 'Antiretroviral Therapy'. Waa isku dar daawoyiin kala duwan, kuwaas oo qofka ka caawinaya in uuna fayrusku, cabuuqa cudurku waxyeelayn, unugyada difaaca ee jirka qofka, isla markaasna xakamaynaya in uuna jidhka ku fidin caabuqu. Daawoyiin-kaasi waaxay ka kooban yihiin isku dar daawoyiin kala duwan, kuwaas oo qofku markii u mudo qaataba laga badalo. Maadaama uu cudur sidaha HIV-gu yahay caabuuq aad u dhib badan, markii muudo daawada lagula tacaalaba wuxu la soo baxa waji kale oo cusub, taasina waxay keenta in qofka daawo kale la siiyo si loola dacaalo wajiga cusub. Waxa kale oo jirta daawo isla noocaas ah oo iyana gaar u ah hooyada uurka leh, taas oo ka caawisa in ayna ilmaha caaloosha ku jira u gudbin cudurka. Daawa-du maaha mid qof walba oo xanuunka laga helo isla markaasba la siiyo. Waa daawo go'aan-keeda dhakhtarku gaadho, waaxa qofka loo bilaaba marku caabuuqu gaadho qiyaas gaar ah, taas oo saamaxaysa in daawadu qofka wax ka tarto.
Waaxa jira cilmi baadhisyo badan iyo tijaabooyin daawo oo badan, oo dunida meelo badan ka socda, taas oo dadaal loogu jiro in la helo, daawo cudurka lagu daaweeyo. Waaxa in badan oo Europe iyo North America jogta ay maraar badan arkaan, iyada oo lacag qadhaan ah loo uruurinayo baadhitaanada noocaas ah. Taas oo lagu maal galiyo cilmi baadhisyada cudurkan daawo loogu raadinayo. Marka aad ayay uu muhiim tahay in aad wax ku dartaan oo aad ka qayb qaadataan, xata 1$ ha ahaate yabooh-yada nocaas ah.

Maadaama uuna cudurku lahayn daawo si buuxda u daawaynaysa qofka, maxaa looga hor tagi kaara ayaa dad badan is waydiinayaan?? Maaxa la gudboon qofka caafimaad-ka qaba, iyo ka isaguna cudurka qaaday???


➢ In laga fogaado galmada siilka, afka, dabada waa si uga wanaagsan ee cudura-da galmada lagu kala qaado ee loo soo gaabiyo 'STD' looga hor tagayo. 
➢ in la yareeyo dadka lala galmoodo, oo lagu koobnaado hal lamaane. 
➢ Komdomka caagga ah, marka sidii loogu talagalay iyo sida saxda ah loo isticmaalo, waxa uu yarayn karaa halista in HIV la 
qaado, fayruska AIDS sababa. Halkan ka taabo sida kondomka loo isticmaalo. 
➢ Komdomka caaga markasta la isticmaalo marka galmada siilka ama dabada la samaynayo. 
➢ Kondomka caagga guska lagu xirto u isticmaal galmada afka. 
➢ In la xadeeyo ama layska ilaaliyo isticmaalka daroogada iyo qamriga, Maaxa yeelay maraar badan marka u qofku maskaxiyan foyoobayn, waxa la ogaaday in uu dhayalsado isticmaalka kondom-ka taas oo qofka halis weyn u soo jiidi karta 
➢ In laga fogaado in la wadaago cirbadaha daroogada, iyo waxyaaba dhiiga qof kale taabtay ee hadana kaaga taabanaya.
➢ In laga fogaado in la wadaago cirbadaha laysku rinjiyeeyo 'tatto' ama 
laysku duro oo la wada isticmaalo.

Waxyaaba kale ee iyaguna sahlaya in laga hortago cudurkan waxa ka mid ah.

In qofku baadhitaan jogta ah oo ugu yaraan 6-bilood ba mar ah uu isku sameeyo, manta dunida waxa jira, baadhitaan-ka cudurkan oo jawaab dhakhso ah aad helayso 20 daqiiqo gudahood.
➢ Waa muhiim in anaad amiinin qofnaba, maadaama aan cudurkan muuq iyo hadal-ka qofku ku sheego anaad ku garan karin, waxa muhiim ah in aad kondom isticmaasho mar walba iyo meel walba.
➢ Waa muhiim in xata haddi aad kondom ku samaynayso aad qofka waydiiso xalaadiisa caafimad ee cudurkan, taadana aad la wadaagto.
➢ Waaxa iyana aad u muhiim ah in qof-ka qaba cudurku uu u sheego xaladiisa iyo heerkiisa cudurkan, qof-ka kale ee uu la galmoonaayo iyo kuwa cirbadaha u la wadaago haddii caabuqa HIV aad qabtid. Sido kale waa muhiim in daacad nimada noocas ah qofka la yimaada aan lagu takoorin, maadaama u cudurku yahay wax qof walba ku dhici kara, waa muhiim in dadka qaba la aqbalo oo si naxariisi ku jirto loo daryeelo.

*Masuuliyada ugu weyni waxay saaran tahay, qofka caafimad-ka qaba in u caafimaadkiisa ilaaliyo oo qofna u amiinin.
*Haaday dhacdo in aad samaayso galmo anaad kondom isticmaalin, ay jirtana cabsi ku waajahan in aad cudurka qaado. waaxa jirta daawo loo soo gaabiyo PEP 'POST-EXPOSURE PROPHYLAXIS' taas oo ay tahay in aad bilowdo 72 sacadood ee ugu horeeya, ka dib markii aad samaysay galmo aan ilaashanayn oo anaad kondom icticmaalin, isla markaana aad cudurka ka cabsi qabto. Daawada waaxa la qaata 28 maalmood, waaxa laga bixiya xaaruumaha cudurkan lagu baadho. Taas macneheegu maaha in 100% aad ka badbaadayso qaadista cudurka haddi u qabay qofkii aad la galmootay, lakiin waa laga yaaba in ay ka hor jogsato qaadida cudurka. Inta badana daawada waxa la siiya, dadka la kufsado ee lagu qasbo galmo ayna raabin, halista qaadista qofkaasi ay weyn tahay.


Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

5 Dec 2014

Maxad ka taqaana HIV/AIDS???? QAYBTA 1-AAD



Waxa maalintii Isniinta ee 1-da bishan Diisamber aduunka laga xusay maalinta calamiga ah ee Aydhiska 'AIDS'.  Maadaama ay khaniisiintu ku jirto qaybaha bulshada kuwa ay aad u saamayso ku dhicista cudurku. Waxaan go'aansaday in aan 4-ta jimce ee bishan aan ka hadlo halista cudurkani leeyahay. 
Qaybtan 1-aad waxaan kaga hadli doona si koban taariikh-da cudurkan, macnihiisa, siyaabaha lagu kala qaado iyo waxyaabaha lagu garan karo marka u qofku qaado.
Qaybta 2-aad waxaan kaga hadli doona dawo in u leeyahay iyo in kale iyo siyaabaha looga hor tagi karo.
Qaybta 3-aad waxaan kaga hadli doona cudurka iyo khaniis-nimada waxa ka dhaxeeya, khaniisiin-ta madow waxay ugu badan yihiin dadka cudurkan qaada iyo waliba sida ay halistu ugu kala badan tahay qofka loo tagayo iyo ka wax u tagaya (bottom-ka iyo top-ka).
qaybta 4-aad ee qormadan waxaan kaga jawaabi doona su'aalaha qaarkiin ay iga soo waydiiyaan mowduucan. Waxa iga xasuusin mudan in aan su'aalihiina u bandhigii doono Dhakhtar caafimad oo si cilmiyaysan uga jawaabi doona. Marka fadlan wixi su'aalo ah ee aad qabtaan igu soo dira cinwaanka hoos ku qoran.

Qaybta 1-aad

Waxa la nool curiyaha cudurka ee HIV ama cudurka laftiisa AIDS -ka dad ka badan 35 milyan oo qof, 70% ka mid ah dadka qaba waxay ku noolyihiin qaarada Afrika, wadamada saxaaraha ka hooseeya oo ay Soomaaliya ka mid tahay. Kaliya 2013 waxa lagu qiiyaasay dadka ka badan 2 milyan in ay qaadeen fayraska caabuqa HIV oo ah cudur dhaliyaha AIDS-ka. Iyada oo 1.5 milyan oo qofood u dhinteen isla sanadkaas (2013). Guud ahaan Waxa u geeriyooday cudurka AIDS ka in ka badan 39 milyan oo qof ilaa intii u cudurkani soo shaac baxay sanadkii 1981-kii.

Hadaba akhriste maxaad ka taqaana HIV/AIDS

HIV waxay u tagan tahay  'Human Immunodeficiency Virus' oo macneheegu yahay Caabuqa 'fayraska' burburiya ama baabiiya unugyada daafaca ee jidhka dadka. Macnuhu waxa weeye Marka u qofku qaado HIV, in u waxyeelayo unugayada difaaca qofka, kuwaas oo inaga celiya in ay xanuuno inagu dhacan, marka u ku fiido jidhka qofka ayaa wuxu keenaya in u ka awood badiyo unugyadii difaaca ee qofka, marka uu qofku u gudbo AIDS -kana wuxu  qofku u nuglanaya xanuunada kale, sida duriga, dhaxanta iyo cabuuqyo kale oo badan. AIDS waxa loo soo gaabiyay 'Acquired Immunodeficiency Syndrome' Marka u qofku xaaladan soo gaadho, macneheegu waxa weeye, in unugyadii difaaca jidhku ay howshoodii gabayn, ka dibna waxa markaas qofka u xiga silsilado is daba socda oo xanuuno kala duwan iyo diciif-nimo ah, taas oo adeg ka dhigta in lala tacaalo ama la daweeyo qofka. Waxanay u badan tahay in qofku u dhinto marka u marxalada AIDS -ka u gudbo. Kama dhigna in qof walba oo HIV qaba ama u ku dhaca uu u gudbo AIDS, taas oo macnaheegu yahay, haddi u qofku xili hore ogaado xalaadiisa cudur sidaha HIV -ga oo u dawo helo, in u uu noolan karo sida qofka cadiga ah ee ka fayow xanuunka oo kale. 

Sideeba lagu kala qaada xanuun sidaha HIV

Waxa la iskugu gudbiya cudur sidaha HIV siyabahan hoos ku xusan.

➢ Galmada dabada wiil ama gabadh. 
➢ Galmada Siilka 
➢ Wadaagista cirbadaha, sida daroogada laysku duro.
➢ Dhiiga la isku shubo ama xubnaha jidhka ee qof lagu beero.
➢ Hooyada cudurka qabta oo ilmaha caloosha ku jira u gudbisa

Waxyaabaha kale ee la isku qaadsiin karo waxa ka mid ah.

➢ Galmada afka, haddi qofka cudurka qaba afkiisu nabaro dhiigaya leeyihiin.
➢ Haddi jidha qofka cudurka qaba oo nabar dhiigaya ama dheecan ka socdo taabto, qofka kale ee aan qabin oo isna leh nabar dhiigaya ama dheecan ka socdo.

Waxyaabaha aan lagu kala qaadin waxa ka mid ah.

➢ Hawada ama biyaha oo la wadaago.
➢ Qaniinyada kaneexada ama xasharaadka yar yar ee dadka qaniina.
➢ Candhuufta, dhidiidka ama ilmada.
➢ Salaanya, hab isa siinta iyo jidhtabashada
➢ Musqul wada wadaagida ama googosha.


Astaamaha uu qofku ku garan karo in u qaaday HIV???

➢ Jirro shabbahda durayga 
➢ Qanjirrada jirka oo barara 
➢ Marka dambe (sanado ka dib qaadida cudurka): 
➢ Qandho ba’an ee joogto ah 
➢ Habeenka oo la dhidhido 
➢ Shuban muddo dheer jiraya 
➢ Hoos u dhac culayska qofka ee aan la garan Karin waxa keenay 
➢ Buro kuusan ee maqaarka ama gudaha afka iyo sanka ka 
soo baxda 
➢ Daal itaal darro badan 
➢ Qanjirrada oo barara 
➢ Cabuuqa xibanaha neefsashada oo soo noq noqonaya 

Muhiim maaha in qof kasta oo astamaha isku arka uu qaaday cudur-ka, sido kalena maaha astaamo lagu arko qof walba oo qaaday cudurka. Hase yeeshe waa qaar ka mid ah astamaha lagu garan karo, marka u qofku iska shakiyo ee laga yaabo in u sameeyay galmo aan ilaashanayn.

Akhriste la soco qaybtan qaybta xigta oo aan dabiici doono jimcaha danbe ee bishu tahay 12/12-2014

Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

28 Nov 2014

Khaniis-nimadu nin iyo naag ma leedahay????



Waxan baxay habeen dhaweed oo aan banaanka aaday, aniga oo aan in mudo ah bixin. Waxa ila jogay wiil aan asxaab nahay oo iga soo booqday Paris, France, ka dibna waxan ku qasbanaday in aan klub aan u raaco. Stockholm oo aan banaan klub u aado waxa igu danbaysay 2 sanno ka hor. Run ahaantii waxanu ku baxnay asxaab badan oo 5 ka mid ah Somali ahaayayn. Klub-kan aadnay waxan ku arkay 2 cunug oo yar yar oo somaali ah. runtii waxay u eekayayn dad furfuran oo inta ay noo yimaadayn ayay iskaayo barayn. Markii in mudo ah la yiraayay ayaa labada cunug midkood intu ii imaaday dhahay is furfur, maxad kaliga la ciyaaraysa? Hadana wuxu intaa sii raaciyay, mise waxad ka baqaysa qofta kula socoto, Aniga oo aad moodo in uuna hadalku ii soo gaadhin, ayaa waxan dhahay, maxad tiri? Markaasu wiilkii yidhi ma gabadha kula socota ayaad ka baqaysa caadi iska dhig. Aniga oo aad hadana moodo in anaan hadalku si fican ii soo wada gaadhin ayaan dhahay, gabadhe??? talow ma musik-ga baxayay ayaanan hadalka u wada helin, ma is diidsin ayay iga ahayd, mise hadalkaan hubinayay? Waxan filaya in ay iga ahayd tan danbe. Wiilkii oo dhiiranaan iyo isku kalsooni ka muqato ayaa igu jaawabay, qofta nooh, waxan ujeeda qofta afrikaan-ta ah ee kula socota!!!! Aniga oo aad moodo in aan hadalka ka booday, hadana si fican u fahmay qofka u gabadh ugu yeedhayo qofka u yahay, ayaa waxan dhahay, Mandhow ma wiil ayaad gabadh ku tilmaamaysa?? Wiilkii oo aad moodo in uuna hadalkayga misaankiisu gaadhin oo aan shidaba qabin ayaa wuxu igu jawaabay: Noocan gabadh ayaan ugu waca nooh, markaasa waxa la ii sii raaciyay, Sheeko bilowgeed dheh!! Yaabay oo hadana amakaagay, qandhuuftan dib u liqay, aniga oo aad mooda in aan si u yara boodsanahay, hase yeeshe dhoola cadayn been ah tusaya ayaa waxan dhahay. In hadal gaba gabadiis tahay ayaan rajaynaya!!!

Fikirka cunuga yar ee somaaliyeed wuxu tusaale u yahay, habka in badan oo inaga mid ah ay u fikiraan. Habeen ayaa aniga oo sido kale Somaali la joga London maqlay wiil sxb-kiis ku leh, adigu nin ayaad tahay!! Waan yaabay. Talow ma cid ayaa raggo-nimadiisa muran galisay? waa maxay nin ayaad tahay ayaan hoosta iska waydiiyay :-(

Anigu shakhsiyan dareen ima qabto nin u fikiraya sida in uu gabadh yahay oo kale, waloow aan ixtiraam weyn u hayo inta inaga mid ah ee sidaas u nool, sido kale dareen ima qabto ragga jecel in u nin sidiisa ah uu gabadh u arko, waliba kuwaas ixtiraam uma hayo. Talow waa maxay sabaabtu???

Waxan aad ixtiraam weyn ugu haya kala duwanaanshaha aragtida, dookha iyo noolasha ee aynu ku kala duwan nahay. Hase yeeshe waxa maraar badan ii cuntami weyda hab fikirka qaar badan oo inaga mid ah u fikiraan. Wiil iyo Gabadh, nin iyo naag in khaniisiinta loo kla saaro. Anigu hadaan gabadh rabo waxan raadsan laha gabadh ee wiil naag kama dhigtayn. Wiil waxan ka dhigan laha wiil. Ta kale qolyaha amiinsan in ay iyagu rag yihiin waxan leeyahay. Ma qaar fool xun ayaad tihiin oo dumarku diidayn oo sidaas ayaad wiilal qatan oo suuq la'aan hayso aad naago uga dhigatayn??? Mise waxad amiinsan tihiin in kuwa aad nagaysatayn ay idinka liitan oo ayna u qalmin in rag loogu yeedho??? Waa su'aal aan rabo in aad is waydiisan. Waxan kaloon raba in aan su'aal waydiiyo qolyaha la naagaystay: Ma waxad tihiin qaar ayaan daran oo kii u yimaadaba liido oo aan waxba ahay??? Mise damiirkii duli-nimada diidayay ayaa idin dhinto wixi la idiinku yeedhaba waad aqbashaan???? Waxan raba in aad labadiina qoloba su'aalaha aad iskaga jawaabtan.

Waxa igu kalifay in aan wax ka yiraahdo mowduucan, waxan caawa facebook-ga ku arkay wiil leh waxan u hambalyaynaya aroosada iyo arooska oo uu ula jeeday laba wiil. Waa yaabe ma sidaas ayaa loo qiimo dhacay?????

Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

5 Sept 2014

TOP IYO BOTTOM KEEBA KHANIIS AH????



Marka aan noolasha tilmaamaayo, waxan ku sifeeya socdaal ama safar, kaas oo qofku malinba boosteejo ama istaan u soo gaadho, kaas oo noolashiisa wax ku biiriya ama ka reeba.
Qof-ka benu adam-ka ah maalinba meel ayuu joga, aragtiduna waa is badbedel badan tahay, iyadana jaan goysa hadba sida aad u dhaqmayso maalinta. Maxa dhacda wax aad mar noolashada ceeb u arki jirtay, in aan manta caado ka dhigato?, amabase wax caado ku ahaa in u manta ceeb kula yahay?? Waa shaki la'aan in aad tahay isla qofkii shalay. Kaliya waxa is bedelay sida aad manta wax u aragto.


Waxa jirtay wakhti, wakhtiyada ka mid ah in aan khaniis-ka u arkayay kaliya ka bottom-ka ah ama la waso. Waxa jirtay in aan anigu shakhsi ahaan isku arkayay qof ka qiimo badan kan kale ee u wax la samaynayo. Waxan amiinsana madaama aan aniga la ii wasayn, gus jaqayn oo anaan dabada la iga leefayn in aan wali nin rag ah ahay. In aan maalin maalmaha ka mid ah guursan doono, ka dibna waxan ka bixi doono. Waxan u arkay khaniis-nimada kaliya kan bottom-ka ah ama la waso. Waxan amiinsana in u qiimo ahaan iga liito, wuxuna ila qiimo ahaa qof noolashay ka dhacay oo kale.


Waxan shaki ku jiriin in badan oo idinka mid ah in ay dareenka noocaas ah ila wadagaan ama ugu yaraan ay u soo jogayn qof sidaas u dhakhmaya ama u fikiraya. Waxan shaki ku jiriin in ay buuxan wiilal wali sidaas u fikira, naftooda ugu yeedha bisexual, walow qaar badan oo ka mid ah ayna arkin sida u siil-ka dumarku u eeg yahay. Kaliya is ka weynaynsiinta khaniis-nimada darteed ay magacyo iyo sifooyiin ayna lahayn u xambaartaan.


Waxan habeen, habeen-nada ka mid ah aaday banaan-ka, club-kii aan u soconay ayaan waxan kula kulmay, dhalinyaro Somaliyeed oo iyaguna club-ka khanisiinta galaysay. Lamaane isla socday oo Somaali ahaa oo runtii aad u sakhraansana ayaa intii aan safka ku jirnay bilaabay in ay qayqaliyaan. Mid ka mid ah ayaa wuxu maqlay mid kale oo magac nageed ugu yeedhaya mid kale. Markaasa wuxu dhahay, ma aniga ayuu magaca igu yeedhaya, kii lamaanihiisa ahaa ayaa wuxu dhahay, maya adiga maaha, Adigu nin-baad tahay. Gadaal intaan u jeedsaday ayaan qofkii sidaas laha fiirshay. Waxan is waydiiyay. Nin aa??? yaa naag ah markaas? labadooduba wiilaal ayay ahaayayn, lakiin waxan u fahmay in mid doorka nageed ciyaaro oo u isku haysto gabadh, kan kalena nin!!! Waa yaabe maxa nin-nimada iyo khaniis-nimada iska galay????


Taasi waxay ahayd hal tusaale, waxan shaki ku jiriin in aad u soo wada joogtay dhacdo amaba hal dhacdo ka badan oo xambaarsan aragti noocaas ah. Xata waxa dhacda maraarka qaar in aad aragto wiil, ku odhanaya top bisexual ah ayaan ahay, oo aan gus jaqin lakiin futo leefa! Haddiba u futo leefayo, maxa diidaya in u gusna jaqo? run ahaantiina xaga nadafad ahaan guska ayaa ka nadiifsan futada. Lakiin madaama u top bi ama str8 ah yahay oo uu ragga u waso nago la'aan darteed. waxaas ma sameeyo!!! Yaab!!!


Marka aynu khiyaaliga iskala tagno ee aynu nafta runta u sheegno, oo aynu riyada ka baxno. Qof str8 ah ama dumarka uun jecel wax walba oo dhaca nin lama seexdo. Waxan maalin maalmaha ka mid ah tagay Sauna 'Sauna intiina aan aqoon-ta u lahayn, waa meel kulayliye dadka dhidiid ka keena leh, oo galmada loo raadsado wadama galbeed-ka' bisexual ah oo ku taala Magaalada Paris, waxa imaada rag iyo dumarba, nin walba wuxu ka helo ayuu la seexda. Waxan kula kulmay wiil madow oo quruxlow ahaa, wuxu ii sheegay in u ahaa str8, waayahay ayaan dhahay, lakiin xiiso wali waan u sii hayay, Mudo ka dib ayaan bar ay meeshu lahayd oo u fadhiyay ayaan soo ag fadhiistay, Waxa la sheekaysanayay nin ay naag la socotay. Wuxu dhahay waxan raba in aad aniga iyo naagtaydaba na wasto, maxa yeelay bisexual ayaan ahay. Wuxu dhahay waan ka xumahay, anigu str8 ayaan ahay. Wuxu nin-kii u soo gadhay, 500€ Euro ayaan ku siinaya, hadaan kaliya gus-kaaga jaqo. Wuxu dhahay xata hadaad 5000€ Euro dhahdo maya. Qofka str8 ah waa kaas oo kale. Marka inamadeena jaho wareerku ku dhacay, ee str8 wiilasha wasa uun isku haysta waxan leeyahay riyada ka baxa oo nafta run u sheega. Ragonimada iyo habka aad u seexato waxba iskama galin, ragganimadu waa hab muqaleed ee maaha hab galmeed.



Muhiim maaha in aad gay ama khaniis noqoto madaama aad wiil la seexato, waxad noqon karta bisexual labadaba ka hela. Lakiin hadaad mid uun tijaabisay oo anaad ka kale waliga arkin sideed bisexual ku tahay??? Ma jiraan dad dumarka uun la seexda oo waligii wiil la seexan oo bisexual ku dhahaya??? Waayo waligii dareen uma galin. Marka in aad nafta runta kula noolata waa muhiim.


Inamada khanisiinta ah ee ay dhacdo maraar badan sharafkooda iyo qiimahooga in ay waydaarsadaan galmo yar oo riqiis ah oo hadhow lagu caayo, Waxan leeyahay dareenka khaniis-nimada waa lagu dhasha, ee galmada in lagu waso ama aad wax aad wasto waad baratay oo ka dibna midkood jeclaatay. Sido kale ayaad wiil-ka aad rabto u bari karta in gus la jaqo, isaga dabada laga leefo ka dibna la waso. Maxa yeelay qofku haddu ku rabo oo uu u arko in aad isku qiimi tihiin, adna sidaad rabto waa ku samaynaya. MARKA NAFTAADA QIIMO JABAN IYO SHARAF DHAC HA KU IIBSAN!!!!!


Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

22 Aug 2014

Haddii lagu waso ma guul dara? hadaad wax wastana ma guul ba???

Waxan dhawaan dib ugu soo noqday noolashii kali-nimada. Sida caado u ah qof khaniis ah oo kali ah, waxan dib u bilaabay hasaawihii iyo habeen ku dhaafkii. Waxan mar aan sii dhaweyn Internetka kula kulmay wiil ka soo jeeda bariga dhexe, waxanu kala qadanay geed fariimaha gaban la iskugu diro oo 'KIK' la dhaho. Waxanu is weydaarsanay fariimo gaagaban oo galmo xambaarsana. Wuxu ii weydiiyay waxan jecelahay iyo sidaan u seexdo, waxan dhahay, waxan ahay labadaba lakiin waxan u badanahay halka kore. Su'aal la mid ah tii u ii waydiiyay ayaan anaa dib u weydiiyay. Wuxu igu dhahay waxan ahay kaliya kor. Ka dibna waynu is maqli doona iyo waynu kulmi doona ayaan is dhahnay. Isla habeenkii, xili danbe ku dhawaad 1 habeenimo, sakhbadka ka dib ayuu fariin gaban ii soo qoray, wuxu dhahay ma soo jeeda. Haa ayaan ugu jawaabay. Ka dibna guriga ayuu igu yimid. Waa xili danbe oo war ma jire wixi aan u kulanay ayaan gudo galnay. Mudo hadaan is xamxaminaynay ayaa hoos la iskugu daadagay. Howlina waxay ku idlaatay wiilkii igu dhahay kor kaliya ayaan ahay oo hooseeyay ama noqday ka qadanayay.

Maaha markii kowbaad, labaad ama seddexaad ee aan la kulmo waayo aragnimo nocaas ah. Inta badan wiilasha aan dhaqankaa nocaas ah ku arkay waxay ka siman yihiin , in ay madow yihiin, Carab yihiin, bariga dhexe ka imaadayn ama muslimiin yihiin. Waxan maraar badan is waydiiyay waa maxay sabaabta qofka u ceeb ugu arkaayo hab galmeedkiisa? hadaad hoosayso ma guul dara? hadaad sarayso se ma guul ba???

Inta badan bulshoyiinka calam-ku waxay u badan yihiin, bulshoyiin u afduuban awooda ragga oo dumarka la cadaadiyo. Xata bulshoyiinka furfuran, sida wadamada galbeed-ka dumarku ma laha sinaansho buuxa oo ay ragga la siman yihiin. Marka dib u milicsato taariikh-da cadaadiska iyo is ceebayn-ta ku dhisan. Galamada waxa loo isticmaala is cadaadinta iyo hoos u dhiga dumarka ama bulsho la rabo in la yaso. Somali-du waxay ka mid tahay bulshoyiinka danbeeya ee galmada u isticmaala cadaadiska iyo meel kaga dhaca haween-ka gaar ahaan, Marka la rabo in qolo gaar ah ceeb la huwiyo waxa la kubsadaa dumarkooda iyada oo la rabo in lagu ceebeeyo qolada. Waxan shaki ku jiriin in qof walba uu u soo joogay si uun, meel haweenay kubsi loo gaystay ay waliba takoor bulsho iyo ceebayn ay ku mudatay. Hadaba aan u soo laabto dulucda qoraalkayga ee. Madaama aynu ka imanay bulsho sideedaba galmada ceebaal ay ka tahay iyo wax dumarka ku koban iyo waliba tacadi, ayaa waxay inagu keenaysa in aynu u aragno galmada ama wasmada, sida ciqaabta oo kale. Marar badan ayaad maqli jirtay walina maqasha, qof qof kale caayaaya oo leh, waan ku wasi, waan ku nagaysan iyo wax la mid ah oo galmo xambaarsan.


Marka loo yimaado khaniis-nimada, iyana waaba sheeko kale. Waxaynu aad u maqalna is barbardhiga dumarka iyo khaniisiinta, iyo xaqiirada isku midka ah ee la wada huwiyo. Markaad is waydiiso waxa ka dheexeeya ee ay ku mutaystayn in la wada xaqiro, waxa weeye galmada khaniisiinta oo la barbar dhigo ta haween-ka. Iyada oo la leeyahay labadoodaba waa loo galmooda ama la wada wasa.... Waa yaabe maxa ku jaban oo aan raaxo ahayn qof loo galmoodo ama la waaso??? Maskaxda saliimka ah ee fikiraysa waxay ku jawaabaysa, galmo sideedaba waa tiro dhiman oo is buuxisa, ka bixinaya ama galmoonaya ayaa buuxiya kan qaadanaya ama loo galmoonayo. Marka waa cadahay in aan midna kaligii ma raxaystayn.


Sidaan maraar badan ku celceliyo wax macno ah ma samayso, sidaad u seexato, ha lagu waso, ama wax was. Waxa qeexaya in aad khaniis tahay ama anaad ahayn, maaha in lagu waso ama aad wax wasto ee waxa qeexaya waa cida aad soo jiidasho u leedahay wiil ama gabadh, amaba labadaba. Marka horta waa muhiim in aad u fikirto sidaas. Waxa kaloo muhiim ah in aad ogaado in ay galmadu sideedaba tahay tiro kinsi ah 'tiro dhiman' oo dhamowda marka labada qof ee isku tagaya ama is wasaya ay isku tagaan ayay dhaban noqota. Marka galmadu sideedba waxay ku dhamaata guul dhinac walba ah, maxa yeelay laba qofba way raxaysatayn.


Ugu danbayntii aan yidhaahdo. Kalsoonida naftu waa muhiim. Si walba oo aad u seexato iyo wax walba oo aad jeceshahay marka ay galmada noqoto, Waxay ku kooban yihiin daqiiqadaha yar ee aad raxaysanayso. Marka kolayba waxad jeceshay ayaad jeceshahay, in aad marka hore dookhaaga sheegto oo anaad adna hungoobin qofka kalena hungoobin waa muhiim, waana sida ugu haboon ee labadiinuba aad si wacan ugu raxaysan kartaan. Sowr been ah oo aad iska bixiso, u malayn maayo in ay qof kale ka dhigayso. Marka moogane caadi iska dhig oo ha isku mashquulin

Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir: