22 Mar 2013

Their next victim may be YOU!!! Mar xigtana waa midkeen uun


Kolay geeri lama huraayo, Godkuna waa ina sugayaa, Goobta maanta ay timid, Ayaa noqotey kala guure, Garab ayaa banaanaado, Geesiba baxaye, Tacsi baan gudbinayaa, Dhamaan gudaha khanisiin, Rabbi ku gargaayo, Janada eebe ku garaye, Naxariista guud iyo ta gaar, Eebe ku gogolye, Asaxaabtii gebigood, Qalbigu waa gubanayaaye, Gocoshada Xasuustana, Waxaan hadal ku soo gooyey, Gidigeen ILAAHAY janada ha ina wadageeyo”.
Gabay baroordiiq u ah Mohamed Ali Baashi



Todobaad-ka manta dhamaanaya oo dhan waxa uur ku taanyo iyo calool xumo igu hayay diil-kii naxariis darada ahaa ee lagula kacay Mohamed Ali Baashi. Isniintii ilaa Manta oo jimce ah waxan la xidhiidhay hay'ado badan oo u dooda xuquuqda aadama sida Human Rights Watch, amnesty international, US state department, human rights section, EU human rights commissioner, RFSL oo ah kuwa xuquuqda Gay-ga Sweden u dooda iyo Magazin-ka Gay-ga ee Sweden ugu weyn oo isaguna maqaal-ka wiil-ka ku saabsan dabacay. Waxan ku guulaystay in aan ka dhaadhiciyo in ay maqaal-ka daabacan, in kasta oo ay ka maagayn markii hore, oo ay dhahayn ma dabici karno war anaan hubin. Khamiistii ayaa waxa New York iga soo wacday, gabadh tiri waxan akhriyay e-mail-kii aad ii soo qortay ee wiil-ka ku saabsana, waxay ii sheegtay in ay la xidhiidhay uruur xuquuqda adaamaha oo Somalia joga oo u xaqiijiyay, lakiin si aan statement rasmi ah uga soo saarno waxan u baahanahay ugu yaraan in aan wiil-ka dhibanaha ah qoyskiisa la hadalno. Anaa waxan u sheegay in aan war rasmi ah kula soo laaban doono.
Kun talaabo, waxay ka bilaabmayn hal talaabo. Manta Allah ha u naxariiste Mohamed ayay qaaday, bari adigu xigi doonte ayaa og??? Hadaynaan manta ka dhiidhiyin, ma bari oo ay ka adkaan karto ayaad ka dhiidhiyi doonta??? Damiir-kii naxayay ee benu adam-nimo mee??? Aniga qof aan ahayba dhacdadani waxay ii murug galisay in anaan walaahi uga murgin walaal-kay hooyaday dhashay oo dhintay, oo la dilay, dilkiisi:-( Sabaabtu waxa weeye, Walaal-kay mid isaga shakhsi ahaan loo beegsaday ayay ahayd, lakiin tan Mohamed Ali Baashi loo dilay waa mid inaga odhan inoo wada taala. Waxa nasiib daro ah baaxada aynu leenahay, waa hadaynu nahay khanisiin-ta Somali-yeed iyo sida aynaan u lahayn hal uruur oo rasmi ah oo magaceena ku hadla, oo codkeena aduun-ka maqashiiya. Uganda oo wadan afrikan ah oo Diimaha Christan-ka iyo Muslim-kuba ka jiran, oo faro ba'an lagu hayo dadka khanisiinta ah, hadana waxa jira dad khanisiin ah oo gudaha Uganda xaqooga uga dhex dagaalamaya. Qaar ayaaba loo dilay. Aduun-ka ayuu warkoodu gaadhay oo culays badan ayay aduunyadu Uganda saartay si dadka khanisiinta ah culayska looga dabciyo. Ma kuwaas ayaynu ka liidana???? Mise Somali ayaynu naho gurigeen iyo garaad-keenba waa ba'ay??? 

Horaan-tii Sanadka ayaan waxan baaq u soo jeediyay bulshadeena aan kaga codsanayay tageero in loo fidiyo website-kii kaliya ee aynu lahayn oo dhaqaale xumo u shaqayn waayay. Cidna dhagay jalaq umay siin oo waxa laga soo qaday in aan dad kale la hadlaayo. Dhalin yaro aan ka mid ahay ayaa isku tagtay oo mahadi ha ka gaadhe bixisay lacag ka badan kun gini oo lacagta UK ah. Mardhow ayaa website-kii oo la casriyeeyay la soo celinaya. Dad badan fa'iido ayuu u noqon doona. 
Waa fahmi kara in ay jirto xalado qof walba ku gadaaman, qof walbana in u hal-ganka galo muhiim maha. Lakiin waa wajiib in u tageero. Umad walba hormood ayay leedahay, kuwaas ayayna inta kale daba joogsata. Marka manta ma baadbaadina, wiilal iyo gabdho kale oo Mohamed Ali Baashi oo kale ah, oo ma ku balana in aynu istageerno, isku duubnaano oo aynu xaqeena u dagaalano????? WAXAN RAJAYNAYA IN AY JAWAABTIINU HAA NOQON DOONTO. Anigu kolayba diyaar ayaan ahay, waliba in aan safka hore galo. 


Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

3 comments:

  1. mashALLAH walaal aad baan kaaga mahad celinayaa howsha culus ee aad haysid ana waxaan karo waan bixinayaa maal iyo waqtiba mahadsanid walaalo :)

    ReplyDelete
  2. Mahadsanid sxb Saafi. Waan ku faraxsanahay in ay jiraan dad badan oo aad ka mid tahay oo kaliya u bahan in lala howl galo

    ReplyDelete
  3. Aamiin baroordiiqa gabaygaada!
    Waa dil ka soo horjeeda Qur’aanka, maxaa yeelay, marka hore Qur’aanku ma ka soo horjeedo Isujinsigalmoodka (galmada isujinsiga ah ama khaniisnimada), laakiin waxa Qur’aanku ka soo horjeedaa waa galmo (ha naqodto isujinsigalmood ama kalajinsigalmood) ka baxsan idanka Alle oo ka dhax dhacda labo qof oo aanan is qabin. Marka danbe, ciqaabta u dhigan goorta ay tan dhacdo, waa mid uu qaban karo kaliya ilaahay ama qof uu ilaahay ka soo xushay dadka oo ku aadan unkadka banii-aadamka (Nabi oo kale), waana xeerka Qiṣaaṣka (hal iyo halkiisa), waa sharci dhigan oo u baahan kaliya barasho, garasho iyo yeelid; tan macnahaydu waa in aanan qof qof dili karin aanan ka ahaynin dil ku dhaca is-difaacid. Nasiibdarose, sida shariicadu u taagan tahay waa mid ka soo horjeedda erayada Alle (sharciga) ee Qur’aanka, waxa ayna ka soo jeeddaa diinta Yahuudda iyo Kirishtaanka; haddii aan soo gaabsho, waa Baybalka waxa dilay Maxammad Cali Baashi, Alle ha u naxariistee!

    ReplyDelete