26 Apr 2013

Gay who are married to a woman!!! Khaniisiin-ta dumarka guursata!!!



Damiir-ka dadka qaar wuxu gaarsiisan yahay in ay noolasha ka qaadan dad kale oo ay dilaan, qaar kale in ay dadka lug'gooyadooda ka shaqeeyan, qaar in ay xaasidiin dadka kale ku noqdan. 
Halka damiir-ka khaniisinta qaarna gaadh siisan yahay in ay qof kale isticmaalan si ay iyagu u farxan. Waxan ujeeda qolyaha khaniisinta ah ee dumarka guursata, iyada oo ujeedaduna tahay in sowr-ka bulshada la tusayo la qaldo. Si u qofkaasi farxad u dareemo ayaa wuxu isticmaalaya haweenay walaashi oo kale ah oo iyadu dacad ah, waxba ka ogayn in ninkan guursaday marka u iyada u tagayo Gus maxkada ku hayo oo u sida ugu tago. 

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa talo igu yimid wiil aan asxaab nahay, kaas oo ay maskaxda kaga mudnayd in u guursado. Wuxu ii sheegay qorshihiisa iyo qofka u rabo in u guursado iyo sabaabta. Waxan ku dhahay ka waran Hablaayo oo walaasha ah oo aad jeceshahay, haddu guursado hebel oo khaniis ah oo aad taqaan. Wuxu dhahay kuma farxayn. Waxan weydiiyay waayo? Wuxu yidhi waxan ogahay in u wax kalena ku hoos wadayo. Waxan ku dhahay Bila Calayk maxad ugu qudhaysa gabadh islaamayd waxanad walaasha u qudhayn??!! Aniga agtayda Dumarku waa wax qadarin iyo sharaf weyn ku leh. Hooyaday oo aan aduun-ka ugu jeclaa ayaa ka dhalatay haween iyo hablaha aan walaalaha nahay oo aan aad ugu hanweynahay. Marka wax anaan iyaga u qudhayn gabadh kale oo sidooda ahna uma quudhayo.

Muhiimadu maha in aad gus leedahay oo aad intaad kacsato haweenay u tagi karto. Muhiimada guur-ku maha wasmo wiil iyo gabadh oo hadhowna caruur dhala. Muhiimadu waa farxad, jacayl iyo amiinad.

Waxan waraystay wakhti aan sii fogayn wiil Somaliyeed oo khaniis ah oo iska da'a in u khaniis yahay sidayda iyo qaar kalo badane, isaga waliba ay u dheer tahay in qofka indhoolaha ah u arkayo in u khaniis yahay. Hooyadi ayaa marka ay aragtay wiil-keeda, waxay u dhistay haweenay somaliyeed oo ilahay u saalim ah. Dee waa guursaday wiil-kii ilmo ayuu ka dhalay. Ilayn af qoyan hadal ma daayo, Aniguna su'aal ma dhaafe waxan weydiiyay wiil-ka, Waxad iga waranta aroos-ka iyo waxad hada dareemayso. Wuxu igu dhahay, Walaahi hada uun baan ugu daranahay oo habeen iyo maalin gus ka fikira. Waxan dhahay, marka aad gabadha u tagayso sideed ugu kacsata, wuxu dhahay waxan maskaxda galiya aniga oo dabada gus igaga jiro. Intaan aad u qoslay ayaa waxan waydiiyay ma ku faraxsan tahay noolasha noocas ah. Wuxu dhahay haba yarate maya. Dee maxa ku galiyay ayaan dhahay, Wuxu yidhi reerka raali galintiisa. Marka waa su'aale reer-ka iyo bulshada raali galisaye adigu goormaad raali noqonaysa?????

Qolyaha aan ugu yeedho 'double moral' ka waa kuwa diinta iyo dhaqan-ka iyo noolasha aadamaha ayna u kala socnayn. ayaa waxay ku doodan Akhiro iyo Ilahay, Deeto anaa waxan ku dhaha, Anigu ma amiinsani in u Ilahay khaniis-nimada igu imtixaanayo oo ka caadiga ahna uu u nimceeyay. Lakiin waxan waydiiya, Qur'aan-ka Allah waxa ku jirta in u Ilahay towbada iyo soo labashada u aqbalo, Lakiin ta u aqbala waa tee??? Waxa qur'aanka ku taala, Towbatul nasuuxa, oo macnaheegu yahay Soo labashada Ilahay loo laabto ee danbigiina dib loogu labanayn. Marka salaada ayaan tukanaya dhinacada kalena howlo aad danbi u aragto ayaan kaga jiraya isma Qabtaan saxiibayaal ee nafta beenta ka daaya. 

Khaniis ayaad tahay, Ilahay ayaa sidaas ku abuuray , maxa yeelay qof fican ayaad tahay, waxba kama qaldana, dadka ma dhacdid mana dishid. Marka  ma Is weydiisay sabaabta adiga oo fican Ilahay khaniis kaga dhigay,oo u Mooriyan naxariis daran oo dadka Ilahay iyo dumarka umusha ah dhibayana u caadi uga dhigay?????? Jawaabtu waxa weeye Ilahay waa caadil, adoomihiisa oodhan jecel. Marka sabab uu adiga sidaas kaga dhiga ma jirto ee sida Carabtu diinta inoogu keentay ayaa khaldan ee diintu ma Qaldana.

Waxad ogaada akhriste in aad noqon karto qof ahlu diin ah, Ilahiisa ku xidhan, adoomihiisa nabad galiya, cawiya oo bulshadiisa qayb ka noqda, Isaga oo khaniis ah. Marka in aad khaniis tahay maha cudur lug'gooyada haween-ka iyo is inkiraad lagu daweeyo ee waa noolol macaan oo qurxoon oo lagu noolado. Ee kalay nala farax oo murugta nafta ka xorow

Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

19 Apr 2013

Your time is limited, so don't waste it living someone else's life! Noolashu way koban tahay, marka uma baahnid in aad qof kale u noolato




Waxad mooda inta badan dadkeena khaniisiinta ah, in ay iskaga dhex darsamayn, Discreet 'qof xog qarsoon' macnaha aan ahayn Gay la yaqaan iyo Confuse 'jaho wareer' qof khaniis-nimadu cuqdad ku noqotay.

Waan fahmi kara sabaabta dad badan oo inaga mid ah ay ugu nool yihiin noolol qarsoon ama laba wajilayn ah. Maxa yeelay bulshada aynu ka imaanay, dhaqan-ka iyo u af duubnaanta diintuba waxay adkaynaysa in aad noqoto qofka aad tahay oo aad noolashaada ku noolato. Anigu ma qabo in aad ka farxiso bulshan aan iyaguba kugu faraxsanayn. Lakiin waan fahmi kara in ay dad badan muhiim u tahay ka farxinta bulshada aad isaga ku faraxsanayn. Hadana sidaas oo ay tahay, waxan qaba, haddu qofku yahay mid isku faraxsan oo is og naftiisa iyo qofka u yahay, oo uuna been ku noolayn. Marka waa sahal in u noolasha ka gudbo oo u hore u socdo. Lakiin qofku hadduna is ogayn oo u jaho wareersan yahay. Hab galmeedkiisu waran ku tagan iyo cuqdad nafsi ku noqdo. Marka qofka noocas ah uma sahlana in u hore u socdo oo u noolasha ku guulaysto. 

Runtii waayo aragnimo badan oo sidaas u fog noolashan khaniis-nimada, gaar ahaan ta Soomali-da uma lihi. Lakiin qof-ka aan ahay iyo hab fahankayga ayaa waxa u ii suuro galiyay in aan darso noolashan iyo sida dadku ugu nool yihiin. Waxan arkay wiilal khaniisin ah oo Soomaali iyo madowba leh, oo ah qaar noolashooda khaniis-nimada u go'ay oo ku nool, waxan ogaaday khaniisinta noocas ah in ay dhamaantood farxad ku nool yihiin, ku guulaysiga noolasha 80% yihiin dad noolol fican ku nool. 

Waxan kaloon arkay khaniisinta qarsoon ee aan muqaan, waxan ogaaday in u noolashaha bulshadu ka dhigtay qaar aad ugu tabar daran dadka kale, aad bulshada u caawiya, waxoogu yahay wax cid walba leedahay, guryahoogu yihiin qaar cid walba wax ka cunto, wiilasha aad ugu roon, sida in wiil la iska caashaqo aan jacayl-kaagaba war uu hayn oo la siiyo wax walba oo u rabo, cunto loo kariyo, dhar loo dhaqo oo loo dhaqaaleeyo sida hooyo wiil madi ah oo ay dhashay u dhaqalayso. Waxan arkay in ay cabsi iyo niyad xumo, bahdilad iyo duli ku nool yihiin. 

Marka aan is waydiiyay waxa laba qaybood ee khaniisinta ah u dhaxeeya, waxan ogaaday 
1_ Khaniis-ka noolashiisa ku nool in uuna cidna saacado iyo farxad ka sugayn, halka kan qaarsoon kalsooni darada ku dhacday u rabo in ay bulshadu u aragto in u yahay qof faraxsan. 
2_ waxan ogaaday in halka guusha noolasha khaniisinta noolashooda ku nool uga dhow yihiin kuwa qarsoon. Maxa yeelay kuwa qarsoon, waa wax ma dhigato bulshada u nool oo waxooguna yahay hanti wadaag ay bulshadu leedahay oo u qofku rabo in u amaan ku gado. 3_ Xaga kalsoonida iyo isku bogida waxa 100% aad ugu horeeya khaniisinta furan, maxa yeelay cidna amaan iyo kalsooni siin kama sugaan oo iyaga mar horeba is boqray. Halkan kuwa qarsoon ay ku nool yihiin jilid noolol ayna rabin ama ku raali ahayn si bulshada ay u raali galiyan. 
4_ waxan ogaaday xaga galmada in khanisiinta furan ay jacayl iyo qof ay rabaan la seexdan, halka kuwa qarsoon yihiin kuwa la seexda qof ayna rabin iyo dani ku baday ay marar-ka qaar lacag siiyan ama ay raali ku noqdan in la duulaysto oo qof u xayn daab ku xidho isaga oo duulaysanaya.

Muhiim maha in aad igu raacdo waxan anigu shakhsi ahaan aan arkay. Lakiin waa muhiim akhriste in aad adigu sakhsi ahaan-taada u dhabo gasho oo aad u fiirsato. Somali-du waxay dhahda, cilmiga ha lagu dhige aqliga kaasho ba la yidhi. Marka bal adiguba isku fiiri qolyaha aan soo xusay.

Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

12 Apr 2013

Why most of you ask if top or bottom? Maxad dadka su'aasha kor ama hoos u waydiisan?




Intii mudo ahayd, asxaabta waan ka ag dhawa, waxan daris kula ahaa facebook-ga. Marar badan ayaa asxaab fariin ii soo qorta oo waxay ii waydiisa, salaan ka dib amaba ka hor, Are you Top or Bottom. Waxan caadi ah in qof profile name-kiisa ku qorto hebel Top ama Bottom. Amaba aad aragto qof kale oo Walk-kiisa ku qoray sheeko ku bilaabanta, mid top ah ama mid bottom ah ayaa sidaas iyo sidaas yeelay. Hadaba yaabaye. Khaniis-nimadiiba ma waxay ku koobatay Top iyo Bottom kaliya? Mise khalad ayaa laga fahmay noolasha khaniis-nimadaba?

Sidaas marar badan ku cadeeyay, qoraaladaydii hore, khaniis-nimadu maha uun galmo. Waa hab noololeed jacayl xambaarsan. Xayawaan-kuba waa isku taga bila shuruud iyada oo ay kala raxaysanayaan. Waxa benu adam-ka ka duway ayaa wuxu yahay, badiya qofka benu adam-ka ah wuxu ka hela ama jeclaada qof kale, kaas oo xidhiidhkiisa galmana u la wadago. Marka in aad khaniis tahay waxay ka dhigan tahay, waxad jeceshahay qof-ka aad isku jinsiga tihiin, taas oo macneheegu yahay in u qalbigu halkaas kaliya qabto. Waa run in benu adam-ku guud ahaan qofba si u raxaysto, marka ay noqoto galmada, si labada qof mid walba sariirta uga kaco isaga oo mabsuud ah mid walba door ayuu qata. Kama dhigna in midna la liidayo ka kalena libin la hoyanayo. Labadooduba waa raxaysanayaan iyada oo sharaf-ka iyo qiimiga mid walba meeshisa yaalo. Waxan xasuusta wiil-kii ugu horeyay ee aan xidhiidh la sameeyo, wuxu ahaa Soomaali cuqdadaysan, marka ay noqoto hab galmeed-ka. Isaga ka hor aniga qof iima tagin in aan u tago mooye. Waxa uu ii sheegay in u kaliya yahay top oo aan waligii loo tagin, Marka wuxu dhahay hadaynu wax wada samaynayno waa in aynu kala badalana. Aniga oo marka amiinsan in uuna xidhiidh laba qof shaqayn karin hadayna labaduba sariirta isku raali galin. ayaan waxan ogaaladay in aan aqbalo in u ii tago anaa u tago. Sidii ayaan yeelnay. Marka aan anigu sidaas yeelayay waxan sameeyay tanasul weyn oo aan jacayl dartiis u sameeyay. Mudo ka dib ayaa waxan ogaday in u been ii sheegay oo isaga hore loogu tagay. Go'aankaygii kama qoomamayn, maxa yeelay jacayl ayaan u yeelay sidaas. Lakiin niyad jab ayaa igu dhacay oo waxa iga luntay kalsoonidan ku qabay. Maahmah faransis ah ayaa waxay tiraahda 'Qui vole un oeuf vole un boeuf' qofka ukun xada, hadhowna sac ayuu xada. Macnuhu waxa weeye hadaad been manta sheegto, barina wax ka weyn ayaad sheegaysa. Maalinta ayay kalsooni-du iga dhimatay oo aan qofka ka amiin baxay. Beenta u ii sheegay darteed. Lakiin waxan fahmi karay in u runta u haystay in aan ku liidayo. Malaha qof kale yeeli laha sidaas. lakiin aniga runtu walow xanuun badan tahay, waa mid agtayda laga jecel yahay.

Marka waa iga su'aale, Maxa dhaqama qaar galmada qarkeed loogu arka liidnansho, oo mararka qaar ay u noqota mid la iskugu ciqaabo, sida in hablaha la kufsado??? Waa su'aal u noqonaysa fahan-ka umadadeed iyo ilbax-nimada umadi leedahay. Doqon iyo geesi, Wiil iyo Gabadh iyo madax iyo mijoba hooyo ayaa dhashay, doorka gabdheed ee galmo waa mid ah qadasho halka ninkuna siin yahay. Marka in la waso qof benu adam ah qofka ceeb u arka. Waxan weydiinaya ta hooyada uu aabuhu u taga ma xumaanba mise waa taynu ku dhalano waa caadi??? Sido kale khaniis-ka u haysta in u tagida wiil kale ay karti iyo sarayn tahay waxan leeyahay. Madhow haddi anaad lamaane dareen ku siiya u baahnayn, maxad rabadh aad wasto u soo gadan weyday, amaba u siigaysan wayday??? Jawaabtu waa waxad rabta dareen ku raxeeya. Marka waxa weeye qofka aad la raxaysanayso kama dhigna in u ka liito ee waa qof kula mid ah oo isaguna sida kale u raxaysanaya. Marka cid guulaysanaysa iyo cid khasaartay ma jirto meesha.

Ka soo qaad qof ayaad jeceshahay, in ka badan inta aad cid walba jeceshahay. Jacayl-ka noocas ah muxu galmo iyo kala sarayn ama kala hoosayn ka ogyahay??? Waan fahmi kara in aynu soomaali nahay oo wax walba aynu khalad ka fahano. Marka kolay yaabi maayo iyo dad badan Top ama Bottom khalad ka fahansan yihiin. Sida Somali odhanba noolasha khalad uga fahansan tahay. Hadaba akhriste waxan rajaynaya marka aad qoraal-kan akhrido ka dib in ay garasho ku baxno



Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

5 Apr 2013

After three years it is first time I feel that I'm ready for a relationship right now!!! # sano ka dib, waxan dareemaya in aan xidhiidh samayn karo.



Jimce wanaagsan Akhyaarta. Weekend-gii hore waxan socdaal fasax u tagay, Brussels, Belgium. Wuxu ahaa mid ka mid ah safaradeyda kuwa ugu qiimiga badna. Asxaab aan Belgium iyo France ku leeyahay ayaa aad fasaxayga qiimi weyn ugu yeelay. Maxa yeelay waxay ila qaatayn wakhti fican. Waxan wada aadnay Party yo kala duwan, oo banaan-ka iyo qaar aqalo asxaab kale la nagu casuumay ba ah. Laba arimood ayaa safar-kayga xusuus weyn u yeelay. Ta kowbaad waxay ahayd, Waxan ka qayb galay baroordiiq loo samaynayay wiil khaniis ahaa oo bada ku dhintay isaga oo soo tahriibaya. Sxb-kiis ayaa ku nool wadan-ka Belgium, wuxu rabay in u isaga u yimaado, wuxu ka soo baxay wadan-ka Cameroun oo u ka soo jeedo, isaga oo soo gaadhay xeebaha waqooyi ee afrika sii u doon uga soo raaco, ka dibna halkaas ayay dooni kula qaraqantay bada. Dhacdo xanuun badan ayay noqotay, gaar ahaan sxb-kiis u ka baxay, Waxan aroor-nimadii Axada ka qayb galay Baryo duco ah oo lagu qabtay kiniisada, ka dibna waxan aadnay guriga wiil-ka laga dhintay halkaas oo tacsi-da iyo qiiradu ka sii socotay. Waxan aad u jeclaystay in asxaab badan oo wiil-ka laga dhintay laha iskaga yimaadayn aduun-ka dacaladiisa, gaar ahaan Europe si ay wiil-ka ula murugoodan. Wiilal badan oo madow ah oo afrikan ah ayaa yimaaday. Malaha Afrika cidba kama maqnayn dafaheeda dad u dhashay xata Somaliyana dhaho:-)

Ariinta labaad ayaa waxay tahay, Waxan Grindr-ka ka bartay wiil ka yimaaday, Oslo, Norway oo Ethiopian ah oo isna meesha fasax u joogay. Waxanu qado u kulanay maliintii Isniinta, Isaga ayaa igu casuumay dhismuhu ka dhegana BXL, halkaas ayaan qado ku wada qadanay, ku sheekaysay oo u sii fican igu waramay. Runtii maskaxdiisa iyo sidu noolasha ugu howlan yahay aad ayay aniga ii xiiso galisay. Lakiin marka maskaxdayda iyo qalbigayga sxb-tinimo ayaa soo gashay, Waxan ka tagay ku dhawaad 4 sacadood ka dib markii aan kulanay, maxa yeelay, Waxan casho u balansanayn sxb qaali ah oo aan Brussels ku leeyahay, lakiin waxan ku balanay in aan cabitaan isku aragno marka aan sxb-kay ka imaado. Waxan dib u kulanay habeen-kii isaga iyo sxb-kiis oo ay Oslo iska soo raacayn iyo aniga iyo wiil-ka aan asxaabta nahay ee degan BXL, ka dib waxan aadna Bar oo cabitaan ayaan wada qadanay, ka dibna waxan 4-tayadii isku raacnay Dhismihii u degana oo wax sidaas ah uga fogayn meesha aan jognay. Runtii wiil-kii aan galabtii la kulmay muu ahayn, aad ayuu uga muuq duwana, waxan ujeeda waxa ka muuqday indho wax dhamacsan iyo eegmo gaadmo leh, runtii anaa taas ayaa ii tabatay, Madaama ay iyagu aroor hore Salaasa ka soo baxayayn BXL waxan go'aansaday in aan ka soo tago, hase yeshe sxb-kay ayaa iga hadhay, Wiil-ka ayaa ilaa hoos-ta ii soo dhaweeyay, hal dhunkasho oo ka gaadhsiis ah ayaan ila gaadhnay. waxan ku laabtay Hote-kaygii, ka dibna sms ayuu iga soo daba diray u leeyahay waan ku xiisay, runtii aniguba waxan is weydiiyay maxan uga soo tagay. Salaasadii oo ahayd malintan soo baxayay ayaan sxb-kaygii iyaga ku hadhay ee BXL degana ii yimaada sii u Airport-ka igu qaado. Ka dibna wuxu ii sheegay in markan tagay wiil-ku aad khamro cabid u bilaabay oo u aniga iga sida uu iga helay iga sheekaynayay. Wuxu igu daray waliba, wuxu raba in aad is barataan ee ogow. Anaa aniga oo qoslaya, oo malaha hoostana ka faraxsan in aan taa maqlay ayaan dhahay OK. Intii aan soo labtay maalin walba waan wada hadalna, sms isku dirna. waxan go'aansanay in aan booqda 2 todobaad ka dib. Ilaa hada sheekadu meel fican iyo xiiso ayay leedahay. Waxa aad-ka xiisaha wiil-kan igu yeelay ayaa waxay tahay dhow waxyaabood. Wuxu sidayda ka daalay noolashan khaniis-nimada ee galmada uun ku kooban. Waxa u leeyahay waayo aragnimo aan ka fogayn tayda marka ay nooqoto aragtida noolasha iyo qorshaha uga degan. Waxa kale oo xiiso leh koritaan-kiisi yaraanta oo aan aad isaga eegnahay noolashii aan soo maray oo ahayd mid aad u adeeg badnayd. Ku darso ayeeyo macaan ayaa isna soo korisay sidayda. Intuba waa mucjisooyiin aad ii xiiso galiyay. Aan hadal-kayga ku soo koobo, Uuraysate, uumuli doonte. Waxa xiisahaasi dhalo waan idinla socodsiin. Ugu danbayntii akhriste nasiib wanaagsan ii raje :-)

Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii