29 Mar 2013

I spend my Easter holiday in Brussels!!! Waxan farax u joga Brussels :-)




Jimcahan manta wax sidaas ah wax kama qori doono.  Waxan shalay, Khamiis soo gaadhay Brussels, caasimada Belgium. Halkan oo aan ku qadan doono fasaxayga easter-ka. Waa markii labaad ee aan Brussels imaado. Waxa Markan cusub wiil Somaliyeed oo aan Gayromeo iska barangay ayaan la kulmay oo shalay ilaa manta aan wakhti wada qadanay. Xalay ma bixin oo Hotel-kayga ayaan iska jogay lakiin cawa ayaan baxaya. In kasta oo bari asxaab kale oo Paris iyo London ka imaanaysa igu soo biiri doonto. Waxa xiisaha leh ayaa waxay tahay, Weekend-gan waxa Brussels marti galinaysa, Xaflad khaniis oo ka mid ah kuwa EU ugu waaweyn oo ay iskugu imaadan, dadka murqaha waaweyn iyo wiilasha qurqurxoon. Marka xaal-ku waa ku qabso ku qadi mayside. Waxan deganay Center-ka magalada. Marka aan Grindr-ka furo waxad arkaysa tobaneyo dalxisaal xaflada u imaaday iyo lamanayaal iyaguna xaflada u imaaday. Marka waxan filaya Weekend in heer-ka mayiikada iyo wasmada ee Brussels aad u sareeyo. Waxan dhamaantiin idiin rajaynaya weekend fican iyo wakhti wanaagsan.


Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

22 Mar 2013

Their next victim may be YOU!!! Mar xigtana waa midkeen uun


Kolay geeri lama huraayo, Godkuna waa ina sugayaa, Goobta maanta ay timid, Ayaa noqotey kala guure, Garab ayaa banaanaado, Geesiba baxaye, Tacsi baan gudbinayaa, Dhamaan gudaha khanisiin, Rabbi ku gargaayo, Janada eebe ku garaye, Naxariista guud iyo ta gaar, Eebe ku gogolye, Asaxaabtii gebigood, Qalbigu waa gubanayaaye, Gocoshada Xasuustana, Waxaan hadal ku soo gooyey, Gidigeen ILAAHAY janada ha ina wadageeyo”.
Gabay baroordiiq u ah Mohamed Ali Baashi



Todobaad-ka manta dhamaanaya oo dhan waxa uur ku taanyo iyo calool xumo igu hayay diil-kii naxariis darada ahaa ee lagula kacay Mohamed Ali Baashi. Isniintii ilaa Manta oo jimce ah waxan la xidhiidhay hay'ado badan oo u dooda xuquuqda aadama sida Human Rights Watch, amnesty international, US state department, human rights section, EU human rights commissioner, RFSL oo ah kuwa xuquuqda Gay-ga Sweden u dooda iyo Magazin-ka Gay-ga ee Sweden ugu weyn oo isaguna maqaal-ka wiil-ka ku saabsan dabacay. Waxan ku guulaystay in aan ka dhaadhiciyo in ay maqaal-ka daabacan, in kasta oo ay ka maagayn markii hore, oo ay dhahayn ma dabici karno war anaan hubin. Khamiistii ayaa waxa New York iga soo wacday, gabadh tiri waxan akhriyay e-mail-kii aad ii soo qortay ee wiil-ka ku saabsana, waxay ii sheegtay in ay la xidhiidhay uruur xuquuqda adaamaha oo Somalia joga oo u xaqiijiyay, lakiin si aan statement rasmi ah uga soo saarno waxan u baahanahay ugu yaraan in aan wiil-ka dhibanaha ah qoyskiisa la hadalno. Anaa waxan u sheegay in aan war rasmi ah kula soo laaban doono.
Kun talaabo, waxay ka bilaabmayn hal talaabo. Manta Allah ha u naxariiste Mohamed ayay qaaday, bari adigu xigi doonte ayaa og??? Hadaynaan manta ka dhiidhiyin, ma bari oo ay ka adkaan karto ayaad ka dhiidhiyi doonta??? Damiir-kii naxayay ee benu adam-nimo mee??? Aniga qof aan ahayba dhacdadani waxay ii murug galisay in anaan walaahi uga murgin walaal-kay hooyaday dhashay oo dhintay, oo la dilay, dilkiisi:-( Sabaabtu waxa weeye, Walaal-kay mid isaga shakhsi ahaan loo beegsaday ayay ahayd, lakiin tan Mohamed Ali Baashi loo dilay waa mid inaga odhan inoo wada taala. Waxa nasiib daro ah baaxada aynu leenahay, waa hadaynu nahay khanisiin-ta Somali-yeed iyo sida aynaan u lahayn hal uruur oo rasmi ah oo magaceena ku hadla, oo codkeena aduun-ka maqashiiya. Uganda oo wadan afrikan ah oo Diimaha Christan-ka iyo Muslim-kuba ka jiran, oo faro ba'an lagu hayo dadka khanisiinta ah, hadana waxa jira dad khanisiin ah oo gudaha Uganda xaqooga uga dhex dagaalamaya. Qaar ayaaba loo dilay. Aduun-ka ayuu warkoodu gaadhay oo culays badan ayay aduunyadu Uganda saartay si dadka khanisiinta ah culayska looga dabciyo. Ma kuwaas ayaynu ka liidana???? Mise Somali ayaynu naho gurigeen iyo garaad-keenba waa ba'ay??? 

Horaan-tii Sanadka ayaan waxan baaq u soo jeediyay bulshadeena aan kaga codsanayay tageero in loo fidiyo website-kii kaliya ee aynu lahayn oo dhaqaale xumo u shaqayn waayay. Cidna dhagay jalaq umay siin oo waxa laga soo qaday in aan dad kale la hadlaayo. Dhalin yaro aan ka mid ahay ayaa isku tagtay oo mahadi ha ka gaadhe bixisay lacag ka badan kun gini oo lacagta UK ah. Mardhow ayaa website-kii oo la casriyeeyay la soo celinaya. Dad badan fa'iido ayuu u noqon doona. 
Waa fahmi kara in ay jirto xalado qof walba ku gadaaman, qof walbana in u hal-ganka galo muhiim maha. Lakiin waa wajiib in u tageero. Umad walba hormood ayay leedahay, kuwaas ayayna inta kale daba joogsata. Marka manta ma baadbaadina, wiilal iyo gabdho kale oo Mohamed Ali Baashi oo kale ah, oo ma ku balana in aynu istageerno, isku duubnaano oo aynu xaqeena u dagaalano????? WAXAN RAJAYNAYA IN AY JAWAABTIINU HAA NOQON DOONTO. Anigu kolayba diyaar ayaan ahay, waliba in aan safka hore galo. 


Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

15 Mar 2013

Being Gay Is not just About sex. Khaniis in aad tahay, galmo uun kama dhigna!


In badan oo inaga mid ah, waxan ujeeda guud ahaan khanisiinta, gaar ahaana kuwa somaliyeed, waxay ku kulman barayaasha Internet-ka, sida barayaasha la iska shukaansado, kuwa galmada laga raadsado iyo waliba barayaasha bulshada. Inta badan waxa kulmisa rabitaan galmo, halkaas ayuuna geedi-gooda barasho ka hana qaada. Layaab malaha in aad qof khaniis ah oo aad barayaasha internet-ka aad ka baratay kugu bilaabo su'aalo ay ka mid yihiin, maxad ka hesha? Ma top aad tahay mise bottom? Gus weyn ma qabta mise futo macaan tahay? Iyo qaar kale oo ku taxaluqa galmada. Taaso aad moodo in ay noqotay su'aalo la isla yaqaano oo waydiin teeda labada is baranaysa u kala hor marto. Waa cadahay in maqal-ka jawaabaha su'aalahaasi dad badan ku raxaystaan oo qaarkoodna ay ku siigaystaanba. Hase yeshe dhinaca kale waa su'aalo waydiintoodu dad badan niyad jab iyo qalbi xumo ku beerto, gaar ahaan aniga shakhsi ahaan ii qalbi jabiyan, iyada oo aan ku waayo xiiso aan qofka kula sii hadlo. Su'aal ayaan marka is waydiiyay. Waa yaabe khanisiinta noolashooduba ma galma? Ma ku dhufo ka dhaqaaqba mise waxa jira sabaab kale oo dadkan sidan ka dhigaysa? Waxa marka ii soo baxday in aad khaniis tahay in ayna ka dhigayn in aad noqoto dhilo ama dhilay wasmo uun ku foogagan, hase yeshe ay jirto sabaabo kale oo qofka sidan ka dhiga.
Noolasha uu qof benu adam ah ku noolan karo waa qaybo badan tahay, waxay leedahay, mid bulsho, dhaqan dhaqaale iyo galma-ba. Mararka qaar waxa dheeliya misaan-ka hanaanka noololeed ee qaybaha leh. Tusaale ahaan waxa laga yaaba qof in u shaqo bato iyada oo qoys-ka iyo bulshadaba u cagta ku yeeraynayo. Sabaabtuna waxa weeye cuulayska shaqo iyo niyada uu u hayo wajiib gudashadiisa shaqo in u dareen-ka galmo ku yareeyo iyo kalgacayl-ka bulsho. Sido kale khanisiin badan waxa ku dhacay dheeli misaan-ka noolasha ah. Aqbalaad la'aanta bulshada, takoor-ka dadka kaga imaanaya iyo koobnashaha fursadaha u qofku dareenkiisa galmo ku mujiin karo ayaa waxay qofka ka dhigaysa mid awood weyn saara buuxinta iyo ka fikirka baahida galmo ee haysa. Mudo ka dib hab dhaqan-ka nocaas ah wuxu qofka ka dhigaya mid u dhaqma sida bahal haraadan oo aan galmo mooye wax kale ka fikirin. Xata maraar badan dadku isma waydiiyayn kamana fikiraan hab dhaqaan-ka noocaas ah. Maxa yeelay way qabatimayn. Maryoolayda ayaa waxay ku maahmahda geel laba jir soo wada mar. Aniga qudhaydaba waxa jirtay bari aan galmada ugu waalna maxa ka galay. 2008 waxay ahayd sanad-kii aan si rasmi ah u ogaaday in aan khaniis ahay. Isla markaana soo dhex galay mowjadaha hirdama ee badweynta khanisiinta. Ma xasuusto todobaad anaan galmo samayn sanad-ka. Nasiib wanaag dhamaadkii sanad-ka ayuu aqligu igu soo dagay mar kale. Waxan la kulmay qof-kii ugu horeeyay ee noolashayda aan la date gareeyo. Sidaas ayaanan badweynta uga baxay. Markii u xidhiidhkaygii dhamaadayna, nafta suuqa ciqaab ugamaan dhigin ee waayo aragnimo iyo casharro noolasha aan ka bartay ayaan dhansiiyay. Sharciyo noololeedyo adeg oo aan nafta ku xakamaynayo ayaan seeto uga dhigay. Marka aan qof cusub la kulmo iyada oo ay yar tahayba in aan qof la kulmo, nasiib-ka ah in aan galmo samayno waa 95%, kaas oo aad u yar. 2008 marka loo barbar dhigo Manta noolasha aan ku noolahay aad ayay uga duwan tahay. wax ka yar 8 saac ayaan maalintii nasta. Waxa igu yaraatay la kulanta asxaabta iyo bulshada maxa yeelay, ka badan 16 saac ayaan maalintii mashquul ahay. shukaansi iyo haawona warkeedaba da'aa. Mar sii horaysay ayaan waxan la kulmay oo hasaawe na dhexmaray wiil aad iyo aad u maskax badna oo aad aan ula dhacay. Waxan fasaxii sanadka cusub 2013 ku wada qaadanay magalada Cologne ee dalka Germany. wuxu igu dhahay hadal aad ii taabtay oo wax badana noolasha aan ku noolahay hada ii tusay. Waxan fadhinay meel makhaxi ah oo aan casho ku wada cunaynay. wuu igu dhahay aad iyo aad ayaan kaga helay, inta badan hadalo xigmad leh ayaad ku hadashay oo aad u wanaagsan, macno badana leh. 'LAKIIN MARARKA QAAR WAXAN U BAHANAHAY IN AAD FALSAFADA MEEL ISKA DHIGNO OO AAD WAX KA DUWAN KA HADALNO, SI AAN U QOSOLNO' runtiis waaye, sidaan noolasha u eryanayay, oo aan siyaasad iyo ariimaha bulshada ugu hadlayay ayaan iloobay habka looga hadlo wax kale oo dadka ka qosliya. Marka hada waxan bilaabay in aan gadaal iska xeedxeydo oo aan isku deyo in aan misaan-ka noolasha dheeli tiro.  Marka runtii hadalkaasi aad ayuu ii taabtay oo waxan ogaaday in miisankayga noolashu dheeliyay oo dhinac u batay. Marka macnahaygu akhyaarta aan jeclahay ee aan dhaqan-ka iyo dhaqashada wadaagnow, waa in misaan-ka noolasha la isku dheeli tiro

Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

8 Mar 2013

why is training important for the gay? Muxu jidh dhisku muhiim ugu yahay khaniisinta?


Waxa aad caan u noqday sanadahan danbe, soo badashada gidh dhisinta wiilasha iyo gabdhaha khaniisiinta ah. Iyada oo aad moodo in ay qayb ka noqotay hab noololeed-ka khanisiinta galbeed-ka, gaar ahaan USA, Europe iyo Caribbean. In kasta oo ayna jirin badhitaan sugan oo rasmi ah, hadana waxa dadka qaar ku doodayaan in 75% khanisiinta ku nool wadamada aan soo xusay ay jidhkooda dhisan ,halka 43% ay ka tahay wiilasha aan khanisiinta ahayn. Hadaba waa su'aal ee sidee dhaqan-kan jidh dhisku ku soo galay noolasha khanisiinta? Dhaqan-ka jidh dhisku ee khanisiintu waxa u ka soo bilaabmay dal-ka maraykanka, wakhti ay ku beegan tahay dhamaadkii 70-neeyadi ama bilow-gii 80.naad-kii. Waa markii cudur-ka HIV-AIDS u dunida ku soo kordhay. Dadkii marka u sida ba'an u sameeyay ayay ka mid ahaayayn bulshada khanisiintu. Madaama aan badhitaan cilmiyaysan la hayn markaas, dad badan waxa ay amiinsanayayn in u kaliya ku dhaco bulshada khanisiinta ah. Isla markana astaanta kaliya ee dadku lagu garan karay qof-ka qaba waxay ahayd, in u qofku si xad dhaaf ah u catoobo. Marka hadaad caato ahayd, oo aad khaniis-nimana ku darsatay, waxad halis u ahayd in lagugu shabadeeyo HIV-AIDS, sidaas darteed ayay khanisiin badan u bilaabayn in ay jirkooda dhisan, si ay uga badbaadan takoor-ka bulshada, iskuna difaacan haddii u weraar kaga yimaado dadka nacayb-ka u haya khanisiinta. Marka waxa markii ugu horaysay jidh dhisita bilaabay xidigaha jila filimada galmada 'Porn stars'. Sidaas ayuu dhaqan-ka jidh dhisitu ku yimaada. Madaama USA tahay meel aduun-kan intiisa kale siyaabo badan looga hogaamiyo, gar ahaan xaga dhaqan-ka, ayaa taasi waxay sahashay in khanisiin badan oo wadamada Europe ku nool iyaguna bilaaban in ay jidh-ka dhisan. Ilaa ay isku rogtay dhaqan bulsheed waliba wata hab galmo soo jidasho. Waxa cad oo caan ah oo laga yaabo in qaar badan oo idin-ka mid ah arkayn ama u soo joogayn wadamadan galbeed-ka, khanisiin jidh qurqurxoon oo kaliya raadinaysa qaar sidooda oo kale ah, taas oo samayn ba'an ku yeelata kuwa kale ee aan jidh dhisan lahayn.

Qudhaydu waxan ka mid ahay, dadka ay samaynta ku yeelatay ;-) In kasta oo ay fican tahay in aad jidh fican lahaato, laba siyaabodba, waa ta kowbaad ee in aad jidh fican leedahay, waxay xoojinaysa caafimaad-kaaga madaama oo aad dhaqdhaqaaq samaynayso iyo kalsoonidaada nafta. ta labaad, waxay fursad ku siinaysa, xoojinaysana in aad soo jidaasho u yeelato wiilasha kale ee jidh-ka fican leh. Marka waan huba in anaad qadayn hadaad jidh fican leedahay ;-)  Lakiin maha in aad noolol ka dhigato ama ku mashquusho sida aad u eeg tahay walow ay muhiim tahay. Noolashu waa baladhan tahay, wax walbana in aad isku misaanto ayaa lagaga bahan yahay. Waxa nasiib daro ah in manta khanisiin badan oo galbeed-ka ku nool ay ku dhex qudhmayn meelaha jidh-ka lagu dhiso, oo ayna camal kale lahayn aan ka ahayn in ay jidhka habeen iyo maliinba dhisan, halka qaar badan oo iyaga ka mid ah ay ka ganacsadaan jidh-kooda. Waxan bari dhexdaas ah u fiirsaday khanisiinta jidhka qurxoon, waxan ogaaday intooda badan in ay yihiin qaar noolasha aan kaalin fican kaga jirin, halka kuwa jidh-ka fican lahayna yihiin kuwa halka noolasha ku horeeya. Lakiin anigu waxan qaba in adiga oo noolashaada wata, hadana aad jidh fican yeelan karto, kaliya waxay kaga bahan tahay in aad wakhti-gaaga isku misaanto. Waxa jira wiil aan asxaab nahay, intaan aqaanayba wuxu aadayay meelaha jidh-ka lagu dhiso, waligiisna jidh fican ma yeelan, baruur saa'id ah iyo calool uun ba ku sii kordhaysay. Sanad ka hor ayaan ku dhiiri galiyay in u xubin ka noqdo gym-ka aan anigu aado. Markii aan mudo isku raacnay, ayaa waxan ogaaday in uuna gym-ka u aadin jidh dhis ee u uu aado musqul fadhisi iyo dawasho dadka qaawan. Marka waxan ujeeda, qof walba oo gym-ka aada jidh fican ma laha, maxa yeelay sabaabo kala duwan ayaa loo aada. Wadamada sida Sweden oo kale ah ee aan lahayn meelo khanisiintu galmo ahaan ugu kulman, sida 'Gay Sauna' ama Sex Club-yo. waxa khanisiin badan gym-ka u aadan in ay ka dhex kaluumaystan amaba daawadan wiilasha kale marka ay qubaysanayan. Marka hadaad laga yaabo in aad lacag ku bixinayso in aad jidh-ka dhisto, waxan ku odhan laha, ha ka weecan hadaf-ka ee jidka hayso oo jidhkaaga dhis. Intiina mashquulsan ee howlaha badan ku jirta, qudhiinuna wakhti waad u helaysan jidh-kiina walow 2 sacadood todobaad-kii. Imisaas facebook-ga ku bixisa? imisa ayaad telefoono dhadheer kaga baxa? marka ha is iloobina ee iska gaadha sxbayaal


Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

1 Mar 2013

Read This Book to Inspire You!! Akhri buugan, waad ku khushuuci doonta!!


Jimce wanaagsan akhyaar-ta qiimiga badan ee sida jogtada ah u akhrista blog-gaygan. waxan ku faraxsanahay in mudo 2 bil gudahood ay soo booqdayn blog-gan 1200 qof taas oo dhiiri galin badan ii siinaysa. Waxan rajaynaya mustaqbal-ka in aad wax badan ku soo daro oo aan baladhiyo mowduucyada aan wax ka qoro. Waa run in ay hada inta badan ku saabsan yihiin qoraalo xaga niyada ah 'Moral' lakiin waa balan in aan wax ka qori doono qaybaha noolasha ee kala duwan gaar ahaan kuwa inaga ina khuseeya. hadaan nahay bulshada khaniisinta af-ka soomali-ga ku hadasha.









Waxan todobaad-kan ii soo gadhay book aad u qiimo badan oo u qoray Darian Aaron. oo magaciisa la dhaho 'WHEN LOVE TAKES OVER, A CELEBRATION OF SGL COUPLES OF COLOR' Boogu wuxu xambaarsan yahay waraysiyo u qoraagu la yeeshay 18 lamaane oo madow. Kuwaas oo gabigood ku wada nool dalka maraykan-ka. Lamanayaashasi waxay iskugu jiran, lamanayaal wada nool inta u dhaxaysa 4 sanno ilaa 22 sanno. Qaarkood way is qaban oo caruur ayay isku leeyihiin, xaga qaar kalena ay yihiin lamane wada degan 'civil partners' Waxa aad ii soo jiitay lamane wada degan 12 sanno oo midkood yahay 56 jir halka ka kalena yahay 29 jir. Runtii lamanahaasi waxay maskaxdayda ku reebayn in da'adu kaliya ay tahay numbero oo ayna wax carqalad ah xidhiidh-ka ku noqon karin. Waxyabaha ay dhamaan lamanaayashasii ka midaysnayayn ee furaha u ahaa in ay yeeshan xidhiidh ragay oo guulaystay. waxa ka mid ahaa. 1_wada hadal fiican 'good communication' 2_ midba in u midka kale farxadiisa ka hor mariyo tiisa. 3_ Isku tanaasul iyo is tixgalin. waxay intuba isla qirayay in ayna ahayn qaar mar walba isku raaca wax kasta, hase yeeshe ay yihiin qaar wada hadla xata marka ay isku cadhaysan yihiin. kala taguna uuna ahayn wax ay ka fikiran. Waxa aad ii soo jiitay oo lamaanayaasha qaar aad ugu farax sanayayn in ay hal habeen todobaad-kii labadoodu isku kaliyaystan, sida in ay shaneemo aadan, casho isku raacan ama dhaqdhaqaaq bulsho wada sameeyaan. taas oo ay ku tilmaamayn in ay aad u adkayso xiisaha iyo jacayl-ka. Qoraaga buugu, wuxu ku soo gabagabaynaya seddex talo oo u siinayo dad-ka wada degan ama xidhiidh-ka leh 1_ xidhiidh adeg ama wada hadal joogto ah 'communication between each partner' 2_ in labanayaashu midba ka kale farxadiisa ka hor mariyo wax walba 'each partner to put their partner's happiness above their own' 3_ in aad beerta jacayl-ka warabisan, sida in aad casho isku raacdan todobaad-kii hal mar 'continued investment into the relationship' Runtii aniga buugu rajo aad u weyn ayuu igu beeray. Wax badan ayaan ka fa'iidaystay. in kasta oo u buugu sidaas u weynayn oo u kaliya 83 bog yahay, hadana qiimo aad u badan ayuu xambaarsan yahay. waxan jeclaan laha in aad akhsiyan oo aad ila wadaagtan qiimaha buuga. 

Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii