22 Aug 2014

Haddii lagu waso ma guul dara? hadaad wax wastana ma guul ba???

Waxan dhawaan dib ugu soo noqday noolashii kali-nimada. Sida caado u ah qof khaniis ah oo kali ah, waxan dib u bilaabay hasaawihii iyo habeen ku dhaafkii. Waxan mar aan sii dhaweyn Internetka kula kulmay wiil ka soo jeeda bariga dhexe, waxanu kala qadanay geed fariimaha gaban la iskugu diro oo 'KIK' la dhaho. Waxanu is weydaarsanay fariimo gaagaban oo galmo xambaarsana. Wuxu ii weydiiyay waxan jecelahay iyo sidaan u seexdo, waxan dhahay, waxan ahay labadaba lakiin waxan u badanahay halka kore. Su'aal la mid ah tii u ii waydiiyay ayaan anaa dib u weydiiyay. Wuxu igu dhahay waxan ahay kaliya kor. Ka dibna waynu is maqli doona iyo waynu kulmi doona ayaan is dhahnay. Isla habeenkii, xili danbe ku dhawaad 1 habeenimo, sakhbadka ka dib ayuu fariin gaban ii soo qoray, wuxu dhahay ma soo jeeda. Haa ayaan ugu jawaabay. Ka dibna guriga ayuu igu yimid. Waa xili danbe oo war ma jire wixi aan u kulanay ayaan gudo galnay. Mudo hadaan is xamxaminaynay ayaa hoos la iskugu daadagay. Howlina waxay ku idlaatay wiilkii igu dhahay kor kaliya ayaan ahay oo hooseeyay ama noqday ka qadanayay.

Maaha markii kowbaad, labaad ama seddexaad ee aan la kulmo waayo aragnimo nocaas ah. Inta badan wiilasha aan dhaqankaa nocaas ah ku arkay waxay ka siman yihiin , in ay madow yihiin, Carab yihiin, bariga dhexe ka imaadayn ama muslimiin yihiin. Waxan maraar badan is waydiiyay waa maxay sabaabta qofka u ceeb ugu arkaayo hab galmeedkiisa? hadaad hoosayso ma guul dara? hadaad sarayso se ma guul ba???

Inta badan bulshoyiinka calam-ku waxay u badan yihiin, bulshoyiin u afduuban awooda ragga oo dumarka la cadaadiyo. Xata bulshoyiinka furfuran, sida wadamada galbeed-ka dumarku ma laha sinaansho buuxa oo ay ragga la siman yihiin. Marka dib u milicsato taariikh-da cadaadiska iyo is ceebayn-ta ku dhisan. Galamada waxa loo isticmaala is cadaadinta iyo hoos u dhiga dumarka ama bulsho la rabo in la yaso. Somali-du waxay ka mid tahay bulshoyiinka danbeeya ee galmada u isticmaala cadaadiska iyo meel kaga dhaca haween-ka gaar ahaan, Marka la rabo in qolo gaar ah ceeb la huwiyo waxa la kubsadaa dumarkooda iyada oo la rabo in lagu ceebeeyo qolada. Waxan shaki ku jiriin in qof walba uu u soo joogay si uun, meel haweenay kubsi loo gaystay ay waliba takoor bulsho iyo ceebayn ay ku mudatay. Hadaba aan u soo laabto dulucda qoraalkayga ee. Madaama aynu ka imanay bulsho sideedaba galmada ceebaal ay ka tahay iyo wax dumarka ku koban iyo waliba tacadi, ayaa waxay inagu keenaysa in aynu u aragno galmada ama wasmada, sida ciqaabta oo kale. Marar badan ayaad maqli jirtay walina maqasha, qof qof kale caayaaya oo leh, waan ku wasi, waan ku nagaysan iyo wax la mid ah oo galmo xambaarsan.


Marka loo yimaado khaniis-nimada, iyana waaba sheeko kale. Waxaynu aad u maqalna is barbardhiga dumarka iyo khaniisiinta, iyo xaqiirada isku midka ah ee la wada huwiyo. Markaad is waydiiso waxa ka dheexeeya ee ay ku mutaystayn in la wada xaqiro, waxa weeye galmada khaniisiinta oo la barbar dhigo ta haween-ka. Iyada oo la leeyahay labadoodaba waa loo galmooda ama la wada wasa.... Waa yaabe maxa ku jaban oo aan raaxo ahayn qof loo galmoodo ama la waaso??? Maskaxda saliimka ah ee fikiraysa waxay ku jawaabaysa, galmo sideedaba waa tiro dhiman oo is buuxisa, ka bixinaya ama galmoonaya ayaa buuxiya kan qaadanaya ama loo galmoonayo. Marka waa cadahay in aan midna kaligii ma raxaystayn.


Sidaan maraar badan ku celceliyo wax macno ah ma samayso, sidaad u seexato, ha lagu waso, ama wax was. Waxa qeexaya in aad khaniis tahay ama anaad ahayn, maaha in lagu waso ama aad wax wasto ee waxa qeexaya waa cida aad soo jiidasho u leedahay wiil ama gabadh, amaba labadaba. Marka horta waa muhiim in aad u fikirto sidaas. Waxa kaloo muhiim ah in aad ogaado in ay galmadu sideedaba tahay tiro kinsi ah 'tiro dhiman' oo dhamowda marka labada qof ee isku tagaya ama is wasaya ay isku tagaan ayay dhaban noqota. Marka galmadu sideedba waxay ku dhamaata guul dhinac walba ah, maxa yeelay laba qofba way raxaysatayn.


Ugu danbayntii aan yidhaahdo. Kalsoonida naftu waa muhiim. Si walba oo aad u seexato iyo wax walba oo aad jeceshahay marka ay galmada noqoto, Waxay ku kooban yihiin daqiiqadaha yar ee aad raxaysanayso. Marka kolayba waxad jeceshay ayaad jeceshahay, in aad marka hore dookhaaga sheegto oo anaad adna hungoobin qofka kalena hungoobin waa muhiim, waana sida ugu haboon ee labadiinuba aad si wacan ugu raxaysan kartaan. Sowr been ah oo aad iska bixiso, u malayn maayo in ay qof kale ka dhigayso. Marka moogane caadi iska dhig oo ha isku mashquulin

Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:


9 Aug 2014

Khaniisiinta isticmaasha sawiro ama musawiiro aanay lahay!!

Waxa marar badan dhacda in khaniisiin badan oo inaga mid ah ay icticmaalan sawiro aanay lahayn. Waa maxay sabaabta sowr uu u isticaamalayo sawir aanu lahay??? Maxanu qof sawirkiisa u icticmaalin karin, inta u sawir qof kale isticmaalayo?

Waan fahmi kara in duruuf adeg iyo jaho wareer badan ay jiraan. Lakiin taasi ma waxay samaxaysa in qofku icticaamalo sawir qof kale isaga oo dhahaaya waxan ahay qof is qarinaya 'Discret'?

Waxan maraar badan arka dhalin yaro, facebook-ga, bogaaga khaniisiintu isku shukaansato iyo Grindr-ka geedka la dhaho saartay sawir dad kale. Waxan marar badan isku dayay bal in aan fahmo, sababta qof ku khalifaysa in u icticmaalo sowrar qof kale. Malahan hal qof oo ii sheegay, sheeko aan ku qanco. 

Maalin maalmaha ka mid ah ayaan la kulmay wiil Soomali ah oo Grindr-ka isticmaalayay. Waxa u saarna sawir wiil somaliyeed. Waxan waydiiyay in u soo diro sawiro kale oo isaga ah, ka hor intanaan kulmin. Waxba ma soo dirin, wuxu ii waydiistay in aan Skype ka soo galo oo aan halka ka wada sheekaysano. sidii ayaan yeelay, qofka aan kamerada skype ka arkay iyo sawirka meesha saaran iskuma dhawa. Waxan goostay in aan la kulmo oo aan waydiiyo sabaabta ku kaliftay. Wuxu dhahay ma yihii qof furan, waxan dhahay taasi cudur daar maaha aad ku isticaamsho qof kale sowrkiisa. Wuxu hadana dhahay qofka meesha ii saaran isaguba meesha ayuu ku jira. Waxan ku dhahay haddu meesha ku jiro iyo haddi kaleba xaq uma lihiid qof kale sawirkiisa in aad isticmaasho. Waxad saaran kartay jidhkaaga meel ka mid ah, amaba bila sowr, hadhow markaad qofka sheekaysataan ayaad odan kartay skype-ka soo galay.

Waxa igu yaab badna. Habeen habeenada ka mid ah ayaa an
iga oo sii seexanaya ayaa waxa ii soo wacay, wiil aan asxaab nahay oo latin american ah. Wuxu igu dhahay, qof Somali ah ayaan grindr-ka kala sheekaystay. Kolay waad garanaysa, magacana wuu sita. Waxan dhahay garan maayo. Wuxu dhahay wuxu ii soo diray sowrar waji iyo kuwa jidh oo aan is lahayn ee ma ku soo dira. Haa ayaan dhahay. Wuxu ii soo diray laba sowr waji oo qof ethiopian ama eritrean ah u eeg iyo Jidh ka duwaan oo aan aqoonsaday. Sowrarka wajiga ee uu ii soo diray ma aqoonsan, lakiin jidhku waan aqoonsaday. Waayo waa wiil aan bari wada hasaawi jirnay. Intaan qoslay ayaan yaabay. Wiil-kii ii soo diray ayaan dhahay. Waan ujeeda in wajiga iyo jidhkaasi is lahayn, lakiin midna ma aqoonsan. 

Tiro iyo cadaad ma lahan khaniisiinta sidaas yeesha. Waxan kula talin lahaa sida tan:
Marka kowbaad, dadka aad la hadlaysan ama aad rabtaan, xayawaan maaha ee waa dad idinka oo kale ah oo qarkood idinka maskax iyo aqli badan yihiin. Marka looma baahna in aad film kartoon aad u matasho. Sidaad u eegtahay maha wax sowr qof kale isticmaalkii aad ku badali karto. Sida aad sowrkaaga meesha aad jogto ugu quudhi wayday, qof kalena tiisa ha u quudhin. Waxad filan lahayd in sowrkaaga laga yeelo oo wanaag ah, dadka kalena tiisa ka yeel. Waxan ogaaday, sowrarka la galiyo meelaha khanisiintu ku hasowdo, 80% waa xubno jidhka ah, sida qaarka sare ee jidha, dhabarka iyo xubnaha hoose ee jidhka. Adna sidaas yeel, marka aad qofka iskugu kiin dhacdo, skype-ka ama sidii kale ee aad rabto isku arka.

Midna ogow!!! Hadaad sowr qof aad u aragto in u qurxoon yahay is tiraahdo, dadka ku soo jiido, waxad ogaata, qofka aad beenta ku soo xaraysay in uu u ka helay sowrka ee adiga, beenalaha shaashada komputer-ka ama mobile-ka daba fadhiya uuna ka helin. Sido kale hadaad da'a been ah isticmaasho oo aad is dhahdo dadka ku soo jiido, kuma anfacayso. Qaar badan oo idinka mid ah Meeqa jeer ayay been sameeyayn ee ay afka dhulka darayn???? Imisa jeer ayaa qof aad tustay sowr anaad lahayn uu ku yimid oo u cidla kaga dhaqaaqay???? Imisa jeer ayaad adigu akhriste qof sowr been ah ama da'a been ah sheegtay aad cidla uga tagtay?????
Shaki la'aan tiro iyo cadaad ma laha. Marka si anaad u niyad jabin, adna dadka ha niyad jabin. Waa sahal!!!

Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii