22 Aug 2014

Haddii lagu waso ma guul dara? hadaad wax wastana ma guul ba???

Waxan dhawaan dib ugu soo noqday noolashii kali-nimada. Sida caado u ah qof khaniis ah oo kali ah, waxan dib u bilaabay hasaawihii iyo habeen ku dhaafkii. Waxan mar aan sii dhaweyn Internetka kula kulmay wiil ka soo jeeda bariga dhexe, waxanu kala qadanay geed fariimaha gaban la iskugu diro oo 'KIK' la dhaho. Waxanu is weydaarsanay fariimo gaagaban oo galmo xambaarsana. Wuxu ii weydiiyay waxan jecelahay iyo sidaan u seexdo, waxan dhahay, waxan ahay labadaba lakiin waxan u badanahay halka kore. Su'aal la mid ah tii u ii waydiiyay ayaan anaa dib u weydiiyay. Wuxu igu dhahay waxan ahay kaliya kor. Ka dibna waynu is maqli doona iyo waynu kulmi doona ayaan is dhahnay. Isla habeenkii, xili danbe ku dhawaad 1 habeenimo, sakhbadka ka dib ayuu fariin gaban ii soo qoray, wuxu dhahay ma soo jeeda. Haa ayaan ugu jawaabay. Ka dibna guriga ayuu igu yimid. Waa xili danbe oo war ma jire wixi aan u kulanay ayaan gudo galnay. Mudo hadaan is xamxaminaynay ayaa hoos la iskugu daadagay. Howlina waxay ku idlaatay wiilkii igu dhahay kor kaliya ayaan ahay oo hooseeyay ama noqday ka qadanayay.

Maaha markii kowbaad, labaad ama seddexaad ee aan la kulmo waayo aragnimo nocaas ah. Inta badan wiilasha aan dhaqankaa nocaas ah ku arkay waxay ka siman yihiin , in ay madow yihiin, Carab yihiin, bariga dhexe ka imaadayn ama muslimiin yihiin. Waxan maraar badan is waydiiyay waa maxay sabaabta qofka u ceeb ugu arkaayo hab galmeedkiisa? hadaad hoosayso ma guul dara? hadaad sarayso se ma guul ba???

Inta badan bulshoyiinka calam-ku waxay u badan yihiin, bulshoyiin u afduuban awooda ragga oo dumarka la cadaadiyo. Xata bulshoyiinka furfuran, sida wadamada galbeed-ka dumarku ma laha sinaansho buuxa oo ay ragga la siman yihiin. Marka dib u milicsato taariikh-da cadaadiska iyo is ceebayn-ta ku dhisan. Galamada waxa loo isticmaala is cadaadinta iyo hoos u dhiga dumarka ama bulsho la rabo in la yaso. Somali-du waxay ka mid tahay bulshoyiinka danbeeya ee galmada u isticmaala cadaadiska iyo meel kaga dhaca haween-ka gaar ahaan, Marka la rabo in qolo gaar ah ceeb la huwiyo waxa la kubsadaa dumarkooda iyada oo la rabo in lagu ceebeeyo qolada. Waxan shaki ku jiriin in qof walba uu u soo joogay si uun, meel haweenay kubsi loo gaystay ay waliba takoor bulsho iyo ceebayn ay ku mudatay. Hadaba aan u soo laabto dulucda qoraalkayga ee. Madaama aynu ka imanay bulsho sideedaba galmada ceebaal ay ka tahay iyo wax dumarka ku koban iyo waliba tacadi, ayaa waxay inagu keenaysa in aynu u aragno galmada ama wasmada, sida ciqaabta oo kale. Marar badan ayaad maqli jirtay walina maqasha, qof qof kale caayaaya oo leh, waan ku wasi, waan ku nagaysan iyo wax la mid ah oo galmo xambaarsan.


Marka loo yimaado khaniis-nimada, iyana waaba sheeko kale. Waxaynu aad u maqalna is barbardhiga dumarka iyo khaniisiinta, iyo xaqiirada isku midka ah ee la wada huwiyo. Markaad is waydiiso waxa ka dheexeeya ee ay ku mutaystayn in la wada xaqiro, waxa weeye galmada khaniisiinta oo la barbar dhigo ta haween-ka. Iyada oo la leeyahay labadoodaba waa loo galmooda ama la wada wasa.... Waa yaabe maxa ku jaban oo aan raaxo ahayn qof loo galmoodo ama la waaso??? Maskaxda saliimka ah ee fikiraysa waxay ku jawaabaysa, galmo sideedaba waa tiro dhiman oo is buuxisa, ka bixinaya ama galmoonaya ayaa buuxiya kan qaadanaya ama loo galmoonayo. Marka waa cadahay in aan midna kaligii ma raxaystayn.


Sidaan maraar badan ku celceliyo wax macno ah ma samayso, sidaad u seexato, ha lagu waso, ama wax was. Waxa qeexaya in aad khaniis tahay ama anaad ahayn, maaha in lagu waso ama aad wax wasto ee waxa qeexaya waa cida aad soo jiidasho u leedahay wiil ama gabadh, amaba labadaba. Marka horta waa muhiim in aad u fikirto sidaas. Waxa kaloo muhiim ah in aad ogaado in ay galmadu sideedaba tahay tiro kinsi ah 'tiro dhiman' oo dhamowda marka labada qof ee isku tagaya ama is wasaya ay isku tagaan ayay dhaban noqota. Marka galmadu sideedba waxay ku dhamaata guul dhinac walba ah, maxa yeelay laba qofba way raxaysatayn.


Ugu danbayntii aan yidhaahdo. Kalsoonida naftu waa muhiim. Si walba oo aad u seexato iyo wax walba oo aad jeceshahay marka ay galmada noqoto, Waxay ku kooban yihiin daqiiqadaha yar ee aad raxaysanayso. Marka kolayba waxad jeceshay ayaad jeceshahay, in aad marka hore dookhaaga sheegto oo anaad adna hungoobin qofka kalena hungoobin waa muhiim, waana sida ugu haboon ee labadiinuba aad si wacan ugu raxaysan kartaan. Sowr been ah oo aad iska bixiso, u malayn maayo in ay qof kale ka dhigayso. Marka moogane caadi iska dhig oo ha isku mashquulin

Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:


2 comments:

  1. Why don't you write in English. Some of us can't read Somali

    ReplyDelete
  2. Haa sax aad baan u akhtistay waxaan jeclaanlshaa meel aan kaala soo xiriiro

    ReplyDelete