26 Mar 2014

Khaniis nimada Somaali-du ma fataalnima???

Khaniis nimada Somaali-du ma fataalnima???


Salaan aad u diraan asxaabta. Mudo ayaan ka maqna madasha. Waxan rajaynaya in ay akhyaartu, bulshadaydii Ilaah iga beeray ii wacan tahay.

Waxa la yidhi caraabta ayaa waxay ku maahmahda, 'شر البلية ما يضحك' balaayo waxa ugu daran ta ka qoslisa. Waxan ujeeda, waxa aniga manta igu kalifay in aan qalinka dib u qaato sheekadan hoosta ku xusan.

Cunug Somaliyeed oo khaniis ah, ayaan maalin maalmaha ka mid ah Bus-ka gurigayga imaada kula kulmay. Telefoon ayuu cunugu cod dheer ku hadlayay, gadaashayda ayuu fadhiyay, hadalada dhagtayda ku soo dhacayay, waxa ka mid ahaa, Miyaanad ka helin kii aan ku keenay, iyo waan wacaya ee waan kugu soo celin, iyo Hooyada was, intaas oo wada socota ayaa dhagtayda soo gaadhay, waxan 1 daqiiqo ahayn, gadaal ayaan fiiriyay, cunugu waaba mid aan garanayo oo aan facebook-ga ka bartay 2011 oo jaarkayga ah. War yaad cayaysan ayaan dhahay, ka dibna wuxu ii sheegay, in u laba qof u kala fataalayay, lakiin isagu wuxu hadalka u dhigay, Laba qof ayaan isku xidhaayay. Waan isku naxay, maxa yeelay cunugan 3 sanno ka hor markan la kulmay, wiil adaab badan oo amuusan ayuu ahaa, maalin ayaan shaneemada u kaxeeyay, waaniyay 2011, ka dibna sms-yo ayuu gadaal iga soo diray aan u fahmay in u rabi laha in wax na dhex maraan, anaa markaas waxan u sheegay in u yahay walaal iga yar oo ayna taasi suuro gal ahayn. Halkii ayuu xidhiidhkayagu ku go'ay markaas.

Markan aan dib u arkay, xata muqiisu aad ayuu isku badalay, wuxu u eeka qof aad suuqa ugu gubtay oo diifi ka muqato, xata nadaafad ahaan dhidiid badan ayaa ka uraayay, wajigiisu aad ayuu isku badalay oo finaan badan ayaa ka soo baxay. Aniga oo ka yaaban diifta ka yar haysata ayaan ku dhahay, halkeed u socota, wuxu igu dhahay guriga, waxan farta ugu fiiqay gurigii aan degana oo ka ag muuqda meesha busku maro, waxan ku dhahay, hadaanad deg degsanayn, kaalay ila qaday. 
Guriga ayuu ii soo racay, cabiitan iyo cuno ayaan siiyay, xaladiisa ayaan ka waraystay, waxan waydiiyay waxa iska badalay iyo xaalada u ku sugan yahay, wuxu ii akhriyay magacyo iyo Somali khaniisin ah oo Stockholm iyo Sweden ba degan, ka dibna waano ayaan u galay, talo ayaan siiyay, waxan ku dhahay, cunug yar ayaad tahay ee naftaada ha ilowbin, marka kowbaad is qurxi oo nadaafad lahow sii aad u soo jiidato dhalin yarta facaaga ah, marka xigtana condom isticmaal hadaad cid is jeclaatan oo aan is rabtaan in aad wax wada samaysan. Noolashayda iyo in aan xidhiidh leeyahay ayaan uga waramay. Dawo wajiga finanka madowgay ka tagaan ka bi'iisa iyo dawo kale ayaan siiyay. wuu iga tagay.
Habeen kalena waxan ku marti qaaday, xaflad wiil dhalin yaro ah oo Somaliyeed oo khaniis ah u gurigiisa ku laha. Waxan rabay in u arko facayaga khaniisinta ah ee isaga ka weyn sidaan noolasha aduunyadana u eryaano, taan khaniis nimada ahna si qurxoon ugu nool nahay. Aniga waxa iga ahayd bal ka yar dad u ku dayan karo ha arko.

Sheekadu halka ay u dhimatay waa halkan ee akhriste bal si fican ila soco.

Wiil-ka aan hadeer xidhiidhka leenahay, waa wiil ethiopian ah, wiil ay xidhiidh lahaan jirayn oo eritrean ah ayuu cunugu aqoon u laha. Deeto wax ay ka ahayd iyo si ay sheeko ku timid ba, kii ayuu u waramay, kii eritrean-ka ahaana wuu sii buunbuniyay. Waxa sxb-kay gaadhay in aan cunuga yar ku kulmanay Grindr-ka, intiina aan aqoonta u lahayn, Grindr-ku waa bare bulsho khaniis oo ay isticmaalan, dadka haysta telefon-ka caqiilka ah 'Smartphone' oo ka dibna aan gurigayga u waday si aan u tuso noolasha aan ku noolahay iyo baabuurkayga iyo waxa guriga ii dhex yaala, oo aanu ka wada hadalnay sida uu u eeg yahay unugayga taranku 'Guska' ma u odhan waxbaan wada samaynay.
lakiin wuxu sheegay in aan galmo ka wada hadalnay.

Sxb-kay oo haddi la qalo dhiig malaha ka iimadayn ayaa ii yimid, sidaas ayaad samaysay, haddi aad dacad ahayd, maxad igu sheegi wayday, noocan arkay miyad igu doorsatay, iyo wax la mid ah oo u ku hadlo qof maseeray. Lamaan yaabin sxb-kiisi hore ee eritrean-ka ah in u war xumo tashiil ahaa oo u warka u buunbuniyay u sheegay, lakiin waxa iga yaabiyay cunuga yar dhilanimadiisu heer-ka ay gaadhsiisan tahay. Waxan maqli jiray waano iyo neef baraar ahba habeen ba lagu seexda.

Waxan xasuustay hadal aan wanadaydii ugu daray oo ahaa, Hadaad aragto qof kaca kuf noolashiisa ka bixi la'a, oo ayna lug lug u raacin oo dulinimo saaran tahay, waxad ogaata qofkaasi waa qof dadka kale ku mashquulsan oo xaasid ah. Waxan ku waaniyay in u ka fogaado, ku mashquul-ka dadka oo u noolashiisa raacdo. Lakiin waanadu qof walba wax uma tarto.

Kamaan cadhoon umanaan jawaabin, isaga iyo kii fataalnimada ku kacayba, waayo midkoodna uma qalmo in aan u jawaabo, jawaabtooda wakhtiga iyo maalmaha ayaan u daayay, Lakiin waxan goostay in aan bulshayda khaniisinta ah la qaybsado dhacdaada ugana digo, dira diraalaynta iyo war xumo tashiil-ku in uu yahay wax baas oo noolashaada sameeya xun ku yeesha.

Fadlan sii tabi, la wadaaga walaalaha khaniisinta ah, iskana waaniya xumaanta dhexdiina ah. wixi faalo ahna ii dhaafa. Mahadsanidiin

Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii