25 Jan 2013

Who is your Mr/Mss right? Waa' ayo qofkii kugu haboona?




OBS. I dont know how many of you can only read English. To write two languages ​​at the same time isnt easy. So I would like to know if there are some of you who would like to have english article also otherwise I'll skip writing English.

Jimce wanaagsan. waxan ka cudur daaranaya in anaan manta hore u soo galin maqaal-kayga. sabaabtuna waa aniga oo manta aad u mashquulsana. Hada ayaan aqal-ka soo galay.
Waxaynu ku balansanayn in aan manta wax ka qoro waxa loo yaqaan ''Mr/Mss right'' ama qofka saxda ah ee aad u qalando. Marar badan ayaa waxa laga dhex maqla khaniisinta dhexdeeda waxan sugaya qof fican oo aan isku qalano, kaas oo galbeed-ka ama wadamada Europe iyo America looga yaqaano Mr Right ama Mss Right. Waa su'aale qofkaas bah weynta odhami sugta, ma laylatul khatar-ba mise waa malak? Wax Mr/Mss right ama qumaane, qumaan la dhaha ma jiro. Kaliya waa riyo ay nafta ku dajiyaan malayiin, khanisiin ah oo aduun-kan ku nool oo intooda badan ku fashilmay xidhiidh-ka iyo noolol dacaad ah oo la isku imaan qabo in ay dhisan. Shaki la'aan qof walba qof uu u qalmo oo u noolol la qaybsado aduun-kan waa ka helaya. Kaliya waxad u bahan tahay in aad ogaado dhowr wax inta anaad galin radcadaada qof-kii aad noolashan la qaybsan lahayd. Hadaba waa yaabe side raacdada loo gala, amaba loogu guulaysta?? Mogaane waa tan rabo in aan manta kula wadago ee, intanaan afka ku kala furiin adna dhagaha iyo maan-ka ii fur. Waxan ku su'aalay: Habeen ama maalin intaad naftaada la kaliyaysatay, Ma ku soo hor marayn hebelo aad taqaan ama aad tv, film ama boog aad ka akhriday  noolol jacayl iyo farxad badan oo ay ku nool yihiin??? Ka dib ma is weydiisay waxad kali kugu nooshahay ee aad farxada iyo jacayl-ka uga qaday???? Waabe yaabe moogane hadana ma xasuusatay jacaylo baryo noolasha ku ifiyay siday kaga damayn??? Hadiiba aad mudo is ciil cuntay oo aad nasiib daro is baday, hadana ma istiri Allah hebel ama hebelaayo iyo hebel kale oo imaan doona ayaa adna shamaci jacayl-ka ku shidi doona????
Waa hubaal in aad baryo badweynta khiyaaliga ah dhex maquurtay. Lakiin kaliga kuma tihiid ee ogow. Waa shaki la'aan noolashu in ay macaan iyo qadhaadh labadaba xambaarsan tahay, walow aynu inta badan macaan filano. Waxan qaba xidhiidh gulaysta iyo farxad waarta waxa u sal ah maan iyo maskax marka hore dejisa khariidaadi lagu gaadhi laha. Khalad-ka waxa loo sameeyay in aan wax ka barano. Sidaas darteed xidhiidh walba oo ku soo maray waa shaki la'aan in aad wax ka baratay. Waa muhiim marka hore in aad ogaado. Qof ahaan waxad tahay iyo waxad rabto. Marka xigta waa muhiim in anaad qofna ka dalban wax adiguba anaad yeeshayn ama anaad ahayn. Waxan marar badan la kulma dad kala duwan oo badigoodu aan jinsiga somali-nimo ku abtirsan oo xidhiidho kala duwan sameeyey. Waxan inta badan waydiiyay wixi sabaab u noqday in u xidhiidh-koodu burburo ama guul daraysto. Badidooda waxay ii sheegaan wax isku mid ah, marka kowbaad in khalad-ka burbur-ka ayna iyagu lahayn. taas oo aan hubo in ay ku koban tahay kaliya is difaaca. Kaas oo qayb ka ah debecaada benu adam-ka oo mar walba khalad ka qadan. Benu adam-ka dabeecadihiisa waxa ku jira wax la dhaho, hab-ka is beri yeel-ka, ama ceeb ka saliim nimada 'defense mechanism' kaas oo marar badan qofka khaladaad-ka isaga naftiisa ka yimaado sabaab u yeela. In ay gadaal ka ogaadayn qof ay jeclaayayn in ayna wax badan wadaagin oo dabeecad iyo maskaxba ay kala duwan yihiin. Waxa igu darna wiil aan sanad ka hor la kulmay oo markaas xidhiidh laha. Markii aan mudo sheekaysanay ayuu dhahay. Afkaaga yayna dhaafine xidhiidh ayaan leeyahay, intan yaabay ayaan su'aalay oo waa yabe maxad raadinaysa haddiba aad xidhiidh leedahay. Wuxu igu jawaabay sex. Waxan dhahay maxa kugu wacan ee aad sida u yeelaysa. Wuxu yidhi isaguba 'lamanihiisa' sidaasu yeela. Marka ayaan dhahay hadaad ogtahay maad kala hadashid ama is fasaxdan oo mid walba hal-kiisa suuqa ka galo. Wuxu dhahay waan jeclahay. Marka waxan dhahay hadaad jeceshay maxad sidan u yeelaysa. Wuxu yidhi nafta ayaan ku maweelinaya. Marka waxa yaable cudur-ka ka gala fardaha haddi laga gubo dameer!!! Waxan huba marka hore haddi aad adigu qof ahaan iskula showrto oo aad naftaada waydiiso waxad rabto. Marka sahal ayay noqonaysa in aad ka dibna raadiso wixi aad rabtay. Tusaale ahaan hadaad ogaado in aad kaliya rabto uun galmo, Marka waxa sahal noqonaysa in anaad cidna lu'goyn adna lagu lu'goyn. Haddi aad rabto xidhiidh jacayl oo farxad waarta leh. Marka waa muhiim in aad samayso waxa galbeed-ka looga yaqaan 'check list' oo macneheegu yahay qof nooce ah ayaad rabta. tusaale ahaan side u eeg. Ama tusaale ahaan ma waxad rabta wiil qurxoon oo dabaal ah, ama wiil maskax badan oo fool xun iyo wixi la mid ah. Xidhiidh-kaygii ugu horeeyay uguna danbeeyay waxan ka bartay wax weyn. Waxan ka bartay afar  shay oo manta igu jira Check list kayga aan ku raadiyo jacay-lkayga soo socda ee aan rabo in aan noolasha inta ka hadhay la wadaago. 1_ Da'ada waxan shaki ku jiriin lamaanaha ay u dhaxayso ka badan 5 sanno in ay da'adoodu caqabad ku noqonayso xidhiidh-kooda. Marka ay ugu yar tahay waad iga weyn tahay oo lagu kaftamo ayaa ismaan dhaaf dhalin karta. 2_ Dhaqaalaha, Haddi u jiro farqi xaga dhaqaalaha oo weyn oo lamanaha u dhexeeya waxa imaanaysa, sinaan la'aan. Tusaale ahaan haddi lamanaha midkood shaqeeyo oo ka kalena bilo shaqo yahay. Marka waxa dhacaysa aniga ayaa mar walba shaqeeya oo wax walba bixiya adiguna waad iska jiifta. taas oo dhawaac weyn iyo ismaan dhaaf keeni karta. 3_ Dhaqan-ka ama diin-ta, tusaale ahaan laba dhaqan oo aad u kala fog hadaad ka timaadayn. Sida dhaqan afrikan bulshadu isku xidhan tahay oo mar walba qadhaan la bixiyo iyo dhaqamada galbeed-ka oo ah naftada iyo kaliga. Waxa laga yaaba qof cadaan ah in uuna fahmi karin sabaabta aad biil jogto ah aad ugu dirto qoys afrika joga, May shaqysta maxad ugu dirta ayaa is maan dhaaf dhalin karta, waayo ma fahmi karo waxa dhinaca kale ka jira.  ta ugu danbeysa uguna muhiimsan waa 4_Aqoonta. tusaale ahaan hadaad tahay qof wax bartay oo aad xidhiidh la samayso qof aad ay u hooseeyo xaga aqoonta. waxay keenaysa is yasid. 'afar-da wax ee aan soo tiriyay haddi u mid maqan yahay xidhiidh-ku waa shaqayn kara waayo 3-da kale ayaan wadaagtan qof-ka. Lakiin haddi laba ka mid ah maqan tahay. Marka dhibtu ma yaraynayso. Kaba sii daran hadaad ka badan-na ku kala duwan tihiin. 2011 ka badan 4 qof ayaa xidhiidh ii waydiistay in aan la sameeyo, gabigood dad fican oo xidhiidh u qalma ayay ahaayayn Lakiin nasiib daro ugu yaraan laba check list kayga ka mid ah may buxinayn. Sida si leg 3 qof ayaa 2012 iyaguna xidhiidh ila soo hadal qaaday lakiin kama aqbalin. Maxa yeelay waxan ogaa in anaan meel fog isla gadhayn. Marka waxan ujeeda hadaad ogtahay waxad rabto waa sahal sidaad ku hesho. Taasina ma adka kaliya waxay u bahan tahay in aad adigu naftaada waxay tahay iyo waxay rabto ogaado. Labada hadaad heshana waa sahal in aad ku noolato noolol farxad badan xata hadaad noolashada oodhan kali ku qadato.
Dhamaad

Araar: wax walba oo halkan ku qoran waa aragti-day, waayo arag-nimadayda. Maha badhitaan cilmiyeedo ama waxyi. masu'liiyada odhaahdana aniga iska leh. Marka fadlan ha u qaadan weerar shakhsi ah. waa qoraal guud ahaan dad-ka akhrinaya oodhan ku socda. wixi fikrad talo iyo tusaaleba ah waan soo dhawaynaya 

Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii




1 comment:

  1. Hello Friend! I do not speak or read Somali so I would really appreciate if you wrote in English. Thanks a lot!

    ReplyDelete