11 Jan 2013

Maxad Khaniis u tahay?


Maxad Khaniis u tahay?







OBS: My Dear blog followers, I will soon publish the english part. Because I want  to see how many followers in English part.


Ma is waydiisay kaliga, mar amaba ka badan sabaabta aad  khaniis u tahay? adeyga dhaqan-ka somaali-da,  diinta Islam-ka iyo isku xidhnashaaha bulshaduba. Waxay qofka marar badan ku keenan in u is waydiiyo sabaabta u isagu dadka uga duwan yahay, uga farxad yar yahay amaba uu uga takooran yahay bulshada inteeda kale!
Marka su'aashu waxa weeye: Khaniis-nimada ma lagu dhasha, mise waa is badel noololeed oo kugu dhacay??? Ma cudurba oo ma laga dawoobi kara? hadiiba aan ahay khaniis sideyn ugu noolan kara noolashayda?

Akhriste, marka hore kali kuma tihid jaho wareer-ka maskaxeed ee qab galmeed-kaagu kugu keenay. Waxad la wadaagta uhunta iyo calool xanuunka malayiin khaniis oo aduunkan korkiisa ku nool, gaar ahaan wadamada duni-da 3-aad iyo kuwa muxafid-ka ah.
Khaniis-nimada ama in u qofku ka helo qof kale oo lab la ah ama dhidig la ah, maaha waa qayrul dabiici ah ama xanuun ah. waa dabiici, la mid ah sida u qof uu uga heli karo qof kale oo la jinsi ahayn, sida in u labku dhidiga ka helo. Maha kaliya wax xambaarsan galmo walow ay ku biyo shubato galmo, sida dabiiciga ah waa wax la xidhiidha jacayl, ka helid ama soo jidaasho dareen leh. Khaniis-nimadu waa wax loo dhasho biology ahaan, sida qof uu ugu dhasho in u wiil-ku gabadh ka helo ayaa loogu dhasha. Sida anaad u dooran karin midab-ka timahaaga, ayaanad sido kale u dooran karin hab galmeed-ka. Jamacado badan oo US, Canada iyo Europe ku yaala oo badhitaano cilmiyeed ku sameeyay ayaa sidaas xaqijiyay. 
Dadku isku wada mid maha, taasina waa xigmada noolasha. Dadka qaar waxa ay ogaadan in ay khaniis yihiin wakhti hore oo noolasha ah, halka qaarna ay ogaadan wakhti danbe. Waxan odhan karna waa wax ku xidhan xalado badan, sida in u qofku helo fursad u hab galmeed-kiisa ku ogaado, degaan-ka u ku nool yahay sida ay bulshadu tahay iyo waliba aqoonta maskaxeed ee qof leeyahay. Waxan shaki ku jirin in awood ahaanta jidh-ka lagu kala duwan yahay, tusaale ahaan qaar in ay jajab yihiin, halka qaar kalena ad adeg yihiin. Amaba aan idhaahdo hab galmeed-ka qaar waa kor 'top', qaar hoos 'bottom' halka qaarna ay yihiin 'versatile'. Wuxuba waa hab nolooledyo ama galmeedyo kaliya, intubana waxay ku biyo shubtan khaniis-nimo. Wax macno ah ma samaynayso kamana dhigna in anaad khaniis ahayn hadii ad adeg-tahay amaba aad kor tahay, sida ayna khaniis-nimadu jajab-ka ama hoosaynta ugu gaar ahayn. Khaniis-nimadu waa in aad ka hesho qof aad isku jinsi tihiin. In ay gabadhi gabadh ka hesho ama wiil wiil ka helo waa shardiga kaliya in aad khaniis tahay. Marka dad badan waxay is weyndiin karan: Ma jirta khaniis-nimo nus ah ama 50% ah??? Jawaabta waa haa iyo maya. 
Haa waxad noqon karta qof labada jinsiba ka hela, Tusaale ahaan in gabdhaha iyo wiilashaba aad soo jidasho u leedahay, waxa luqada English-ka loogu yeedho Bisexual. 
Maya oo khaniis-nimo nus ah 50% ah ma jirto, waa hadaad u haysato in anaad khaniis buuxa ahayn, madama ayna bulshadu jiljileec kugu arki karin amaba aad tahay mid wax uun u taga oo aan loo tagin. In aad khaniis tahay kaliya waxa ku filan in aad ka hesho qof aad isku lab ama dhidig tihiin. Hab galmeed-ku sidiisaba waa hab nooluhu iskugu raaxeeyo isaga oo qof-ba kaalin qadanayo, Marka taasi kama dhigna in mid-kood u yahay fal kaabe aan isagu qayb ka ahayn waxa socda. Madaama aad ku raxaysanayso maskaxiyan iyo dareen ahaanba hab galmeed-kaasi, adna waad ku jirta. Mana ahaa hab galmeed-ku wax la isku liido, takooro amaba la isku yaraysto, kaliya waa hab raxo oo ku kobon wakhtiga u socda, haba yarate waxba kama ahaan shakhsiyada qofka. Kaliya waa galmo. 
Bulshadaynu ka imanay ee somaali-du waxay ka mid tahay, bulshoyiin-ka aadka isku liida amaba is yasa, taasna waxay keenaysa in qofku u mar walba ku jiro xayn daab nololeed oo ah. Mar u isagu ka cararaayo in u dhibane u noqdo bulshada iyo mar uu dhibane u yahayba. Marka waxay qofka ku keenaysa in u isagu is aqbali waayo oo u laba nololood ku noolado ama u dhibane bulshada ku dhex dhiban noqdo.
Hadaba qaybta xigta tan oo aan dabici doono jimcaha danbe waxay ka hadli doonta: KHANIIS-NIMADU DAWO MA LEEDAHAY? Jimcaha xigana waxan ka hadli doona: SIDEED UGU NOOLAN KARTA NOOLOSHAADA SIDA UGU FICAN? 


Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii











No comments:

Post a Comment