18 Jan 2013

Maxad Khaniis u tahay? Qaybti ugu danbaysay

OBS. This is last part of Maxad Khaniis u tahay? Next week will be about dating skills and who is your Mr right?
waa qaybtii ugu danbaysay ee Maxad Khaniis u tahay? todobaad-ka danbe waxan ka hadli doona, habshukaansiga, iyo waa ayo qofkaagu?


'Nin ku yidhi sinaan mayno adna diid sarayntiisa' Somali-da ayaa sida ku maahmah. Waxa looga jeeda, qof jiritaan-kaaga diidan, hadaad ka aqbasho in aad ka hosayso, marka dhibtu waa adiga.
Sidaan hore ugu balan qaday waxan rabay in aan manta dhamays tiro qaybtii hore ee ku sabsanayd: Maxad Khaniis u tahay? 
sidaan hore u soo sheegay, hab galmeed-ku waa wax loo dhasho. Marka su'aal ayaa waxay ahayd ma labadali kara ama khaniis-nimada ma laga dawooba? sidee se loogu noolan kara noolashaada?

Sidan qaybta hore ku sheegay, khaniis-nimadu maha cudur ama balwad. Waa hab noolaleed loo dhasho. Macnuhu waxa weeye madaama aad tahay khaniis oo aad ka hesho ama soo jidasho u leedahay, jinsiga kula mid ka ah, Habkaas ma badali karta? haday jawaabtu tahay haa maxad ku badali karta?
Maya Lama badali karo hab nolooled-ka, way jirta ama waa dhici karta in u qof isku dayo in u badalo hase yeeshe in u ku guulaysto sahal maha. Waxaba laga yaaba in ay dhawac xaga maskaxda ah ku keento, maxa yeelay qofkani wuxu aqoonsan laayahay naftiisa. In u qof-ku isagu is aqoonsan waayo waxay keenta xanuun xaga maskaxda ah. Kaas oo laga yaabo in noolasha qofka u dhawac weyn iyo dib u dhac ku keeno. Qof-ka aad tahay maha jilitaan ee waa xaqiiq, sidaas oo kale ayaanad u jili karin qof anaad ahayn, xata hadaad isku dayto. 

Waxa mar aan la shakaystay wiil aan asxaab isku dhow nahay oo markaas xaas laha, waxan waydiiyay: intaad xaas-kaaga wada jogtayn wali-ga wiil ma jeclaatay, Wuxu igu jawaabay: haa. Hadana waxan waydiiyay maxad dareemaysay marka aad habeen-kii guriga haweenaydada ku soo hooyato adiga oo wakhti la soo qatay wiil-kaad rabtay: Wuxu igu jawaabay, Jawaab aan filayay hadana qalbi-ga ii tabatay, wuxu yidhi, waxan dareema danbiile iyo qof lu'gooyo ku wada qof kale. Hada akhriste u fiirso hadal-ka. Film waad jili karta lakiin in aad ku noolato jilitaan maha wax sahal ah. 

Maalin Maalmaha ka mid ah ayaan sheekaysanay sxb- kale oo aan isagana aad iskugu dhow nahay. Wuxu igu dhahay waxan raba Ahmedow in aan guursado. Anaa, aniga oo kaftamaya ayaan dhahay, Ma wiil Soomaaliyeed-ba mise ajnabi. Isaga oo aad moodo in uuna su'aasha filayn ayuu dhahay. War maya in aan caruur iska dhalo ayaan raba. Markaasan anaa ku dhahay, Why not? noolashu waa sahal kaliya in aad gabdho la xajootan oo caruur la idiin-ku beero uunba idin-ka xigta ama aad soo kafaalo qaadan ilmo 'Adoption'. Markaasu sii yaaban igu dhahay waar gabadh aan raba in aan arooso. Intan qoslay oo anaan hadal-kiiba sugiin ayaan dhahay, Gabadhu waa aayo oo halkay jogta. Deeto waxa u ii sheegay gabadh ay qarabo yihiin oo jogta duni-da saddexaad, wuxu waliba ii raaciyay, waa gabadh aamus badan oo aan ahayn gabdhaha dadka u war warama. Halkaas ayaan ka dhadhan saday in u rabo gabadh u bulshada tuso uun in u qabo hase yeeshe rabo in u khaniis-nimadiisuna sidiisa u ahaato. Waxan marka si gadoodsan u dhahay intaan magacabay gabdhaha la dhashay mid ka mid ah magaceeda, Ka waran haddi hebla oo kula dhalatay wiil adiga oo kale ah guursado oo dhinaca kalena howlihiisa ka wato. Wuxu dhahay ma ku farxayn. Markaasan dhahay haween-ku aniga qiimo badan ayay igu fadhiyan, in la lu'gooyana waxay ila mid yihiin aniga oo la ii lugoynayo ama walaashay. Marka walaalow habluhu maha alaad la isticmaalo ee lugooyada ka dhaaf. Qof-ka aad tahay ayaad tahay, waxbana kama qaldana. Bulsho aan adigaba ku raali galin kuna noolayn, in aad adigu raali galiso oo aad u noolata sax maha.
Waxan marka ujeeda akhriste waa laga yaaba in aad bulshada raali galiso, lakiin waliga naftaadu raali noqon mayso. Hadaba waa su'aale sideed naftaada u raali galin karta oo aad noolasha ugu noolan karta.

Aabahay ayaa bari hal maahmah ii sheegay, wuxu yidhi 'Sidaad rabto hadaad waydo, waxa la yeela sidii aad huri waydo' Macnuhu waxa weeye hadii aanad helay sidaad jeclaan lahayd, waxad isku dayda in aad u noolado sidii dantu ku bato.

Waa shaki la'aan in badan oo inaga mid ah, in ay jeclayn lahayd in ay u nooladan sida walaalahooda, hooyo iyo aabo wada dhalayn ay u nool yihiin, oo ay caruur dhalan, reero yeeshan, oo ay bulshada u eekadan. Lakiin may dhicin oo waxad tahay khaniis ama khaniisad, Waxba kama khaldana shakhsiyadaada iyo awoodada benu adam-tinimo, lakiin kaliya bulshada ayaa si kale ku aragta! Akhriiste ma is waydiisay, haddi 7-da billion ee dad ah ee dunidan ku nooli, isku wada mid ahaan lahayayn? waxan shaki ku jirin in ay noolashu bila dhadhan noqon lahayd. Marka in aad khaniis tahay, qof kalena khaniis ahayn waa ta noolasha dhadhan-ka u yeelaysa. Aduunyadan ma jirto aragti lagu midaysan yahay oo odhanaysa waxaasa sax ah ma khalad ah, kaliya waxay ku xidhan tahay sax ama khalad aragti-da qofka wax markaas hor yaalan, waalow ay jirto waxyaabo damiir ahaan laga midaysan yahay. Tusaale ahaan, Soomali-da cayil-ka iyo badhita 'futada' weyni waa qurux, caada iyo dhexda yarna waa qurux daro. Hase yeeshe halkan, Europe cayil-ka iyo badhi weyni maha wax laga jecel yahay. Marka moogane hadaad Europe ku noolan lahayd habeen iyo maalin-ba Gym-kaad ku dhex qudhmi lahayd sii aad jidh-kaaga u dhisto. 

Waxan qaba in aad noolashada ugu noolan karto sida ugu fican ee ugu qurxoon. Hadaba taladaydu ma in aad banaanka u soo baxda 'come out' oo aad dhahdo.. haa Khaniis baan ahay ii ogaada??? 
Waxa muhiim ah in aad ku faraxsan tahay noolasha aad ku nooshahay, wali-ga ha ku fikirin in aad u noolado sida u qof kale u nool yahay, lakiin waad hiigsan karta. sabaabtu waxa weeye, waxad ogaada dadku in ay kala karaan, karti iyo noolol-ba duwan yihiin, marka wax sabaab ah oo noolashada qof- kale tiisa aad u barbar dhigtaba iska yar. Aduun-yadan ma jirto qof mucjiso ah, ka harumar sameeya waa dadaalay, ka dib udhacana isaga dib isku riday: Noolashu sideedaba waa wax ku xidhan dadaal shakhsi ah ee maha wax lagu gaadho hab noolaleed, tusaale ahaan qof aan khaniis ahayn uun ba waxa qabta oo hadal macno yar ah.

Waxan amiinsanahay in aad noolasha ugu noolan karto sida aad rabto. Waxan ujeeda hadaad tahay qof noolasha haysta, wax barta, shaqaysta, noolasha iska dhiciyay, Waxan huba in ayna dadku ku mashquulayn dhaqdhaqaaqaga iyo hab noololeed-kaaga. Lakiin hadaad noolasha ku guul daraysato oo aad qayr-ka ka hadho adiga oo khaniis ah, Marka guul darada shakhsi ahaan lagu saari maayo ee hab noololeed-kaaga ayaa la saaraya. Waxan u jeeda akhriiste adiga uun baa badali kara sowr-ka bulshadu ka haysato. 

Khaniis-nimadu maha galmo kaliya. 7 sanno ka hor ayaan markii ugu horaysay ogaaday in aan khaniis ahay. waxay ahayd 2006 marka oo aan kala hadhnay gabadh aan xidhiidh lahayn 2 sanno. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxan aaday gym 'meesha lagu jimicsado', waxan ku qubaysanayay musqusha gym-ka, waxa isna jogay wiil Irani ah oo quruxlow ahaa. Ka dib markii aan ka baxnay ayuu ila hadlay, gurigiisa ayaan isku raacnay, Isagu marka qorshe ayuu watay lakiin anigu sxb-tinimo ayaan u qatay. Markii aan guri-ga tagnayna wuxu bilaabay in u cunto noo sameeyo, su'aalo ii waydiiyo, ka dibna u dhaho madaama aad dalan tahay waan ku duugaya. Anigu daacad ayaan ahaa oo af labadiisa baal ayaan ku dhahay haa. ka dib waa ii tatabtay anaa waan kacsaday, ka dib galmo aan toos ahayn ayaa na dhex martay. Markii aan gurigay-ga aaday ayaa sowrkii igu soo noqday. aad ayaan uga qomameeyay, waxan dareemay in aan ku kacay dambi weyn, aad ayaan maskaxiyan mudo xanuun u dareemay, Nasiib daro cid aan kala hadlo ma haysan. Malintii danbe ayaan tareen-ka ka arkay xayaysiis ku saabsana dhakhtar cilmi nafsi-ga ah. kii ayaan wacay, haweenay cilmi nafsi-ga ku takhasuustay ayaan la kulmay. Magacay-ga ka dib waxay ii sheegtay, waxa na dhex mara in u labadayada uun nagu koobnaanayo, sidaas darteedna hadaan rabo cawinadeeda aan runta u sheego anaa. Ka dib ayaan goostay in aan runta u sheego. Waxay i waydiisay su'aal cajiib ahayd. Inte in leeg ayaad biyo baxaaga hayn karta? waxan ugu jawaabay ugu badnaan 3 bilood. Waxay tiri ka soo qaad seddex bilood maad biyo bixin, waxad maraysa kacsi halkii ugu sareeyay, waxad la kulantay qof-kii aad is lahayd aduunyadan ayuu ugu qurxoon yahay, macaan yahay, Allah yaa sariir ku geeya! inte in leg ayaad qof-ka galmo tii ugu macanayd aad la yeelan karta? waxan dhahay, hadaan wax kiniin aha ama maan dooriye isticmaalin oo sii cadi ah wax u sameeyo, hal sacad waliba hadaan dadaalo ayaan ugu daray. Intay qososhay ayay tirii, maalinku waa imisa sacadood? waxan dhahay 24 sacadood. Waxay igu tiri 24 sacadood ka jar hal saac 24-1=23. waxan ku dhahay waxa soo hadhaya 23 sacadood. Waxay tirii wax laga yaabo in u hal saac iyo ka yar noolol maalmeed-kaaga ka yahay, uma baahnid in aad 23 kale ee sacadood ka fikirto adiga oo ay ku hor yaalan noolasha inteedi kale oo kaga bahan in aad ku bixiso 23 sacadood. 
Maliinta wixi ka danbeeyey hab galmeed-kayga dhinac ayaan iskaga dhigay oo ka fikirkiisa iskuma howlo. Waxan awooda saaray noolasha inteeda kale, hadalkaasina aad ayuu ii cawiyay. Maliinti ka dib uma fikirin aniga oo Khaniis ah waxan u fikira aniga oo aniga ah. Marka akhriste aniguna waxay taladaydu tahay naftaada hoos ha u eegin oo noolasha sideeda u qado.


Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii











No comments:

Post a Comment