20 Jan 2013

Su'aalo muhiim ah oo wiil ii soo waydiiyay.



Salaan qiimo badan dhaman akhyaar-ta raacda fariin sidahay-gan.
Waxa su'aalo igu ii soo diray barta facebook-ga wiil Soomaaliyeed. Waxan rabay su'aalaha iyo jawabaha aan ka bixiyayba in aan halkan idinkula wadaago. Sabaabtuna waa iyada oo aan is leeyahay aarmay wax u taran dad kale oo wiil-kaas la dareen ah. Qof walba waa u furan tahay in u ila soo xidhiidho, talo ii siiyo, aragtidiisa iyo waayo arag-nimadiisa ila wadaago. Waa balan in xogta qofku tahay mid aniga igu xafidan lakiin, waayo arag-nimadiisa ama taloyiinkayga waa mid aan bulshada la wadaagi doono, aniga oo aan qof-ka magac dhabayn. Halkan ayay ka bilaabmayan su'aalaha u wiil-ku ii soo waydiiyay. 

S. Magacaygu waa J, waxan ahay 20 jir oo degan S, wiilasha ayaan ka hela, lakiin jajab ma ahi, asxaabtaydu waa dad caadi ah, Soomali-da waan ka baqa, marka maxad igula talin lahayd?

J. waan fahmi kara xaal-kaga sxb, maan fahmin soomaali-da kuwa aad ujeedo, hadaad u geedo kuwa khaniisinta ah. Anigu waxan qaba in ayna jirin sabaab aad uga baqda, Maxa yeelay qof aad isku mid tihiin wuxu ka sheegayaba yar. Laga yaaba in aad is weheshataan oo aad wax badan wadaagtan. Hadaad u jeedo asxaabtada, Sxb marnaba kugu lama taliyayn in aad wax ka baxsan sxb-tinimadiina aad la wadaagto soomaali-da aan khanisiinta ahay, xata kuwa cagna khaniis-nimada kula jira cagna dhinaca kale. Waxad isku dayda intii karaan-kaga ah in aad ka fogaado in aan dareen taraaraxdo oo aad isku daydo in aad wax la samayso, qof aan khaniis ahayn ama aanad hubin waxa u ka rabo. Sxb marka ay noqoto taladayda, waxan kugula talinaya waxad u noolada sidaad dan moodo ee aad is leedahay dhib kuguma soo gadhayso. Waxan kugu adkaynaya in aad wax barashadaada ku daadasho hadaad arday tahay, hadaad shaqaysana noqoto qof muuqda oo noolasha iska dhiciya, Hadaanad midba ahayn aad raadiso booskaaga aad noolasha ku leedahay, sida waxbarasho ama shaqo. Tan ku saabsan hab nolooledkaagana, waxan huba in ayna waxba ka xumaan doonin, kaliya dhabar adeg, deganaan muuji, dadkana tus qof ahaan taada, hoosna naftaada ha u fiirin ee mar walba qof-kaad tahay iyo waxad noolasha ka tahay isku qiime.

S. Waxan jeclahay in aan aado meelaha ciduhu iskugu timaadan lakiin waxan ka baqaya in aan qarxo, maxan yeela?

J. Meelaha gay-gu aado, sida club-yada, Gay bar-rarka, Sauna-noyiinka iyo xafladaha waaweyn ee Gay-ga ah kaliya waxa taga uun dadka Gay-ga ah. Ma ii muqaato wax dhib ah oo aad uga baqdo in aad meelahas aado oo aad dad kula kulanto. Qof walba oo halka aada waa khaniis ama qof sxb la ah khaniisinta oo dulqad u leh khaniis-nimada. wax u ka sheegi karana ma jirto. Kaliya waxad u bahan tahay in aad Galmo xafidan samayso haddiiba aad qof kula kulanto, sida in aad condom istimaasho. Anigu wadamo badan ayaan aaday, meelo badan oo Gay-gu tagana waan tagay, sida Club-yo, Bar, Sauna iyo wixi la mid ah. kuwaas oo ku yaala magaloyiin-ka ugu dadka badan aduunkan, intan qof Soomaali ah ku arkay waa 1/10000. waxan ugu jeeda waa wax yar. Soomaali-da khaniisinta ah meelaha waa ku yar yihiin wax ugu wacanba. In kasta oo ay ficnayd in aan ku arko dad aniga oo kale ah.

S. Muuqayga kuma qanacsani, sidayn isku qurxiya?

J. Quruxda ugu weyni waa kalsooni-da nafta. ta muuqa qofka ku saabsan waa laba qaybood, mid loo dhasho iyo mid la dhaliyo. ta loo dhasho hadaan la daryeelin isayaduna waa lunta. Ta la dhaliyo waa ta ugu muhiimsan uguna qiimiga badan. 5 sano ka hor muuqu wax qiimi ah iima lahayn lakiin waxan ogaaday in u muuqu yahay ta dadka kugu soo jiidi karta ama ka jiidi karta. aad ayaan manta muuqa u daneeya. Tusaale ahaan waxan ahaa qof feedho yar, waxan bilaabay in aan jidh-ka dhiso oo aan gym aado. Waxan ka soo tagay hip hop style to meterosexual style. Waxan laha ilko cas, manta ilmo cad. Is bedel kaasi aad ayuu wax uga badalay kalsonideyda iyo jiritankayga ba. Marka waxad ogaada in wiil qurxoon oo og quruxdiisa in u raadinayo mid la mid ah ama u dhow, Marka in kasta oo ay ku xidhan tahay waxad rabto. Hadana muuqu waa soo jiide. Marka muuqa ha moogaan


S. Soomali-da waad taqaana oo way ku Qarxinayan, lakiin Soomaali badan ayaan ku bartay Facebook-ga, paltalk-ka iyo somalinet, xata qaar S degan, ma igula talin lahayd in aan la kulmo?

J. waa su'aal shakhsi ah. Anigu kolay qof walba lama kulmayn oo aan Internet-ka ka bartay lakiin haddi aan u arko qofka in aan wax badan wadaagno, oo aan is fahmi karno haa waan la kulmi laha. Marka kolay in aad qiimayso qofka waa howl adiga kugu xidhan.

S. Marar badan waxa dhacda in wiilasha aan Internet-ka kula kulmo ii waydiiyan, cid maad taqaan, shaac maad tahay, jabjab maad tahay. Hadana kuwa sida dhahaya ayaa intaba ah, maxa soomaali-da sidaas ugu wacan?

J. waan fahmi kara halkaad ka hadlayso. Waxan filaya argagaxa iyo depression-ka haya in u keenayo in u qofku mararka qaar isagu waxa u yahay dad-ka kale ka raadiyo. Lakiin kolayba ma fiicna qof-ka benu adam-ka ah in u naftiisa khiyaali kula noolado, ama naftiisa iyo shakhsiyadiisa been ku gado.

S. Adiga maa lagu ogyahay? Jajab ma tahay?

J. Maya, Waxan amiinsanahay in aad bulshada u soo shaac baxdo waxba kuma jabna lakiin waxa ka muhiimsan in aad marka kowbaad adigu isku soo shaax baxdo oo aad ogaado qofka aad tahay. Maya jajab ma ahi lakiin in u qofku jajab noqdo waxba uma arko, maxa yeelay in la kala duwanaado waa macnaha noolashu leedahay.

S. Wali-ga wax ma jeclaatay? haday jawaabtu haa tahay meeqa jeer?

J. Haa, Laba jeer, Markii kowbaad gabadh, waxay ahayd intii anaan naftayda ogaan. Markii xigtayna wiil Soomali.yeed oo aan aqal wada dagnay oo aan sanad wada noolayn.

S. Ma waxad rabta in aad Gay ku gabowdo mise gabadh ayaad guursan rabta?

J. Gay-nimadu maha shaqo ee waa hab noololeed, Marka ku gabowdaya iyo ku geeri-yotabaya maha shaqo howl gab laga noqdo waa hab noololeed lagu noolado. Maya gabadh lakiin haa wiil iyo caruur.

S. Maxad qabata adigu oo sideed u nooshahay?

J. Wax badan, Jamacad ayaad dhigta, waan shaqeeya weekend-yada, , gym ayaan aada, marar qaarna asxaabta ayaan wakhtiga la qaata. Lakiin inta badan aad ayaan u shaqeeya. Waxanaan qaba shaqada badani in ay aad naftada iyo noolashayda u caawisay. Markan daalana 3-biloodba mar ayaan safra oo aan wakhti fican soo qaata. 

Waxan rajaynaya in aad jawabahayga ku qanacdo. Waxan soo dhawaynaya qof walba oo rabo in uu wax ii soo waydiiyo. waxad igu soo xidhiidhi karta facebook-ga facebook.com/iiwaydii. ama handsomeswed@gmail.com

Madaama aan aad mashquul u ahayn wixi jawaab ah waxad iga heli doontan uun weekend-yada

Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

No comments:

Post a Comment