12 Dec 2014

Maxad ka taqaana HIV/AIDS???? QAYBTA 2-AAD



Waa qayb kale oo ka mid ah, taaxanaheeni aynu kaga hadlaynay, cudurka diilaaga ah ee Aydhis-ka, HIV/AIDA.

Qaybta 2-aad waxaan kaga hadli doona daawo in u leeyahay iyo in kale iyo siyaabaha looga hor tagi karo.

Ilaa iyo hada ma jirto daawo cudurka daawaysa, oo awood u leh in ay cudurka ciribtirto. Hase yeeshe waxa jiro daawoyiinka kala duwan, kuwaas oo la siiyo dadka cudurka qaada, Daawoyiin-kaas waxa lagu magacaaba 'Antiretroviral Therapy'. Waa isku dar daawoyiin kala duwan, kuwaas oo qofka ka caawinaya in uuna fayrusku, cabuuqa cudurku waxyeelayn, unugyada difaaca ee jirka qofka, isla markaasna xakamaynaya in uuna jidhka ku fidin caabuqu. Daawoyiin-kaasi waaxay ka kooban yihiin isku dar daawoyiin kala duwan, kuwaas oo qofku markii u mudo qaataba laga badalo. Maadaama uu cudur sidaha HIV-gu yahay caabuuq aad u dhib badan, markii muudo daawada lagula tacaalaba wuxu la soo baxa waji kale oo cusub, taasina waxay keenta in qofka daawo kale la siiyo si loola dacaalo wajiga cusub. Waxa kale oo jirta daawo isla noocaas ah oo iyana gaar u ah hooyada uurka leh, taas oo ka caawisa in ayna ilmaha caaloosha ku jira u gudbin cudurka. Daawa-du maaha mid qof walba oo xanuunka laga helo isla markaasba la siiyo. Waa daawo go'aan-keeda dhakhtarku gaadho, waaxa qofka loo bilaaba marku caabuuqu gaadho qiyaas gaar ah, taas oo saamaxaysa in daawadu qofka wax ka tarto.
Waaxa jira cilmi baadhisyo badan iyo tijaabooyin daawo oo badan, oo dunida meelo badan ka socda, taas oo dadaal loogu jiro in la helo, daawo cudurka lagu daaweeyo. Waaxa in badan oo Europe iyo North America jogta ay maraar badan arkaan, iyada oo lacag qadhaan ah loo uruurinayo baadhitaanada noocaas ah. Taas oo lagu maal galiyo cilmi baadhisyada cudurkan daawo loogu raadinayo. Marka aad ayay uu muhiim tahay in aad wax ku dartaan oo aad ka qayb qaadataan, xata 1$ ha ahaate yabooh-yada nocaas ah.

Maadaama uuna cudurku lahayn daawo si buuxda u daawaynaysa qofka, maxaa looga hor tagi kaara ayaa dad badan is waydiinayaan?? Maaxa la gudboon qofka caafimaad-ka qaba, iyo ka isaguna cudurka qaaday???


➢ In laga fogaado galmada siilka, afka, dabada waa si uga wanaagsan ee cudura-da galmada lagu kala qaado ee loo soo gaabiyo 'STD' looga hor tagayo. 
➢ in la yareeyo dadka lala galmoodo, oo lagu koobnaado hal lamaane. 
➢ Komdomka caagga ah, marka sidii loogu talagalay iyo sida saxda ah loo isticmaalo, waxa uu yarayn karaa halista in HIV la 
qaado, fayruska AIDS sababa. Halkan ka taabo sida kondomka loo isticmaalo. 
➢ Komdomka caaga markasta la isticmaalo marka galmada siilka ama dabada la samaynayo. 
➢ Kondomka caagga guska lagu xirto u isticmaal galmada afka. 
➢ In la xadeeyo ama layska ilaaliyo isticmaalka daroogada iyo qamriga, Maaxa yeelay maraar badan marka u qofku maskaxiyan foyoobayn, waxa la ogaaday in uu dhayalsado isticmaalka kondom-ka taas oo qofka halis weyn u soo jiidi karta 
➢ In laga fogaado in la wadaago cirbadaha daroogada, iyo waxyaaba dhiiga qof kale taabtay ee hadana kaaga taabanaya.
➢ In laga fogaado in la wadaago cirbadaha laysku rinjiyeeyo 'tatto' ama 
laysku duro oo la wada isticmaalo.

Waxyaaba kale ee iyaguna sahlaya in laga hortago cudurkan waxa ka mid ah.

In qofku baadhitaan jogta ah oo ugu yaraan 6-bilood ba mar ah uu isku sameeyo, manta dunida waxa jira, baadhitaan-ka cudurkan oo jawaab dhakhso ah aad helayso 20 daqiiqo gudahood.
➢ Waa muhiim in anaad amiinin qofnaba, maadaama aan cudurkan muuq iyo hadal-ka qofku ku sheego anaad ku garan karin, waxa muhiim ah in aad kondom isticmaasho mar walba iyo meel walba.
➢ Waa muhiim in xata haddi aad kondom ku samaynayso aad qofka waydiiso xalaadiisa caafimad ee cudurkan, taadana aad la wadaagto.
➢ Waaxa iyana aad u muhiim ah in qof-ka qaba cudurku uu u sheego xaladiisa iyo heerkiisa cudurkan, qof-ka kale ee uu la galmoonaayo iyo kuwa cirbadaha u la wadaago haddii caabuqa HIV aad qabtid. Sido kale waa muhiim in daacad nimada noocas ah qofka la yimaada aan lagu takoorin, maadaama u cudurku yahay wax qof walba ku dhici kara, waa muhiim in dadka qaba la aqbalo oo si naxariisi ku jirto loo daryeelo.

*Masuuliyada ugu weyni waxay saaran tahay, qofka caafimad-ka qaba in u caafimaadkiisa ilaaliyo oo qofna u amiinin.
*Haaday dhacdo in aad samaayso galmo anaad kondom isticmaalin, ay jirtana cabsi ku waajahan in aad cudurka qaado. waaxa jirta daawo loo soo gaabiyo PEP 'POST-EXPOSURE PROPHYLAXIS' taas oo ay tahay in aad bilowdo 72 sacadood ee ugu horeeya, ka dib markii aad samaysay galmo aan ilaashanayn oo anaad kondom icticmaalin, isla markaana aad cudurka ka cabsi qabto. Daawada waaxa la qaata 28 maalmood, waaxa laga bixiya xaaruumaha cudurkan lagu baadho. Taas macneheegu maaha in 100% aad ka badbaadayso qaadista cudurka haddi u qabay qofkii aad la galmootay, lakiin waa laga yaaba in ay ka hor jogsato qaadida cudurka. Inta badana daawada waxa la siiya, dadka la kufsado ee lagu qasbo galmo ayna raabin, halista qaadista qofkaasi ay weyn tahay.


Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

No comments:

Post a Comment