5 Dec 2014

Maxad ka taqaana HIV/AIDS???? QAYBTA 1-AAD



Waxa maalintii Isniinta ee 1-da bishan Diisamber aduunka laga xusay maalinta calamiga ah ee Aydhiska 'AIDS'.  Maadaama ay khaniisiintu ku jirto qaybaha bulshada kuwa ay aad u saamayso ku dhicista cudurku. Waxaan go'aansaday in aan 4-ta jimce ee bishan aan ka hadlo halista cudurkani leeyahay. 
Qaybtan 1-aad waxaan kaga hadli doona si koban taariikh-da cudurkan, macnihiisa, siyaabaha lagu kala qaado iyo waxyaabaha lagu garan karo marka u qofku qaado.
Qaybta 2-aad waxaan kaga hadli doona dawo in u leeyahay iyo in kale iyo siyaabaha looga hor tagi karo.
Qaybta 3-aad waxaan kaga hadli doona cudurka iyo khaniis-nimada waxa ka dhaxeeya, khaniisiin-ta madow waxay ugu badan yihiin dadka cudurkan qaada iyo waliba sida ay halistu ugu kala badan tahay qofka loo tagayo iyo ka wax u tagaya (bottom-ka iyo top-ka).
qaybta 4-aad ee qormadan waxaan kaga jawaabi doona su'aalaha qaarkiin ay iga soo waydiiyaan mowduucan. Waxa iga xasuusin mudan in aan su'aalihiina u bandhigii doono Dhakhtar caafimad oo si cilmiyaysan uga jawaabi doona. Marka fadlan wixi su'aalo ah ee aad qabtaan igu soo dira cinwaanka hoos ku qoran.

Qaybta 1-aad

Waxa la nool curiyaha cudurka ee HIV ama cudurka laftiisa AIDS -ka dad ka badan 35 milyan oo qof, 70% ka mid ah dadka qaba waxay ku noolyihiin qaarada Afrika, wadamada saxaaraha ka hooseeya oo ay Soomaaliya ka mid tahay. Kaliya 2013 waxa lagu qiiyaasay dadka ka badan 2 milyan in ay qaadeen fayraska caabuqa HIV oo ah cudur dhaliyaha AIDS-ka. Iyada oo 1.5 milyan oo qofood u dhinteen isla sanadkaas (2013). Guud ahaan Waxa u geeriyooday cudurka AIDS ka in ka badan 39 milyan oo qof ilaa intii u cudurkani soo shaac baxay sanadkii 1981-kii.

Hadaba akhriste maxaad ka taqaana HIV/AIDS

HIV waxay u tagan tahay  'Human Immunodeficiency Virus' oo macneheegu yahay Caabuqa 'fayraska' burburiya ama baabiiya unugyada daafaca ee jidhka dadka. Macnuhu waxa weeye Marka u qofku qaado HIV, in u waxyeelayo unugayada difaaca qofka, kuwaas oo inaga celiya in ay xanuuno inagu dhacan, marka u ku fiido jidhka qofka ayaa wuxu keenaya in u ka awood badiyo unugyadii difaaca ee qofka, marka uu qofku u gudbo AIDS -kana wuxu  qofku u nuglanaya xanuunada kale, sida duriga, dhaxanta iyo cabuuqyo kale oo badan. AIDS waxa loo soo gaabiyay 'Acquired Immunodeficiency Syndrome' Marka u qofku xaaladan soo gaadho, macneheegu waxa weeye, in unugyadii difaaca jidhku ay howshoodii gabayn, ka dibna waxa markaas qofka u xiga silsilado is daba socda oo xanuuno kala duwan iyo diciif-nimo ah, taas oo adeg ka dhigta in lala tacaalo ama la daweeyo qofka. Waxanay u badan tahay in qofku u dhinto marka u marxalada AIDS -ka u gudbo. Kama dhigna in qof walba oo HIV qaba ama u ku dhaca uu u gudbo AIDS, taas oo macnaheegu yahay, haddi u qofku xili hore ogaado xalaadiisa cudur sidaha HIV -ga oo u dawo helo, in u uu noolan karo sida qofka cadiga ah ee ka fayow xanuunka oo kale. 

Sideeba lagu kala qaada xanuun sidaha HIV

Waxa la iskugu gudbiya cudur sidaha HIV siyabahan hoos ku xusan.

➢ Galmada dabada wiil ama gabadh. 
➢ Galmada Siilka 
➢ Wadaagista cirbadaha, sida daroogada laysku duro.
➢ Dhiiga la isku shubo ama xubnaha jidhka ee qof lagu beero.
➢ Hooyada cudurka qabta oo ilmaha caloosha ku jira u gudbisa

Waxyaabaha kale ee la isku qaadsiin karo waxa ka mid ah.

➢ Galmada afka, haddi qofka cudurka qaba afkiisu nabaro dhiigaya leeyihiin.
➢ Haddi jidha qofka cudurka qaba oo nabar dhiigaya ama dheecan ka socdo taabto, qofka kale ee aan qabin oo isna leh nabar dhiigaya ama dheecan ka socdo.

Waxyaabaha aan lagu kala qaadin waxa ka mid ah.

➢ Hawada ama biyaha oo la wadaago.
➢ Qaniinyada kaneexada ama xasharaadka yar yar ee dadka qaniina.
➢ Candhuufta, dhidiidka ama ilmada.
➢ Salaanya, hab isa siinta iyo jidhtabashada
➢ Musqul wada wadaagida ama googosha.


Astaamaha uu qofku ku garan karo in u qaaday HIV???

➢ Jirro shabbahda durayga 
➢ Qanjirrada jirka oo barara 
➢ Marka dambe (sanado ka dib qaadida cudurka): 
➢ Qandho ba’an ee joogto ah 
➢ Habeenka oo la dhidhido 
➢ Shuban muddo dheer jiraya 
➢ Hoos u dhac culayska qofka ee aan la garan Karin waxa keenay 
➢ Buro kuusan ee maqaarka ama gudaha afka iyo sanka ka 
soo baxda 
➢ Daal itaal darro badan 
➢ Qanjirrada oo barara 
➢ Cabuuqa xibanaha neefsashada oo soo noq noqonaya 

Muhiim maaha in qof kasta oo astamaha isku arka uu qaaday cudur-ka, sido kalena maaha astaamo lagu arko qof walba oo qaaday cudurka. Hase yeeshe waa qaar ka mid ah astamaha lagu garan karo, marka u qofku iska shakiyo ee laga yaabo in u sameeyay galmo aan ilaashanayn.

Akhriste la soco qaybtan qaybta xigta oo aan dabiici doono jimcaha danbe ee bishu tahay 12/12-2014

Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

No comments:

Post a Comment