7 Feb 2013

I am happy, are you happy?? let us be happy together


‘I’m happy as I can be, cause I’m allergic to tragedy’ Ricky Martin


Farxad, ‘happiness’ waa eray aan u fududayn sida ku dhawaqidiisu u fuduudahay. Macnaha erayga farxad waxa weeye: in qofku maskaxiyan iyo dareen ahaanba u wanaag dareemo ‘Happiness is a mental or emotional state of well-being’ taas oo u ku mujinaayo dareen wanaagsan iyo riyaaq.
Eraygan waa mid aad benu adam-ku uga hadlo. Macne ahaan waa la isku raacsan yahay waxa ay farxadi tahay. Lakiin sida ay farxadi tahay, waxa keena farxad iyo sida qof u farxi karaba waa lagu kala duwan yahay.

Waxan farxada u soo qaatay manta. Aniga oo og in badan oo inaga mid ah in ay ku nooshahay farxad daro ama waalac iyo war bahaar. Sidaas tardeed ayaan raba in aan kula qaybsado sida aad farxad ku gaadhi karto ama u samaynsan karo farxadaada.

2007 waxan kala hadhnay gabadh aan is jeclayn, Skoolkaygi iyo wax walba niyad jab-kii aan ka qaaday ayaan u daayay, 2008 waxan aad ugu mashquulay hab galmeed-kayga oo aan rabay in aan naftayda fahmo, 2009 waxan xidhiidh aad u dhib badna oo farxad daro ii baday la sameeyay wiil soomaliyeed. 2010 qofkii aan aduunkan ugu jecla, hooyaday ayaa geeriyootay ‘Allah naxariisti jano ha geeyo ee’. 4 sanno oo xidhiidha oo farxad daro ah ayaa isku kay raacay. Waxan farxada ka raadiyay, Khaad, Khamro, Galmo xaad dhaaf ah, Fest maalin walba ah, xashiishad iyo bulsho dhex gal aan caadi ahayn oo aan rabay in aan farxad ka helo.  Kuma gulaaysan. Maxa yeelay waxan dawo ka raadinayay meel aan ahayn halkii ay ahayd in aan dawo ka raadiyo. 2010 markay hooyaday dhimatay ‘Allah ha u naxariiste’ ayaa maalin maalmaha ka mid ah aniga oo aad u murugaysan oo kaligay ah ayaa waxan is weydiiyay. Talow ma jirta aduun-kan, wakhtigan sacadan qof adiga ka murugo badan. Jawaabtii ay naftaydu ii siisay ayaa waxay ahayd: haa, Hadana waxan is weydiiyay tallow ma jirta cid ay manta u tahay maalintii nooloshooda ugu farxada badnayd. Jawaab-tu waxay noqotay haa. Marka ayaa waxan xaqiiqsaday in aduunyadu tahay ‘hadh-ka labadiisa galin’. Marka aad faraxsan tahay mid ayaa isna ay ka jiifta, marka ay adiga ka jiiftana, mid kale ayaa hawada maraya.
Markaas ka dib waxan ogaaday in farxad waarta ayna aduunkan ka jirin ee ay farxadu tahay mid u qofku samaysto isaga oo aan waxba is raacinay.
Dhamaad-kii 2010 waxan is waydiiyay su’aal ahayd. Maxa farxada aniga ii keenay, maxase farxada darada ii keena. Waxan ogaaday dhow ariimod.  Ka dibna waxan go’aansaday in aan farxo. Maalinta kadib waxa ii bilaabmay, Farxad aan kala go’ lahayn oo aan cid ku xidhnayn oo toos qalbigaga ugu xidhan ayaan ku noolahay manta. Waxanay ku timid qodobadan hoos ku xusan. Marka waan huba in aad adna farxad ku noolan doonto hadaad raacdo qodobada.


1_ in anaan naftayda qofna ku xidhin, oo qof benu adam ah isa siinin, oo guul iyo guul daraba aan naftayda ku tashado. Aniga oo aan bulshada ka tagayn hase yeeshe aadna qof iskugu xidhayn. Maxa yeelay hadaad qof benu adam ah 100% isa siiso oo aad waydo waa murug inteeda leeg. Marka waa in aad amiinto wax walba sida ay noolashada ku soo galayn, si la mid ah in ay uga baxayan.

2_In aad adigu shakhsiyan is aqbasho. Aqbalaada waxan uga jeeda, in aan adiga naftaadada lagaga waramin ee aad is ogtahay qofka aad tahay. Tusaale ahaan hadaad  tahay qof buuran, marka in aad buuran tahay in dadku ku sheegayn wax macne ah kuma samaynayso madaama aad adigu is ogtahay. Lakiin hadaanad is ogayn, waxa laga yaaba in hadal-ka dadku farxad daro kugu keeno. Sido kale in aad khaniis tahay hadaad aqbalsan tahay. Kuma xanuujinayso qof adiga ka liita hadal-kiisu. Lakiin hadaanad is aqbalsanayn, waxa laga yaaba mid aan kabahaaga gaadhin in u hadal kugu dhawaaco.

3_In aad ka fogaado barbar dhiga naftaada dadka kale ama u noolato dadka kale. Tusaale ahaan Ilahay dadka muuqa, kartida, iyo maskaxdaba ma simin. Waxa lagaga bahan yahay in aad taas ogaado. Oo aad ku xisaabtanto in kala duwanaashaha dadku u micne noolasha u yahay. Marka lagama yaabo in qof kale noolashiisu ay dhawac kugu keento. Maxa yeelay waxad ogtahay in farqi idiin dhaxeeyo. Qofkaasi xadhiga noolasha halkiisa ka haysto. Adna aad u bahan tahay kaliya in aad xadhigaaga haysato oo anaad isku mashquulin qof kale. Haddi kale u fiirsashada noolaha waad u farxad beelaysa. Waligana waxad ogaada in anaad dadka wada raali galin karin, waayo Ilahayba ma wada raali galin.

4_ in aad amiinto awoodada benu adam-tinimo. Waa in aad fahanto ka cirka gaadhay in uuna waxba ku dheerayn aan ka ahayn in u dadaal la yimaaday. Ma jirto aduunyadan wax mucjiso ah, wax walba waa dadaal iyo intaad wakhti ku bixiso. Marka naftaada waa in aad u sheegto in aad dadaal iyo karti tahay furaha guusha. Walow laga yaabo in aad ku nooshahay noolol adeg oo aad u rafaad badan. Sidaas oo ay tahay, waad ka bixi karta noolasha adeg. Waxa laga yaaba in anaad guusha malin iyo laba ku gaadhin, lakiin waa balan hadaad go’aan adeg oo aad rabto in aad noolashada wax kaga badasho gaadho in aad gaadhi karto.  

5_ Kalsoonida naftaada oo aad dhisto waa ta ugu muhiimsan in aad farxad ku noolato.

6_ Ka fagow wax walba oo farxad daro ku keeni kara. Tusaale ahaan, aniga waxan ogaaday, xidhiidh aan la sameeyo qof aan dacad xidhiidh-ka ka ahayn in u qalbi jab iyo niyad xumo ii keeni karo. Laga soo bilaabo 2011 waxa xidhiidh ii waydiistay dhowr qof. Kama aqbalin. Maxa yeelay waxan ogaaday in anaan meel fog isla gadhayn, wallow qaarkood aan qalbiga ka rabay. Hadana nafta waxan baray sida loo ogaamiyo. Maxa yeelay haddi dareen-ku ku hogaamiyo oo maskaxdu ku hogaamin waydo, waa hoog iyo ba’a. Marka waliga dareen-ka gadaal mari oo aqli-gu ha ku hogaamiyo

Lacagta, jacayl-ka, noolol fican oo aad ku noolato, shaqo wanaagsan, wadan iyo magaalo qurux badan oo aad ku nooshahay. Midna farxada ma sameeyaan. Farxadu waa caalam u qof-ku isagu samaysto. Sabaabaha ayna waxas oo dhami farxad u samayna waxa weeye iyaga ayaad farxada ka raadinaysa, halkay ahayd iyagu in ay farxad ka helan. Tusaale ahaan hadaad qof jeceshay adiga ayaa lagaga bahan yahay in aad farxada siiso, ka dibna taas aad siisay mid la mid ah ayaa ku soo noqonaysa. Lakiin hadaad murug siiso, sida muran, amiinad la’aan iyo gogol dhaaf adna taas tu la mid ah ayaa kugu soo noqonaysa. Marka farxadu maha wax fuduud lakiin waan huba in aad farxad ku noolan karto hadaad rabto. 

Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay

https://www.facebook.com/iiwaydii

No comments:

Post a Comment