1 Feb 2013

Jacayl-ku waa deeq Allah/ Love Is A Gift From God


Jacayl-ku waa deeq Allah/ Love Is A Gift From God
Jimce wanaagsan akhyaarta. Waxan ka qayb galay sabti-dii todobaad-kii ina dhafaay 26-01-2013 aroos laba wiil oo Ugandese ah oo Isguursaday. Xaflada aroos-ka waxa lagu soo beegay labo sanno guurada ka soo wareegtay dil-kii loo gaystay David Kato oo ahaa qof u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dadka khanisiinta ah ee Uganda. Waxa xaflada iskugu yimid dad aad u faro badan oo iskugu jiray dad xuquuqda khanisiinta u dhaqdhaqaaqa, siyasiyiin ay ka mid ahayd wasiir-ka Sweden midow-ga yurub u qabiilsan iyo asxaab-ta ay laba wiil ee is guursaday lahayayn oo Sweden iyo aduun-ka iskaga kala imaaday. Xaflad aad looga soo shaqeeyay ayaa loo qabtay. Xafladii meher-ku waxay ka dhacday kinisad iyada oo halka la iskugu meheriyay labada lamaane, iyada oo habeen-kiina xaflad casho lagu qabtay xarun ay leeyihiin urur-ka khanisiinta ugu weyn ee Sweden oo loo yaqaano magaciisa marka la soo gabiyo RFSL. Waxa habeen-kii xaflada cashada  khudbado aad u qiiro badan ka soo jeediyay dadyow badan oo asxaab dhow la ah laba is guursatay. Iyada oo aad dareemaysay jawi qiiro iyo farxadba iskugu jira. Aniga oo ka mid ahaa dad-kii lagu soo marti qaaday xaflada. Waxa farxad ii ahayd in aan markhaati ka noqdo xaflada tariikhi-ga ahayd. Iyada oo ahayd markii ugu horaysay ee laba khaniis oo madow isku guursato Sweden. Waxay ahayd xaflad guur oo dad-kii ka soo qayb galay isku racayn in ay ahayd mid taariikhii ah. Laba waxba aniga qiimo weyn ayay xaflada aroos-ka igu yeelayn. Marka kowbaad waxay ahayd. Xaflad aroos oo khaniis tii ugu horaysay ee aan ka qab galo. Marka xigtana waxay ii ahayd hiil, madaama laba qof oo madow is guursanayayn. Run ahaantii malin-ta waxay ahayd in aan shaqeeyo, lakiin xaflada darteed ayaan shaqadaydii uga baaqday. Mid ka mid ah laba wiil ee is guursaday ayaa habeen-kii isaga oo faraxsan aniga iyo wiil kale oo aan isla soconay noo sheegay sida uu ugu farxay markii u kinisada yimid ee u arkay in tobaneeyo dad madow ah ay ka soo qayb galayn. Taas oo qiimo weyn u lahayd. Aniga shakhsi ahaana runtii qiimo weyn ayay ii ahayd in aan xaflada dadka madow ee cadaan badan u hiliyayn aan anaa tago. Dhinaca kale waxay igu beertay rajo ah in qof aad isku wadan tihiin oo aad wax walba wadaagtan ay suuro gal tahay in aad isguursataan. Malaha Somali-du heer-ka uma biisle???. Waligay rajo ima galin ku saabsan in ay suuro gal tahay in aad qof-kaad jeceshahay madal loo dhan yahay isku guursatan, siday maalin-tii ii gashay ee aan u amiinay. Waa hubaal in ay iyagu Sweden ka bilaabayn, lakiin waa balan in ayna ugu danbaynaynJ



Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

No comments:

Post a Comment