25 Jul 2014

SOMALI-DU MA WADA LABA DABLA 'BISEXUAL'???



Marar badan ayaa waxan arka khanisiin somaliyeed, amaba Carab iyo Afrikan ku dhahaya, waxan ahay laba dable 'BISEXUAL' xata haddi uuna waligii gabadh u tagin. In kasta oo ay jiraan laba dablayaal 'Bisexual' badan oo soomaliyeed. Hadana waxan marar badan maqla wiilal Somali-yeed oo khaniisin-ah oo ku odhanaya dumarka iyo ragga-ba waan ka helaa. Waxan marar badan is waydiiyay, ma macnaha ergaygu u xambaarsan yahay ayaan somaali-da, gaar ahaan khanisiin-ta u kala cadayn, mise khaniisiinta somalida, carabta iyo afrikan-kuba waa laba dablayaal sideeda banaanba???

Laba dable 'Bisexual' waa eray, magac ah oo loogu yeedho qof-ka soo jiidasho xaga galmada ah u leh laba jinsi ee lab-ka iyo dhidiga, ama rag iyo dumarba. Hadaba khanisiinta qaar erayga is xambaarsiiya, ma yihiin kuwo macne ahaan ku sifoobay mise waa iska af ka sheegasho, nafta lagu maweeliyo???


Waxan u soo joogay amaba aan la kulmay khaniisin badan oo erayga is xambaariya. Inta anaan u gudo galin wixi waayuhu ila kulmiyay ee anaan ka run sheegin waxan maqlay. Waxan raba in aan ka cudur daarto haddi aan erayo qalafsan aan isticmaalo walow anaan ka been sheegay waayo aragnimadayda.


Waxan marar badan la kulmay khanisiin Somaliyeed oo markii ugu horaysay ee aan barto ee aan waydiiyo, Maxad naftaada ku sifaysa, ma khaniis mise? Igu jawaaba Maya ee waxan ahay laba dable 'Bisexual'. Waxan sii waydiiya, waligay gabadh ma la seexatay, Maya ayaa la igu jawaabaa. Wiilna? tiro iyo cadaad ma lahan, ayaa af labadiisa daan yeedhan, markaasa waliba qosol deex la igu dara. Aniga oo yabaan ayaan waydiiya! war mandhow haddi anaad gabadh waligaaba arag, maxad ku ogaatay in aad laba dable 'Bisexual' tahay? Markaasa jawaab muunsood ku jiro, la igu dhahaa. Aboowe  Dee sow nin ma yihii!! 


Inta qof ee aan su'aasha waydiiyay ee isku sii uun uga jawaabtay, waa tiro aan yarayn. Waxa ka mid ahaa qaar aan iska da'aa in haweenay loo kacsado ee aan raggaba u tagi karin. Waxa ka mid ahaa qaar jajabka ildhooluhu u dareemi laha haddi u garab maro in u khaniis yahay, iyo qaar waligood xata siil ku seegaysan. Yaab!!!


Marka akhriiste ragga-nimada iyo laba dablaha 'Bisexual' maxa iska galay??? Marka hore ergayga Rag, ama Rag-ganimo waa erag bulshooyiin-ka ay somali-du ka mid ka tahay u isticmaalaan, iska saraysiin-ta haween-ka ay raggu iska saraysiiyaan, iyaga oo ka sareeganaya wax walba oo dumar-nimo nin ku siifayn kara. Marka kowbaad waxad ogaata arag-tida ama fikir-ka noocaas ah in u yahay, mid qaldan oo ilbaxnimada meel aan ku lahayn.


Haddi u wiil, wiil jeclaado ama galmo la wadaago, kama dhigna in u wiil-nimadiisi wiiqantay. Hab-ka qofka benu adam-ka ah u seexdo waxba kama ahaa shakhsiyadiisa. Laba dabla-nimadu ceeb maha oo waa dareen dadka qaar ay leeyihiin. Anigu shakhsi ahaan waxan la seexday haween ka badan intaan rag la seexday. Waxanaan manta ahayn khaniis 100% maxa yeelay kaliya waxan soo jiidasho u leeyahay wiilashii oo kaliya, soo jidashadii haween-ku waxay noqotay 0%. Hadaba waa yaabe ma ragga-nimadaydii ayaa nusqaantay??? Maya, Anigu sidaas iskuma haysto ee waxan u haysta. QALBI-GU MEELBU JIRA, OO WIILASHU JIRA, LAGU JEEDALIYA.


Waxan mar aan sii dhawayn bartay, sxb aad u qiimo badan. Sxb-kaasi wuxu naftiisa ku tiriya laba dable 'Bisexual' Anaa waan fahmi kara oo marar badan ayuu dumar la hasaaway, la seexday, waliba guursaday. Malin maalmaha ka mid ah ayaan banaan-ka isku raacnay. Waxan tagnay makhayat cunto. Madaama ay makhayadu ahayd naaftaada caawi 'buffet restaurant' waxan bixinaynay qiimaha cuntada iyo dalabka cabitaan-ka. Gabadh fadhiday miis, ka ag dhawa maqal-ka lacag qabashada oo khanisad ah 'Lesbian' ayaa sheeda nooga yeedhay, oo dhaday, kali ayaan ahay ee waad ila fadhisan kartan. Ka dibna halkii ayaan fadhisanay. Su'aashii ugu horeysay ee ay na waydiisay ayaa waxay ahay 'Är ni ihop' ma wada jirtaan, ma isla baxdaan. Aniga oo qoslaya ayaa waxan dhahay. Maya asxaab ayaan nahay. Maba shidaysan hadal-keeda, Maxa yeelay dee khaniis, ayaan ahay oo in ay i garatay waaban ku farxay runtii. Anaa aniga oo qoslaya ayaan dhahay, ma kaliga ayaan cuntaynaysa, miyaan sxb kula socon, intay qososhay ayay dhahday, Maya sxb-bad ayaan leeyahay. Sxb-kay oo naxdiintii dhididay oo hareeraha fiirinaya ayaa hadal-ka dhexda ka soo galay oo dhahay. Kalay sideed laba wiil u waydiin karta, maad isla baxdaan??? Waxay ku jawaabtay waa caadi. Wuxu dhahay, ma khanisiin ayaad na mooday? waxay dhahday. Ma tihid miyaaaaa? maya ayuu dhahay, ee maxad igu malaysay. Waxay ku tiri, markaad lacagta bixinaysayn ee cabitaan-ka dalbanaysay ayaan jajab-kaaga arkay, oo si ayaad u jajaban tahay. Aniga oo qoslaya ayaan waxan gabadhii ku dhahay, Aniga ayaa khaniis ah ee sxb-kay khaniis maha. Waxay igu jawaabtay, labadiina adiga ayaan khaniis u eekayn. Marka waxan uga jeeda Khaniis-nimadu muuq maha ee waa magac, waa dareen aan shaqo ku lahayn sida u qof-ku u eeg yahay.


Waa fahmi kara in marar badan jaho wareer-ka jira iyo culays-ka bulshadu u inoo keeno xalad nafsi, taas oo qofka gayaysiisa in u naftiisa naco, sidaas darteedna u iskugu yeedho magacyo uu u haysto in ay yihiin, magac-yo gobeed. In aad khaniis tahay, maha wax laga xishoodo, lakiin waxa wax lagu qosla ah in aad naftaada khiyaali kula nooshahay.
 


Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

No comments:

Post a Comment