11 Jul 2014

Maxay Diintu ka qabta khaniis-nimada???


Bulshada Somali-du waa Muslim inteeda badan, dhaqankeeduna inta badan wuxu ku sar go'an yahay diinta Islaam-ka. Somali-da waxa lagu tiriya, bulsho xag jir ah, oo haba yarate furfurnaansho xaga dhaqanka ah aan lahayn.

Marar badan ayaa dhalin yaro khaniisin ah oo dhaqan-ka iyo diinta ku jaho wareeray ii soo waydiiyayn, su'aal ah: DIINTU MAXAY KHANIIS-NIMADA KA QABTA??? Runtii wadaad diineed ma ahii, lakiin aqoon igu filan diinta waan u leeyahay.

Diimuhu waa dhaqan maamuul bulsho oo Ilaah ugu talo galay dadka sii ay u wada nooladan, isagana u adeecan. Diintu maha cirka soo dhac Ilahay dadka ku ajburo waxayna karayn, ee waa mid ku dhisan dhaqanka iyo fahan-ka bulsho ee markaas jira. Taas waxad ka arki karta sida Diin-ta Islaam-ka ay uga buuxdo dhaqan carbeed badan. Maxa yeelay Umabadii nabi Maxamed 'Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaate' ka soo baxay ayaa carab reer miyi khalafsan u badan ahayd. Waxa marar badan Ilahay qur'aan-kiisa ku xusay siday carabtaasi nabiga ' S.C.W' ugu ad-adkaayayn iyo dhibtii u ka muutay. 


Qur'aanka waxa ku qoran qolyo ilahay inooga waramayo oo la dhihi jiray reer Luud. Waa nabi luude 'Naxariisi korkiis ha ahaate'. Qur'aanku wuxu xusaya in qoomkaasi khaniis-nimadu ay dhaqan ahaan caadi ahayd. Wuxu Ilahay xusaya in u halaagay, Sabaabtuna ay ahayd, markii ay damcayn martidii Nabi Luud oo ahayd malaik Ilahay soo diray oo muuqa dadka leh. Marka Ilahay ma wuxu ku halaagay kufsigii ay rabayn in ay martida kula kacaan iyo adeecid la'aanti nabi luud, mise khaniis-nimadoodii??? taasi qur'aan-ka kuma kala cada!! Diinta Islaam-ku waa xaraam-tinimaysay khaniis-nimada. Lakiin su'aasha meesha taala, waxa weeye Diinta Islaam-ku ma waxay u xaraan-tinimaysay aragtidii carabtii markaas noolayd oo wax xun u arkaysay, mise Ilahay ayaa wax xun u arka? Anigu waxan qaba Diinta adoon-siga oo benu adam-ka gaal iyo muslimba isku raacsan yahay xumidiisa xalaalaysay. Layaab ma lahan in ay khaniis-nimadana xaraantinimayso. Maxa yeelay dadkii xiliga noola ayaa khaniis-nimada ceeb u arkaayay, Adoon-sigana sharaf u arkaayay. diintuna sideedaba waxay sharciyaysa dhaqanka bulsho ee markaas jira. Waxa is weyndiin mudan, maxa manta dunida Islaam-ka adoonsigii ugu yaraaday oo khaniis-nimadu ugu badatay??? Jawaabtu waxa weeye, aragtida dadweynaha aduunka ku nool ayaa is bedeshay. Sidaas darteedna waxa loo bahan yahay, in Diinteena macnaynteeda dib loo eego. Muslimiinta suniga ah waxa manta hogaamiya sacuudiga oo aynu ognahay, halka u xuquuqda adaamaha ka tagan yahay. Marka lagama filan karo dabacsanaan ee waa in dadka muslimiinta ah ka tashadayn sacuudiga. Ilahay dadkiisa waa simay, dadkuna ma kala sareeyaan.


Anigu haba yarate ma arkaayo, sabaab u Allah koore ahaaye u imtixaan uga dhigo adoon-kiisa in u jeclaado qof jinsi ahaan la mid ah sidaasna cadaab-ta ku geeyo, oo u ku karaameyo moriyaan gacan ku dhiigle ah in u jinsiga ka duwan ka helo oo sidaasna janada ku geeyo. Waxan qaba Khaniis-nimadu waa abuur alle oo lagu dhasho. Haddii ayna ahayn dee waa laga dawoobi laha ee qof ka dawoobay ma jira? Muslimiin badan oo ay Somali-du ka mid tahay, rag iyo dumarba waa guursadan iyaga oo u haysta in ay khaniis-nimada kaga baxayaan sidaas. Lakiin mudo ka dib waxay bilaabaan, qadhaabsi iyo suuq warwareeg. Imisa khaniis ayaad taqaan oo guursaday, walina khaniis ah??? Maxay uga bixi waayayn khaniis-nimada, haddi ay balwad tahay? Marka waxan idiin waydiinaya Ilahay ayaan idinku dhaarshe, Waa tee Diinta banaynaysa intaad guursato haweenay ama wiil maskiin ah oo daacad ah, hadana meelaha aad ka soo qadhabato oo aad habeen-kii soo ag jiifsato adiga oo Wiil kale la soo raaxaystay ama gabadhu ay gabadh kale la soo raxaysatay, Maskiintii aad qabtayna meesha ugu sugayso oo anaad u raxayn karin??????? Ta kale bila calaykum, waxanad naftaada u qudhayn oo anaad walaasha iyo walaal-ka toona u qudhayn, qof benu adam ahna ha u quudhin, oo ha u isticmaalin in aad sowr-ka bulshada isaga qariyo, Hebel waa xaasle, lakiin runtii bahal ah badaad ku duula habeen-kii oo miciyo waraabe yeesha.

Diinta Islaam-ku waa diin suuban oo sinaansho iyo xaq dhow ku dhisan, marka ha u isticmaalin in aad danahaaga ku fushato oo aad ka qadato intaad rabto, si aad qof benu adam ah u lu'goyso.

Marka ay noqoto in wiil u will jeclaato ama gabadhi gabadh jeclaato. labada qofna ay yihiin qangaadh og waxa ay samaynayaan. Waxan odhan kara khaniis-nimadu waa banaan tahay diin ahaan iyo dad-nimo ahaanba. Lakiin waxa reeban anshi xumada, sida adiga oo khaniis ah in aad haweenay gursato oo aad lugooyo ku wado, sida in aad caruurta yar yar fara xumayso ama lu'goyso iyo khiyaamada. 


Marka akhriste Somali-du waxay tiraahda. Cilmiga ha lagu dhige aqliga kaasho baa la yidhi. Waxa loo bahan yahay, wax walba oo aad maqasho oo magac diineed wata in anaad xambaaran ee aad aqligaaga la kashato. Wixi aad u aragto macquul ku dhaqan, wixi aad u aragto waxan aqliga galayna ka tag. Ilahay aqliga wuxu inoo siyay in aynu wax ku garano. Waxad ogaata in Ilahay kugu abaal marinayo, dacad-nimada, adeecadiisa, u naxariisiga inta kale iyo xaq dhowrka noolaha. Jacayl-ka ilahay ayaa quluubta ku abuuray, Jacayl-na naar laguma galo
ee ogow!!!!

Qalinkii: Ahmed Somali

Wixi aragti ah, talo ama faalo ah, halkan ku soo gudbi ama email ahaan igu soo dir:

handsomeswed@gmail.com
https://twitter.com/Somali_Gay
https://www.facebook.com/iiwaydii

No comments:

Post a Comment