Happy Valentine's Day
Waxan dhamaan idiin rajayna in aad Valentino day ga aad ku
qadatayn farxad iyo kalgacayl. Waxan rajaynaya in badan oo inaga mid ah in ay
farxad iyo jacayl ku qatayn. Maalin-tan qiimi-ga badan ee calam-ka jacayl-ka
laga xuso, maha uun maalin dadyow-ga lamanaha ah u gaar ah, ee waa maalin
jacayl-ka noolaha oodhan u astaamaysan. Waa maalin qofka looga bahan yahay, in
u farxad iyo kalgacal ku xuso, kaas oo u la wadaagayo cid walba oo u jecel
yahay.
Anigu shakhsiyan maalin-tan sanad walba waxay igu soo marta
kali, ’’Single’’ waxan rajeeya in sanad-ka xiga ay igu timaado aniga oo lamaane
haysta. Hase yeeshe ma dhacdo L
Noolashayda hal mar ayaan jacayl ku xusay malin-kan, lakiin xiiso badan may
lahayn, maxa yeelay qof-ka aan la wadaagayay farxada, qiimo badan iyo macneba
maalin-taasi uma lahayn. Waxan xasuusta hadyad ayaan u soo gaday, isaguse waxba
kama ogayn maalinta qimaheega. Waa noolashayda maalin-ta aan goostay in anaan
waxba la wadaagin qof anaad noolasha isku meel ka joogin. Runti mararka qaar
hinaase ayaa ii qabta, marka aan arko lamanayaal u dabaal dagaya maalin-tan.
Aniga igama duwanayn maalin caadi ah, maalin shaqo, aroor hore ayaan shaqo
galay, ka dibna waxan aaday gym-ka, wax xooga ayaan guri-ga ku nastay ka dibna
shaqo labaad ayaan toos u sii galay, waxa xiiso lahayd, in fiid-kii ay wiil iyo
gabadh isla socda oo aad u faraxsan shaqada igu soo marayn, waxan u rajeeyay
habeen jacayl badan, mahadnaq ka dib waxan ii waydiiyayn shaqada ka dib anaa in
aan habeen-kan qiimiga badan u dabaal dagayo, aniga oo qoslaya ayaan ugu
jawaabay, anigu waxan u dabaal dagaya kali-nimada gabadhi ayaa aad u qososhay.
Xata asxaab qaali ah oo aan leeyahay, kalina ku oogahay waxan u rajayay ’ happy
single day’ Aniga oo kaftamaya. Waxa xusuus mudan wiil aan in dhawaydba is
gaadgaad naga dhaxeeyay, runti aan aad iskaga helnay, wakhtiyo fican soo wada
qadanay, bilow-gii sanad-ka cusubna aan wada xusnay ayaa sms sakhbadh-kii ii
soo diray u igu rajaynayo malin-ka jacayl-ka, runtii aad ayay ii farxad
galisay. Waxan u qoray sido kale, waad ku mahadsan tahay, lakiin sms-kaagu wuxu
igu noqday lama filan, waxa u ii soo qoray sidu lama filaan kugu noqday, waxan
u qoray, ma filanayn, wuxu ii soo qoray tan oo kale in aad iga filato ayay
ahayd, waad ogtahay in aan ka helay, adna waan ogahay in aad iga heshay. Lakiin
wali labadeenaba waxa ina haysa cabsi in aan talaabo qaadno. Waa runtii oo
baryahan danbe qof aan uga helay sida aan isaga uga helay ima soo marin, lakiin
waan aqliyaystayo inta badan talabada aan qadayo, waxan ku saleeya maskaxda.
Waxan eega oo aan qiimeeya waxa xigi kara maalmaha xiishaha. Ka fiirsigu waxa u
noolaha ka baadbadiya dhibatooyin badan.
Sidan sanad walba maalin-kan oo kale aan rajeeyo. Waxan
dhamaan inteena kali-ga ah inoo rajaynaya sanad-ka danbe in aan ku xusno
jacaylo qiimo badan. Inta hadeerba ku xusayna lamanayaalna aan u rajeeyo,
jacaylo waara.
Jacayl-ku waa qiimi badan yahay, farxad badana wuu
xambaarsan yahay, marka dacad-da, daryeel-ka iyo ixtiraam-ka lagu wado. Hadduse
dowgiisa ka leexdo, waa qadhaadh badan yahay, waliba ka qadhaadh dacarta.
Even
if the sun refused to shine,
Even if romance ran out of rhyme,
You would still
have my heart, Happy Valentine's Day.
No comments:
Post a Comment